Qisada: Soomaali Afduub Lagu Eedeeyey Oo Kanada La Geeyey, Kaddib Markii Lagu Khiyaameeyey Heshiis Been Ah

165
14613

Kamaal A. Cali  (Q. 4aad)

Maxkamadda Gudaheeda iyo Maraggii dacwadda

Arrinta xiisaha lihi waxa ay ahayd in maxkamadda gudaheeda ay markii ugu horreysay dib ugu kulmeen Cali iyo Lindhout, muddo ku dhowaad toddoba sano ah kaddib, afduubkii ay isku soo barteen xaalad aad uga duwan tan ay hadda isku arkeen. Lix sano ka hor ay Amanda maxbuus ayaa ay u ahayd koox uu Cali ka mid yahay ama ugu yaraan la shaqaynayey, maanta isagii ayaa maxbuus u ah maxkamad ka shaqaynaysa in ay soo celiso sharafta Amanda oo ay tusto in meel ka dhici lagu sameeyey garsoor helayo.

Amanda Lindhout waxa ay taagnayd meel dhowr tallaabo oo keliya u jirta edegga eedaysanaha ee maxkamadda gudaheeda. Waxa aanay ka sheekaysay wixii ku qabsaday duleedka Muqdisho iyo kaalinta ay iyadu ku doodayso in uu Cali Cumar Adeer ku lahaa waxa dhacay.

Amanda waxa ay ugu horreynba caddaysay in ay si fiican u garanayso eedaysanaha, oo aanay aqoon garasho ahi isugu laabnayn, laakiin magaca Cali Cumar Adeer aanay hadda ka hor maqlin. Waxa uu magaciisa ku sheegi, oo ay u taqaanna Aadam. Amanda Lindhout waxa ay sheegtay in, si ka duwan sida uu sheegtay, aanu Cai ahayn nin goobtii afduubka marti ku ahaa ama qasab ku joogay oo afduubnaa. Balse uu ahaa taliyaha hoggaaminayey kooxda afduubka. Afduubayaasha oo dhamina si ixtiraam iyo ka dambayn leh ayaa ay ula dhaqmayeen Aadam.

Amanda waxa kale oo ay meesha ka saartay doodda Cali ee ahayd in aanu isagu ogeyn in la jidh dilay ama la kufsaday gabadhan, waxa aanay hoosta ka xariiqday in isaga laftiisu uu ka mid ahaa dadka ciqaabaya, iyada oo si gaar ah u xustay mar uu ugu hanjabay in qafaalashadeedu ay tahay ficil diini ah, “Allaah ayaa I faray in aan madaxfurasho ka qaato Lindhout iyo Brennan.” Ayaa sheegtay in uu ku yidhi.

Waxa kale oo ay maxkamadda ka hor sheegtay in Cali uu marar badan u iman jiray isaga oo u sheegaya in uu doonayo in uu guursado. “Sida hanti yar oo ay leeyihiin ayaa ay ii arkayeen” Ayaa ay ku calaacashay Amanda. Oo iyada oo aad u ooyeysa maxkamadda u sheegtay in muddadii ay kooxdan gacanta ugu jirtay ay kula kaceen garaacis iyo kufsi aanay u kala hadhin. Xaalad silic iyo uskag ahna ay ku hayeen. Marka ay saxariirkaas ka sheekaynaysayna waxa ay tusaale u soo qaadatay in qolalka lagu xidhayey ay ahaayeen kuwo qudhun ah oo jiir ka buuxo, illaa xad uu xitaa jidhkeeda dul yaaci jiray, badnida awgeed. Amanda buuggeeda ‘A House in the Sky’ oo ay wada qareen Sara Corbett waxa ay ku sheegtay in Aadam uu u sheegay in uu marka hore macallin ahaan jiray, ‘Ka hor inta aanu ku lug yeelan jihaadka’ ayaa ay tidhi. Waxa uu ahaa aabe dhalay laba carruur ah, waxa aanu inta badan ka shaqayn jiray meelaha ka baxsan Muqdisho.

Intii uu socday dhegeysiga dacwadda Cali Cumar Adeer, waxa ay maxkamaddu marag ahaan ugu yeedhay, Nigel Brennan, oo ah ninkii Amanda la’ la afduubay ee reer Ustareeliya. Kaas oo isaguna sheegay in isla maalintii la afduubayba uu Cali u yimi oo is baray. Nigel waxa uu sheegay in uu u arkayey nin waxoogaa waxbarasho ah leh, oo aanay xaaladdiisa nololeed xumayn. Waxa uu afka ingiriisiga ugu hadlayey si ka fiican dhammaan raggii kale ee afduubka u haysay. Ayaa uu sheegay.

