Qisada Jiritaanka Qarqoosh, Sababta Uu Ku Yimi Hal-Ku- Dhegga ‘Xukun Qarqoosh Iyo Xukunkiisa Yaabka Lahaa (2)

Published on Apr 19 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Qaraqoosh waxa uu noqday wakiilka Salaaxuddiin ee Masar, isaga ayaana uga masuul ahaa inta badan ee socodsiinta hawlaha dawladda, halkaas ayaana ay ka bilaabatay taariikhdiisa hoggaamiyenimo. Baa’uddiin Qaraqoosh waxa uu gaadhay darajada Amiir, waxa aanu kalsooni badan ka kasbaday hoggaamiyeyaashii Masar iyo Shaam u talinayey. Intii uu xilka Masar hayey hawlaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa deyr dheer oo uu ku xidhay magaalada Qaahira. In magaalooyinka deyr dheer lagu wareejiyaa waxa ay ka mid tahay hababkii difaac ee magaalooyinkii waqtigaas cadowga lagaga ilaalin jiray. In kasta oo uu Qaraqoosh waxyaabo badan qabtay, haddana waxaa si gaar ah xusuusta taariikhda ugu dhegey nidaamkii garsoor ee Qaraqoosh iyo sidii uu dadka u kala saari jiray oo ahaa hab aanay dadku hore u soo arag oo abuuray doodo, iska soo horjeeda.

Muddo 30 sano ah ayaa uu talada Masar Qaraqoosh oo kaashanaya laba wiil oo uu dhalay. Waxa aanu xukunkiisu soo afmeermay markii uu hoggaanka dawladda qabtay boqor lagu tilmaamay in uu ahaa nin aad u caddaalad badan oo ay walaalo ahaayeen halyeeyga weyn ee Salaaxuddiin. Waxaa la sheegaa in Qaraqoosh markii xukunka laga qaaday uu joogto ka dhigtay in aanu gurigiisa ka bixin illaa uu ka dhimanayey sannadkii 1201 ee taariikhda miilaadiga. Waqtigaas dheer ayaana ka mid ah sababaha ay u tiro bateen xukunnadiisa dadka qaar ku tilmaamaan kuwo xikmad ku dhisan oo fariidnimadiisa sheegaya, kuwo kalana ruux maangaab ah iyo caqli xumo ku duraan. mid kasta oo lagu sheegabana waxaa hubaal ah in xukunnadiisu ay illaa maanta ka mid yihiin halhaysyada carrabka ku soo noqnoqda mar kata oo xukun iyo garsoor laga hadlayo.

Loollanka qalinka iyo seefta

Taariikhyahanka reer Masar ee Ibnu Mamaati, oo noolaa xilligii Salaaxuddiin Al-Ayuubi ayaa qoray kitaab uu u bixiyey, ‘Alfaashuush Fii Xumki Qaraqoosh’. Ereyga Faashuush oo ah ereyada marar dhif ah lagu arko afka carabiga ayaa macnihiisa lagu sheegay, in uu yahay qofka ra’yiga liita ama aan go’aanka iyo hal-adayga lahayn. Sida oo kale Fashuush waxaa lagu macneeya, ‘Hadalka ama ficilka xikmadda ka madhan, ee aan macno la sheegi karo lagala bixi karin.’. Marka qoraagan la eegana waxaa uu ereyga ‘Faashuush’ tilmaamayaa xukunnadii fashilnaa iyo maloawaalkii uu xukunkiisa ku dhisi jiray.

Marka aynu soo ururinno magaca kitaabkan waxa aynu ku sheegi karnaa, ‘Xikmad darrada ku jirtay xukunkii Qaraqoosh’ waxa aanu qoraagu ku xusayaa sheekooyin maadays ah oo la’ la xidhiidhiyo Qaraqoosh, gaar ahaan kuwa carrabka dadka ku hadhay. Waxa se ay taariikhyahannadu xusaan in sida dhaqan kastaba ka dhaca, qisaska loo tirinayo Qaraqoosh iyo ereyada maadayska iyo xikmadda darradaba leh ee laga sheegaa ay isugu jiraan kuwo dhab ah iyo kuwo mar dambe cid kale tidhi ama maloawaashay oo kaddibna ku sheegeen Qaraqoosh.

Waxa kale oo la sheegaa in Amiir Baa’uddiin Qaraqoosh iyo qoraaga Ibnu Mamaati ay ahaayeen rag isku fac ah oo xinfiltan badani ka dhexeeyey. Qaraqoosh waxa uu aaa nin awood xukun haysta oo jecel in cid kastaa ka dambayso, oo cabsi iyo ixtiraam tii ay noqotaba sababtu, uu isagu noqdo ninka dadka ugu horreeya. Halka Ibnu Mamaati uu ahaa qoraa qalinkiisu hirgalay oo saamayn badan ku leh rayulcaamka. Waxa uu ahaa nin og in uu maskaxaha quudiyo oo sidaa awgeed aaminsan in cid kasta oo kale uu ka awood iyo masuuliyad badan yahay.

Labadan nin loollan adag iyo isgarbin ayaa u dhexeysay casrigii ay dawladda Ayuubiyiintu talinaysay badankiisa, mid kastaa waxa uu aaminsanaa in uu isagu bulshada ku saamayn badan yahay. Si kastaba ha ahaato ee loollankan wejigiisii hore waxaa ku guulaysatay Qaraqoosh oo dabcan dawladda haystay, nin gacantiisu aanay waabanna ahaa oo aad looga baqan jiray. laakiin wejigii labaad ee dagaalka waxaa ku gacan sarreeyey qoraagii weynaa ee Ibnu Mamaati. Waayo waxa uu ku guulaystay in uu taariikhdii Baa’uddiin ka dhigo mid fool xumo ku waarta. Waxa uu sida uu doonayey u ekeysiiyey amiir Qaraqoosh kaddibna quruuntii dambe oo dhan u bandhigay Qaraqoosh aan la jeclaysan, doqon ah, dadka xaqdarro ku laaya, gartiisuna mar kasta weecsan tahay. Marka la soo koobo Qaraqoosh maanta waxa ay dad badani u yaqaannaan nin xadgudub badnaa oo doqonniimana u dheerayd. Taas oo macnaheedu yahay in dagaalkii muddada dheer uu ku guulaystay Ibnu Mamaati.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!