Qisas Tusaale U Ah Khatarta Uu Nolosha Dadka Gelin Karo Ruuxa Sheegta Aqoon Caafimaad Oo Aanu Lahayn

0
575

Picture4Hargeysa (Geeska)- Waxaa jirta qiso taariikho hor laga soo tebiyo oo sheegaysa in ay jiri jirtay magaalo dad badani ku dhaqnaan jireen oo lahayd dhakhtar keliya. Waxa uu ahaa nin cilmi badan iyo xikmad lagu og yahay Ilaahayna ku asturay oo dad badan caafimaadkooda uu gacantiisa sabab uga dhigay, dhinaca garashada xanuunka iyo daweyntiisa labadaba, muddo dheer oo ninkan cilmigiisa iyo khibraddiisa lagu intifaacsaday kadib ayaa ay da’i heshay oo aakhirkii waa uu indho beelay, hase ahaato ee weli lagama tegin oo dadku waa ay u iman jireen oo cilmigiisa wixii lagafaa’idaysan karo laga qaadan jiray. Dabcan xilliyadaa ma’ay jirin nidaam cilmi oo dawooyinkan oo dhir ka samaysnaa la isugu dheelli tiri jiray ama qiyaas iyo hal-beeg la yaqaanno oo lagu qiyaaso xaddiga uu qofku dawada ka qaadanayo iyo marka hore qaabka uu isugu darayo.

Beri dambe ayaa waxaa dhacday in ay xanuunsatay inan uu dhalay boqorkii magaaladan ka talin jiray oo ahaa nin gacan kulul oo aad looga baqdo. Boqorkii gacan-yareyaashiisii ayaa uu isugu yeedhay oo uu amray in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo raadiyaan dhakhtar daweeya inantiisan xanuunsanaysay. Bilowgiiba waxaa loo tegey dhakhtarkii indhaha la’aa oo markii xaaladdii inantan yar loo sharraxay u sheegay cudurka uu u malaynayo in uu inanta iyo dawada ay la tahay in ay dabiibkeeda ku habboon yihiin, laakiin waxa uu u sheegay in dawadaas uu sheegayaa ay tahay dhir magacyadooda uu sheegay oo xaddi qiyaasan la isugu darayo, isaga oo ka baqanaya in laxaadkiisa aragga ee maqani uu khasaare keeno ayaanu ku cudur daartay isku daristeeda, waxa aanu ku taliyey in la raadiyo dhakhtar indho qaba oo dawadaas sida ay tahay isugu dara, ama xataa xanuunka qudhiisa la’ eega.

Warkaasi macquul ayaa uu ula ekaaday raggii boqorku soo diray oo qudhoodu ka cabsi qaba in uu qalad ka dhaco, waayo waxa ay og yihiin in qaladka dhaca ee inanta yar khatar geliyaa uu iyagana nafahooda galaafan karo. Waxa ay raadsadeen dhakhaatiir kale oo dawadan sida saxda ah isugu dara. Waxaay heleen nin dhakhtarnimo sheegta oo noqday farajka ay dad badani u yaacaan marka ay xaalado caafimaad darro dareemaan, maadaama oo uu hawlgab noqday dhakhtarkii magaaladu, waxa aanay weydiiyeen dawadaas iyo isku darkeeda, markiiba ninkii inta uu kutubtiisii soo gurtay ayaa uu sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay dawadan isku darkeeda.

Ninkii dhakhtarnimada sheeganayey waxaa loo keenay boqorkii oo ka dalbaday in uu dawadaas isugu daro inanta yar, laakiin nasiib darro waxa uu qalday qiyaasihii saxda ahaa ee dawadaas la isugu darayey, sidaa awgeed waxa ay dawadaa noqotay isku-dhis sun ah oo isla markii ay inantii yarayd afka saartayba ay naftu ka baxday. Boqorkiina kamaba uu neefin ee inta uu dawadii soo qaaday ayaa uu isna waraabiyey ninkii dhakhtarnimada sheeganayey oo isaga qudhiisiina daqiiqado gudahood ku naf waayey.