Sawirqaade Nigel intii uu gacanta ugu jiray kooxda afduubtay waxa uu aqbalay in uu muslim noqdo, isaga oo arrintaas ka warramayana waxa uu sheegay in Muslimnimadaasi ay naftiisa badbaadisay, waayo waxa ay ka caawisay in uu la qabsado duruufta ku xeeran. Islaamnimadaas ayaa ka caawisay in uu yeesho jadwal maalmeed habaysan, oo maalintii shan jeer uu tukado, hawlihiisana shantaas jeer ku kala qorsheeyo. Waxa kale oo uu ka faa’iiday in ay intii hore isaga soo dhowaadaan afduubayaasha, iskagana faham fiicnaadaan. Nigel waxa uu sheegay in kooxda afduubku ay siisay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah o oafka Ingiriisiga ku macnaysan, isaga oo ka hadlaya waxa uu ka faa’iiday kitaabkaasna waxa uu yidhi, “In aan helo Kitaabka Qur’aanku waxa ay ii ahayd awood aanay wax loo dhigaa jirin. Waxa aan ka helay aqoon la xidhiidha diinta Islaamka iyo in aan fahmo dadka aan la macaamilayey” ayaa uu yidhi Nigel Brennan. Isaga oo sababta uu u muslimay ka sheekaynayana waxa uu ku andacooday in uu doonayey, “In ay afduubayaashu u arkaan in uu bani’aadam yahay, iyo in ay ku adkaato in ay dilaan, maadaama oo uu muslim yahay, dilkiisuna xaaraan ka noqonayo” Kooxda afduubku waxa ay keeneen kitaab keliya oo ah Qur’aan lagu hoos qoray macnihiisa oo afingiriisi ah, kaas ayaa labada maxbuus marba mid loo geyn jiray.

Amanda iyo Nigel kitaabkan in ay akhriskiisa waqtiga isku dhaafiyaan, aqoonna kala baxaan oo keliya kama ay faa’iidin. Waxaa u dheeraa in ay ka dhigteen aalad ay ku xidhiidhaan, oo sida uu Nigel sheegay, mid kastaa marka kitaabka loo geeyo, waxa uu hoosta ka xariiqi jiray ereyada ingiriisiga ah ee ku jira macnaha Qur’aanka ee la midka ah waxa ay doonayaan in ay isu sheegaan. Ka kale marka uu soo arko, ee fahmo isna ujeedka ereyadan calaamadsan, jawaabta waxa uu isna ka dhigi jiray in uu calaamadiyo kelmado filqan oo ujeedkiisa gudbin kara. Mid kastaa ereyada uu isticmaalay bogagga ay ku yaallaan tiradooda ayaa uu ku qori jiray jaldiga hore ee buugga, si ka kale uu u raadsado.

Si kastaba ha ahaato ee, oo marka hore ahaan jiray kiristaan aan ku camal falin diintiisu, imika marka la weydiiyo, waa uu ka gaabsaday in uu caddeeyo in uu weli muslimnimadii haysto iyo in markii la soo daayey uu ka noqday. Waxa se’ uu caddeeyey in uu cafiyey afduubayaashii, oo aanu doonayn in Cali loo xukumo dembiga uu isaga Nigel ahaan ka galay. “Cafisku waa habka ugu sarreeya ee lagu cabbiri karo jacaylka, waxa aanu bulshada ka dhigaa mid horusocod ah.” ayaa uu Nigel sheegay. Isaga oo mar kale Cali ugu cudur daaraya duruufaha Soomaaliya ka jirana waxa uu yidhi, “Waxaa dhici karta in aniguba haddii aan duruuftaas nololeed oo kale ku jiri lahaa, oo qoys biil iyo nolol iga sugaya aan ku dhex haysan lahaa dal sidan u qasan, aniga oo aan wax lacag ah xoogsan karin, ay dhici karto in aan sidooda oo kale yeeli lahaa” ayaa uu yidhi Nigel.

