Qisada: Soomaali Afduub Lagu Eedeeyey Oo Kanada La Geeyey, Kaddib Markii Lagu Khiyaameeyey Heshiis Been Ah

Published on Jun 13 2018 // Warar

Kamaal A. Cali  (Q. 5aad)

Maxkamadda

Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwaddan oo uu garsoore ka ahaa Robert Smith, waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa aanu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi.

Isdifaacii Cali iyo dhammaan doodihii uu isku dayey in uu kiiska iskaga jebiy, garsooruhu waxa uu ka soo qaatay been-abuur badheedh ah oo aan mudnayn in ay maxkamaddu tixgelin siiso. Isaga oo ka hadlaya sababta uu sidaas u yeelayna, waxa uu garsooruhu sheegay in dhegeysiga dacwaddan ay uga soo baxday in Cali uu ahaa nin falkan afduubka isaga oo xor ah ka qaybqaatay oo weliba xiise iyo xamaasad u qabay ka qaybqaadashadiisa, “Waxa uu ahaa ka qaybgale xiise u qaba” ayaa ka mid ahaa hadallada garsoore Robert Smith.

Ugu dambayntii garsooruhu waxa uu sheegay, farriimaha internet ka (Emailka) soo mariyey ee ay Cali is weydaarsadeen AK iyo hadallada ay is dhaafsadeen Amande Lindhout hooyadeed iyo ninka Soomaaliga ah ee ay marka dambe wakiisheen qoyska Amanda, in intaba aanu mar keliya ku sheegin wax dhibaato ah oo uu ka tirsanayo afduubayaasha kale, ama in qoyskiisu wax hanjabaad ah kala kulmay ragga afduubay Amanda. Taas beddelkeedana mar kasta la arkayey kaalinta muhiimka ah ee uu hawshan afduubka ku leeyahay. Sidaa awgeed ay iska fogeynta eedda ee imiku u muuqato in ay tahay uun muran iyo isdifaac qaldan.

Garsoore Robert Smith hadalka uu dhegeysiga dacwaddan ku soo xidhay waxa uu ku sheegay in ‘dembigii’ lagu helay Cali Cumar, xukunkiisana uu ku dhawaaqi doono horraanta sannadka foodda innagu soo haya ee 2019 ka. Dadka aqoonta u leh sharciyada dalka Kanada waxa ay saadaalinayaan in marka la eego dembiga lagu helay Cali, uu xukunka la filan karaa yahay ‘Xabsi madaxaa ha ku furto ah’ (Xabsi daayin). Waxaa xusid mudan in Cali markii uu maqlay hadalka garsooraha ee ah in dembiga lagu helay, aanu wax dareen didmo ama naxdin ah ama shucuur diidmo ah muujin.

Dad garanaya Cali Cumar

Wargeyska National Post oo ka soo baxa dalka Kanada, ayaa 15kii 2015 ka, waa uu boggiisa Internet ka ku faafiyey, warbixin dheer oo ka warramaysa qisadan. Warbixintaas waxaa ka mid ahaa, xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Cali Cumar Adeer, oo uu wargeysku ka helay masuuliyiin Soomaali ah oo Soomaaliya jooga, balse aanu magacyadooda xusin.

Xogta uu wargeyska National Post sheegay isaga oo ka warramayana waxa uu qoray, “Masuuliyiin Soomaali ah ayaa sheegay in Adeer uu rasmi ahaan xubin firfircoon uga ahaan jiray ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Itixaad Al-Islaami, laakiin muddooyinkii u dambeeyey uu hawlo kala duwan oo kale ka shaqayn jiray. waxaa ka mid ahaa in uu mar magaalada Muqdisho ku haystay rug ganacsi oo adeegga internet ka laga isticmaalo, mar kalana uu magaalada Gaalkacayo ku haystay bakhaar raashinka iibiya.”

Mid ka mid ah masuuliyiinta xogta siiyey wargeyska The Niatonal Post ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer aanu marnaba xubin ka noqon Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Alshabaab. Laakiin uu marar badan hawl fududayn u sameeyey dhinacyo kala duwan oo ah kuwa awoodda Soomaaliya ku loollamayey.

Dhianca kalana Amanda Lindhout ayaa waraysi ay bixisay ku sheegay in muddadii 15 ka bilood ahayd aanay mar keliya Cali ka maqlin ereyka Al-Itaxaad ama koox ka mid ah kooxa Islaamiga ah ee Soomaaliya ka jira in uu xidhiidh la leeyahay, ama wax muujinaya in uu islaamiyiinta ka tirsan yahay.

Amanda waxa ay sheegtay in aanu Cali marna ula muuqan nin diimeed iyo wadaad, weligiina aanay ka maqal wax Jihaad la xidhiidha. Waxa ay sheegtay in xitaa marka uu sheegayo dhalinyarada afduubka in uu ku sheegi jiray, ‘Baandada’ (Budhcadda).

Cali Cumar Adeer intii dacwaddu ku socotay marnaba laguma soo darin wax eed ah oo la xidhiidha fal argagaxiso, ama in uu Islaamiyiinta ka mid yahay.  Dhammaad

Fiiro Gaar Ah:

Waxa aan ka raalligelinayaa cid kasta oo ka mid ah qoyska Cali Cumar Adeer ama saaxiibbadii iyo dadka ehelkiisa ah, oo qoraalkan ku aragta wax ay dhibsato ama jeclaan lahayd in aan laga qorin arrinta Cali. Waxa aanan qirayaa in xogta uu qoraalkani ku dhisanyahay ay tahay mid laga helay dhinac keliya; oo ah dhinaca dawladda Kanada iyo warbaahinta dalkaas, sidaa awgeed ay suurtagal tahay in qoyska ama cidda kale ee hawshan ku lug lahayd ay hayaan ama sheegi lahaayeen xog taas ka duwan.

Waxa aan rumaysnahay, Cali iyo dhammaan Soomaalida kale ee dalalka kala duwan ee dunida, ee aanay sharciga (Dhalasho ama joogitaan) ku lahayn dacwadaha loogu haysto ama xabsiyada ku jira, in ay mudan yihiin in dalkooda gudihiisa lagu maxkamadeeyo, haddiiba ay ciqaab mutaanna dalkooda iyo dadkooda lagu dhex xidho, waa haddii aanay iyagu taas diidanayn ee Mahadsanidin.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!