Waa qiso kooban oo tusaale u noqon karta qaladaadka tirada badan ee habeen iyo maalinba ay dunidan ka geystaan dad sheegta mihnadda caafimaadka oo aanay aqoontii ku haboonayd u lahayn ama isku qaadaya takhasusyo caafimaad oo ka baxsan aqoonta caafimaadka ee ay sida dhabta ah u barteen. Waxaa iyaduna tusaale kale noqon karta qisada Carbeed ee ka warramaysa qalad dhinaca akhriska ah oo uu sameeyey nin sheeganayey in uu aqoon u leeyahay mihnadda caafimaadku, taas oo u dhacday sidan:

“Waayadii hore afka Carabigu ma’ uu lahayn dhibcaha cidda taqaannaa ay ku aragto ee inta badan lagu kala saaro xuruufta isu eeg ee dhibcahaas uun ay kala soocaan. Waxaa jiri jiray wadaad Carbeed oo diinta wax ka yaqaannay, kutubtii diinta ee uu akhrisan jiray ayaa uu ku arkay xadiis Nebi Muxammed (SCW) laga soo xigto oo macnihiisu noqonayo in midhaha xabaasuuddu ay dawo ka yihiin cudur kasta, marka geerida laga reebo.  Taas oo macnaheedu yahay in xabaasuuddu aanay daweyn oo keliya qofka ay tiisii gashay.  Wadaadkii aad ayaa uu xadiiskan uga helay, waxaana markiiba ku dhashay in uu ku dabiibo dadkan cudurradu hayaan ee habeen iyo maalinba dawo raadiska ah.

Nasiib darro ereyga afka carbeed ee xabaasuudda lagu yidhaahdo oo afkeenna ugu qormaya, Xabbatu-Sawdaa’ sida aynu aragno qaybta hore waxaa dhexda ugu jira xarafka B, oo afka carabiga hal dhibic hoosta ku leh, laakiin xilligaas dhibcuhu ma’ay jirin, markaas wadaadkii waxa uu u qaatay uun in ay tahay, Xayyatu-sawdaa’ marka aad u fiirsato labadan erey waxa ay ku kala duwan yihiin keliya halkii marka hore B ahayd oo  Y Noqotay, afka carabiga marka ay ku qoran tahayna B iyo Y waxa keliya ee lagu kala garan karaa waxa ay ahayd in ba’du hoosta dhibic keliya ku leedahay halka Y’duna ay laba dhibcood ku yeelanayso. Laakiin macnuhu aad ayaa uu u kala duwanaanayaa oo halka ay hore uga ahayd Xabbatu-Sawdaa’ oo ah midhaha madow, waxa ay hadda noqonaysaa Xayyatu-Sawdaa’ oo ah abeesada madow.

Ninkii umaba kaadin ee kelmaddii waxa uu u akhristay sida dambe oo noqonaysa in abeesada madowga midabkeedu yahay dawo ka tahay cudur kasta oo aan geerida uun ahayn. Sida caadiga ahna abeesada madowga ahi waa tan ugu khatarta badan, sidaa awgeed dad tiro badan oo uu abeeso madow inta uu dilay u kariyey ama siyaabo kale ugu dabiibay ayaa ay naftu ka aguugtay.

Marka degdegga iyo caqli xumada kale laga yimaaddo waxa ay tani muujinaysaa aqoon darrada caafimaadka uu ninkani u lahaa oo ugu yaraan waxa uu kala garan lahaa maaddooyinka iyo weliba khatarta abeesadu keeni karto maadaama oo ay macruuf tahay in ay sun leedahay, markaasuu dib isugu noqon lahaa. La soco qormada dambe iyo aragtida ay shareecada islaamku ka qabto ruuxa sheegta mihnadda caafimaadka oo aanu lahayn iyo xukunka dhibta uu geysto….