Qiso: Saddex Fursadood Oo Uu Duco Laga Ajiibo U Helay Ayaa Uu Xaaskiisa Ku Khasaariyey

0
956

Hargeysa (Geeska)- Nin ka mid ahaa reer bani Israa'iil oo aad u wanaagsanaa ayaa  maalin maalmaha ka mid ah aad u ducaystay. Kadib waxa uu Alle u soo diray malag suurad bani'aadam leh, oo u sheegay in Alle uu ka aqbalay ducadiisii una ogolaaday in uu dhabeeyo saddex duco. Ninkii reer bani' Israa'iil aad ayuu ugu farxay in laga aqbalayo saddex arrimood, oo weliba fursad loo siiyey in uu ka soo fikiro saddexda arrimood ee uu u dooranayo in ay noqdaan ducadaa laga aqbalay.

Muddo ayaa uu ku mashquulay in uu doorto saddexdii arrin ee uu Alle ka baryi lahaa si looga aqbalo. Ninkani waxa uu qabay gabadh Basuus la yidhaahdo oo uu aad u jeclaa, gabadhan waxa uu calmaday isaga oo da’ ahaan aad uga weyn, qurux ahaanna lagu tiriyo dadka deegaankiisa ugu fool xun oo weliba dhaqaale ahaanna faqiir ah, in kasta oo ay dumar badani diideenna Basuus waa ay ka ogolaatay guurkii, sidaa awgeed waxa uu aaminsanaa in ay abaal gaar ah ku leedahay.

Ninkii gabadhiisii uu jeclaa ayaa uu u yimi, waxa aanu u sheegay in Alle ka aqbalayo saddex duco, iyo in loo ogol yahay inuu saddexaa arrin inta uu doono ka soo fikiro xilliga uu doonana mid walba ka dhigto. Gabadhiisii uu jeclaa markiiba waxa ay ka dalbatay in saddexdaa duco mid ka mid ah uu iyada siiyo inay doorto, isna hadalba kama celin ee wuu ka aqbalay. Gabadhii waxa ay tidhi, "Waxa aad Ilaahay iga baridaa in uu iga dhigo gabadha ugu qurux badan reer Bani' Israa'iil oo dhan" Arrintii ninkii aad ayuu u soo dhoweeyey waxa aanu markiiba isku qanciyey in qudhiisa ay tani dan u tahay oo gabadhiisu u noqonayso gabadh quruxley ah, sidii ayaanu yeelay oo waxa uu Alle ka baryey ducadiisii koowaad oo ah in gabadhiisu noqoto gabadha ugu quruxda badan reer Bani' Israa'iil. Ducadii waa laga aqbalay gabadhiina waxa ay noqotay ta’ ugu qurux badan dumarka reer Bani Israa'iil.

Intii aanu toddobaadba ka soo wareegin waxa bilowday in ay afka u taagto una aragto in uu yahay nin aan u qalmin, waxa ay aragtay in quruxdeedu tahay mid aanay marnaba ku waayeyn nin maal iyo magac leh oo xataa carmalnimada ku jeclaada, sidaa awgeed waxa ay bilowday inay ka madax adaygto macaamiladii wanaagsanayd iyo jacaylkii ay u muujin jirtayna daaqad ka tuurto. Ninkii waxa uu aad uga murugooday dhibta ay u geysatay ducadii uu gabadhiisa siiyey, muddo dheer ayaanu ku jiray xaalad murugo. Waxa unu arkay in aanu sii wadi Karin dhisnaanta qoyskiisa jidka ay ku socdaanna yahay kii ay ku kala tagayeen. Taasna diyaar uma ahay oo sida aynu soo xusnay gabadhan aad ayuu u jeclaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu doonay in uu waaniyo una caqli celiyo xaaskiisan, laakiin nasiib-darro waxa kaga soo baxay taag taagnaan iyo dabeecad aanu kaba filayn iyo kibir, isaga oo cadhaysan ayaa uu ninkii odayga ahaa Alle ka baryey in xaaskiisa Basuus uu ka dhigo Ey. Isla markiiba waa laga aqbalay ducadiisa labaad ee ah in uu Alle gabadhan ku kibirtay ey ka dhigo. Muddo ayaa ay gabadhii ahayd ey aan guriga iyo qol-qolka ka dhammaan had iyo goorna carruurteeda ayaa ay ka ag dhowaan jirtay. Arrintani waxa ay ninkii ku beertay calool xumo iyo murugo, dhan waxa uu waayey jacaylkiisii, oo uu maalin walba arkaa Basuus oo ey ah oo qol-qolkiisa joogta, dhan waxa uu u adkaysan waayey caruurtiisii oo hooyadood ey noqotay, intoodii wax kala garanaysayna ay aabahood u qaadeen cadho iyo cuqdad illeen waxa ay og yihiin in hooyadood ducadiisii ey ku noqotay ee. Ninkii muddo yar kadib waa uu u adkaysan kari waayey, mar saddexaad ayaanu Alle baryey ka beryey in gabadhiisa Bassuus uu ku soo celiyo sidii ay ahaan jirtay ducooyinkan ka hor. Waana laga aqbalay, ninkii waxa uu fursadihii duco ee la siiyey dhamaystay isaga oo aan wax anfac ah ka gaadhin, dhammaantoodna ay ku dhammaatay xaaskiisa. Waxa aanay noqotay halku dheg  carbeed oo loogu soo hal qabsado qof kasta oo la arko inuu dhib badan yahay. hal-ku-dheggeaas oo marka Af Soomaali ku eegno noqonaya, "Ka dhib badan Basuus"