Nigel Brennan oo sannadkii 2011 soo saaray buug uu u bixiyey, ‘The Price of Life’ waxa uu sheegay in markii uu afduubnaa aanu sidan u fikirayn oo uu ku hammiyi jiray in uu mar uun arko kooxdan oo dhammaantood dhintay, oo weliba si silic ah u dhimanaya. Laakiin hadda waa uu isbeddelay.

Nin Soomaali ah oo Cali ku marag furay

Intii dhegeysiga dacwaddu socday, waxaa kiiska soo galay nin Soomaali ah oo isagu deggen Kanada, ninkaas waxaa sheekada soo geliyey Amenda Lindhout hooyadeed, oo ka codsatay in uu soo dhexgalo iyada iyo ninka Soomaaliya ka soo hadlaya ee Aadam (Cali Cumar). Amande hooyadeed waxa ay ku fikirtay in ninkan Soomaaliga ahi uu iyada kaga fiicnaan doono la xaajoodka afduubayaasha, maadaama oo uu afkooda kula hadlayo, lagana yaabo in dhaqanka uu garanayaa ka caawiyo in uu waxbadan ka fahmo nimankan iyo waxa laga yaabo in uu u qarsoon yahay.

Ninkan Soomaali-Kanadiyaanka ah oo aanay ii suurtagelin in aan magaciisa helo ayaa marka uu Cali iyo kooxda afduubka la soo hadlo, waxa duubi jiray hadallada ay isweydaarsadaan. Markii dambe ee maxkamaddu hadalladaas dib u dhegeysatayna waxaa soo baxay in Cali aanu sida uu sheegayo afduubnayn, balse runtu tahay tii uu markii hore sheegay ee ah in uu kaalin fiican ku lahaa go’aamada iyo qorsheyaasha ay ku socdaan kooxda afduubku. Isaga oo mararka qaarkood ninkan Soomaaliga ah u muujinaya in aanu kooxda afduubka ka mid ahayn, balse uu saamayn awood badan ku leeyahay, ayaa waxa uu isticmaalayey ereyo uu ku muujinayo in uu isagu qolada afduubka cadaadis saaray, intii awooddiisa ah. “Waa ay I maqlaan aniga … Marmarka qaarkood waa aan ku qayliyaa, oo aan u sheegaa in ay waqti i yara siiyaan, si aan fursad ugu helo wadaxaajoodka aan kula jiro qoysaska lahaystayaasha oo aan heshiis la gaadho.” Ayaa ka mid ahaa hadallada uu Cali ninka Soomaaliga ah ku yidhi, ee marka dambe maxkamadda lagu dhegeystay.

Hadalka taleefanka uu Cali kagala soo hadlay ninka Soomaaliga ah ee caawinayey qoyska Amanda Lindhout, ayaa waxa kale oo ku jira Cali oo leh, “Mar hore oo caawa ahayd, waa aan la hadlay, [Afduubayaasha] oo weliba aan ku qayliyey. Xitaa qayladayda awgeed waa ay xanaaqeen oo ay igu yidhaahdeen, xaq uma lihid in aad nagu qayliso, adiga oo aan lacagtii madaxfurashada ahayd noo haynin” Hadalladan ayaa ahaa kuwo Cali uu doonayey in uu ninka Soomaaliga ah iyo qoyska uu wakiilka ka yahay ku dhiirrigeliyo in ay dhaqso hawsha bixinta madaxfurashada u soo dhammaystiraan.

Isdiidooyinka ku jira hadallada Cali waxa kale oo aad loo dareemay, mar maxkamadda dhexdeeda su’aalo talantaalli ah lagu boobay, kaddibna uu sheegay hadallo burinaya kuwii uu hore u sheegay. Inkasta oo marka hore uu sheegay in qori caaradii uu kula soo hadli jiray qoysaska afduubayaasha, waxa uu odhanayaana ahaayeen waxa ay u sheegaan oo keliya, haddana markan dambe waxa uu qirtay in aanu ahayn maxbuus u xidhan nimankan.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu meel la deggenayn afduubayaasha, iyo haddana mar kale in ay fasixi jireen marka uu maqaaxiyaha ka soo cuntaynayo, iyo xitaa marka uu ka soo shaqaynayo xafiiskiisa oo ahaa xafiis wakaalad socdaal oo tigidhada diyaaradaha jara.

Maxkamadda

Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa aanay maxkamaddu sheegtay in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwadda waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa uu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi, waxa aanu garsooraha dacwaddu ahaa Robert Smith. La soco…

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here