Qisada Gabadhii Uu Cumar Bin Khadaab U Magacaabay Xilka U Dhigma Wasiirnimada Iyo Hawlaha Ay Qaban Jirtay

0
1287

Maka (Geeska)- Shifaa Alcadwiya, waxaa lagu tiriyaa in ay tahay gabadhii ugu horreysay ee xil wasiirnimo u dhigma ka qabata dawladda Islaamka. Waxa ay ahayd xilligii uu muslimiinta hoggaaminayey Amiirkii muuminiinta ee labaad, Cumar Bin Khadaar (Alle ha ka raalli ahaado). Cumar Bin Khadaab waxa uu haweenaydan muslimadda ahayd u xilsaaray in ay maamusha arrimaha wax kala iibsiga (Suuqa) iyo guud ahaan gacansiga. Xilkaas oo u dhigma wasaaradda ganacsi ee hadda jirta ayaa ay ka ahayd masuul.

Sida oo kale Shifaa’ waxa ay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyey islaamka ee macallimiin noqda, iyo isla markaana dumarkii ugu horreeyey ee si toos ah dagaallada uga qaybgasha. Waxa ay ahayd dumarkii tirada yaraa waqtigaas ee si fiican u garanayey akhriska iyo qoraalka waxa aanay ka qayb qaadatay faafinta cilmiga islaamka gaar ahaan dumarka oo ay bilaash wax ku bari jirtay. Dumarka ka aflaxayna waxaa ka mid ahaa Xafsa Bintu Cumar oo ka mid ahayd xaasaskii Nebiga (SCW).

Shifaa magaceeda saxda ahi waxa uu ahaa Layla Bint Cabdillaahi Alcadawi Alqurashi, waxa ay ka mid ahayd asxaabtii ugu horreysay ee diinta Islaamka qaadatay, waxa aana lagu naanaysi jiray Shifaa’ oo macnihiisu yahay ‘Caafimaad’. Sababta magacan loogu bixiyey waxa ay ahayd Layla oo islaamka ka hor magaalada maka kaga shaqaysan jirtay dabiibka tufta ah, magacaas Shifaa’ ayaanay ku caan baxday.

Shifaa’ iyo saygeedu waxa ay ka mid ahaayeen asxaabtii Nebiga (SCW) ee u soo qaxday dhulka Xabashida xilligii ay Qurayshtu sida arxan darrada ah ula dhaqmi jirtay Nebi Muxammed (SCW) iyo cidda raacdaba.

In kasta oo aan tixraac sax ah loo haynin culimada waaweyn muslimiinta qaar ka mid ah oo la weydiiyey marar kala duwanina ay shaki ka muujiyeen, haddana Shifaa’ marar kala duwan ayaa ay sheekooyinkeedu ku soo noqnoqdaan taariikhda Islaamka, waana ay jiraan culimada qaar sheegaya in ay run tahay qisada sheegaysa in Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado) uu haweenaydan mar u magacaabay in ay masuul ka noqoto arrimaha ganacsiga iyo la socoshada suuqa.

Shaqooyinka la sheego in ay asxaabiyaddani qabatay intii ay haysay xilkan u eeg wasaaradda ganacsiga ee dawladahan casriga ahi, kuma ay koobnayn ka warhaynta iyo maamulidda suuqa iyo wax kala iibsiga, balse shaqooyinka kale ee ay qabatay waxaa ka mid ahaa in ay fududayso oo isu soo jiiddo sharcigana waafajiso heshiisyada ganacsiga ee muhiimka ah ee ay gelayaan dadkii ka midka ahaa dawladda Islaamak ee uu hoggaaminayey Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado). Waxa kale oo ay ka shaqayn jirtay nidaaminta goobaha suuqyada noqonayan nadaafaddooda iyo si guud arrimaha la xidhiidha wax kala iibsiga.

Shifaa cimri dheer oo Barako Alle u geliyey kadib waxa ay geeriyootay sannadkii 20-naad ee taariikhda Islaamka ee Hijriyada, taas oo macnaheedu yahay in ay saddex sano ka horreysay geeridii Amiirkii muuminiinta Cumar Bin Khadaar Alle ha ka raalli ahaado e’.