Qiso Yaab Leh: “Ilaahow U Naxariiso Nafo Murugadooda U Qarsanaya Si Ay Dadka Kale Ee Murugaysan U Caawiyaan”

0
4248

yaabHargeysa: (Googooska Geeska)- Isaga oo aad u degdegsan ayuu soo galay cisbitaalka, inta uu markiiba labiska qalniinka qaatay ayuu abbaaray qolka qalniinada cisbitaalka si uu isugu dayo in uu badbaadiyo bukaan loogu soo qayliyey. Markii uu marayey kadinka qolka qalniinka ayaa waxa ku soo kacay nin oday ah oo aabo u ah bukaanka uu u ordayo in uu qalo, wejiga odayga waxaa ka muuqatay cadho xad dhaaf ah, markii uu dhakhtarka isha ku dhuftayna waxa uu bilaabay qaylo iyo canaan aad u qallafsan oo uu u jeedinayo dhakhtarka. Isaga oo ku siganaya in uu kalladhka qabsado ayaa inta uu hor istaagay waxa uu ku yidhi, “Digtoor maxaad waqtiga intaa le’eg ku habsaantay…?!! Miyaanad ogeyn in nolosha inankaygu halis ku jirto?!! Miyaanad dareen masuulnimo iyo arxan dhakhtarnimo lahayn, side aad u habsaami kartaa adiga oo dareensan in dad adiga nolol kaa rajaynayaa ay kuu jiifaan?!!

Digtoorkii inta uu si naxariis badani ka muuqato u dhoolla caddeeyey ayuu odaygii oo uu sugayey intii uu hadalkiisa dhamaysanayey ku yidhi, “Aad ayaan walaal uga xumahay in aan dib u dhacay… Cisbitaalka maan joogin markii warka inankaaga la ii soo sheegay, laakiin sidii ugu dhaqsaha badnayd ee suurtogalka ahayd ayaan ku imid.. waxa aan kaa codsanayaa in aad is dejiso, anigana ii bannayso jidka si aan shaqadayda u qabsado… waxa aad ku kalsoonaantaa in inankaagu uu ku jiro gacmo aamin, Ilaahayna qaddarka uu iska leeyahay” Odaygii kuma uu degin hadalladii dhakhtarka, ee waxa uu iska sii watay canaantii iyo qayladii, iyada oo ereyada uu leeyahay ay ka mid ahaayeen, “Waa maxay sida qabow ee aad ila hadlaysaa, sidee aad ii tidhaahdaa is-deji?!!! Haddii xaaladda inankaagu halis ay ku jirto sidaa ma u qaboobaan lahayd. Laakiin dhakhtarkii hadalladan dambe ma’uu sugin ee si dhaqso ah ayuu isaga weydaartay odaygii oo uu galay qolkii qalniinka si uu waajibkiisa u guto. Aabihii oo aad u cadhaysan ayaa inta uu garbaha lulay ka sii daba tuuray dhowr kelmadood oo ay ka mid ahaayeen, “Waanadu fududaa marka aad ka hadlayso murugada qof aydaan waxba isu ahayn haysa!!”

Dhakhtarkii saacado kadib ayuu ka soo baxay qalniinkii isaga oo aad u degdegsan, odaygii oo halkii jawaabta ku sugaya ayuu ku yidhi, “Walaal ku bishaarayso in qalniinkii uu guul ku dhammaaday, Ilaah ayaa mahadda leh, inankaagiian waa uu fiican yahay” kadib dhaqso ayuu u dhaqaaqay isaga oo ku sii leh wixii faahfaahin ah gabadha kal-kaalisada ah ayaa kuu sii sharrixi doonta.

Odaygii oo ka yaabban ninkan dhakhtarka ah ayaa gabadhii weydiiyey in ay wax uga sheegto xaaladda dhakhtarkan oo uu u arkayey nin isla weyn. Gabadhii inta ay foorarsatay iyada oo ilmo indhaheeda ku taagan tahay ayaa ay tidhi, “Ninkan digtoorka ah ee kula hadlayey inankiisii ayaa shalay ku dhintay shil gaadhi, isaga oo ku jira hawshii tacsida iyo aaska ayaa lagala hadlay cisbitaalka oo loo sheegay in ay jirto xaalad degdeg ah oo ay tahay in uu isku dayo inuu wiilkaagan ku badbaadiyo, waayo dhakhtar qalniin oo fiican isaga ayuun baa jooga cisbitaalka… sidaa ayuu ku yimi, imikana waxa uu ku sii ordayaa si uu uga gaadho aaska” odaygii oo naxdin afka kala haya ayaa inta ay kor u eegtay iyada oo ilmaynaysa waxa ay hadalkii ugu soo xidhay, “ Inta uu murugadii geerida inankiisa dhan iska dhigay ayuu u yimi in uu badbaadiyo inankaaga” kadib waa ay ka dhaqaaqday iyada oo sii leh, “Ilaahayoow u naxariiso nafo murugadooda u qarsanaya si ay dadka wax ugu qabtaan”

Googooska Geeska