Qisada Gabadha Dunida Ugu Dhuuban: Is-Xakamaynta Miisaan Nacaybka Ayaa Ku Noqotay Masiibo Caafimaad

0
741

Moscow (Geeska)- Valeria Levitin oo u dhalatay dalka Ruushku, sannadkii 1993-kii ayaa iyada oo 18 sano jir ah waxa ay ku guulaystay tartanka quruxda dalkeeda. Quruxda wejiga waxaa u dheeraa cuddoonaan jidheed iyo joog buuxa oo xilligaas ka mid ahaa waxyaabaha lagula jantay taashka quruxda, laakiin waxa ay iyadu jeclaysatay in miisaankaasi dheeraad ku yahay, sidaa awgeed wawxa ay bilowday is-xammayn aad u adag. Kaas oo nasiibdarro aakhirkii ku noqday cudur khalkhaliyey hab-dhiskii nafaqo ee jidhkeeda, kuna riday cudur qofka ka kaxeeya doonista cuntada (Amateedka) iyo awoodda ka faa'idaysiga cuntada.

Valeria Levitin miisaankeedii ayaa si xawli ah hoos ugu dhacay, waxa aanu cudurkani ku keenay in jidhkeedu uu waayo gebi ahaanba dufanka, illaa ay isu beddeshay qolfoof dhaqaaqaya, oo miisaankeedu uu yahay 26 Kiiloogaraam oo keliya.

Valaria dhererkeedu waa 173 Sentimitir, sidaa awgeed miisaankani aad ayaa uu uga hooseeyaa intii caafimaad ahaan saxda ahayd, laakiin dib uma soo kicin karto miisaanka, maadaama oo uu xanuunkan is-xamaynta adag ka dhashay ku keenay in hab-dhiska jidhku lumiyo awooddii uu u lahaan jiray in cuntada uu kala baxo nafaqada iyo duxda uu u baahan yahay.

Valeria oo imika 44 jir ahi, waxa ay dhowaanahan wadday ol’ole ay dhalinyarada dumarka u badan ee dunida uga digayso in ay ku talax tagaan is-xamaynta ay ku doonayaan dhuubashada. Iyada oo qisadeeda ka warramaysana waxa ay sheegtay in hooyadeed lahayd sababta koowaad ee nicitaankeeda miisaanka oo mar kasta illaa carruurnimadeedii ay ku waanin jirtay in ay miisaanka iska ilaaliso, taasina ay ku beertay dabeecad ah in ay si joogto ah isu xammayso iyo in ay ka dagaalanto in uu hal kiiloo u kordho.

Waxa ay iska ilaalisay sonkorta noocyadeeda iyo cuntooyinka Kaarboohaydareetka ah, waxa ay cuni jirtay cunto aad u yar, iyada oo ka feejigan in ay cunto isku mid ah uun baraysato, waayo waa mid ka mid ah sababaha buurnida keena.

Valeria oo hilib isku jooga lahayd yaraantii waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah iyada oo kubadda cagta ku ciyaaraysa dugsiga in mid ka mid ah ardaydii la ciyaaraysay uu ku caayey in ay buuran tahay oo aanay si fiican u ciyaari karin, arrintaas oo ku beertay cuqdad ku kalliftay go’aanka ah in miisaanka ay la dagaallanto. Waxaa intaas u raacda iyada oo jeclayd in ay noqoto dumarka dharka xayeysiiya, sidaa awgeed dhuubnidu ay muhiim u ahayd.

Valeria Levitin weli ma’ay guursan, haasaawana ma hawaysato oo xaaladdeeda caafimaad ayaan saamaxayn macaamil qoysnimo iyo in ay uur qaaddo ama dhasho, waxa ay nolol kelideed ah ku nooshay Monaco oo ay habeen iyo maalin niyeysataa in mar uun uu miisaankeedii dabiiciga ahaa soo noqdo si ay u rumayso riyadeeda ah in ay hooyo noqoto. Waxa se’ ay waqtigeeda oo dhan ku qaadataa qoraallada iyo barnaamijyada ay hablaha dhalinyarada ah uga digayso in ay ku talax tagaan is-xamaynta ay miisaanka kula dagaalamayaan.