Qisada Dad Aaminsan In Dawada Xanuunka Xiiqdu Ay Tahay In Kalluun Nool Uu Qofku Liqo

0
788

Delhi (Geeska)- Shan kun oo qof oo u dhashay dalka Hindiya ayaa khamiistii toddobaadkii ina dhaafay istaagay safaf dhaadheer oo ay ugu jireen dhakhtar dhaqameed la sheegay in qofka xiiqda qaba uu ku daweynayo xabbad kalluun nool ah oo uu liqsiiyo. Dadkan oo wejiyadooda laga dareemayey wiswis iyo cabsi ayaa haddana diyaar u ahaa in ay kalluun yaryar oo nool liqaan si ay dawo uga raadiyaan xanuunkan, kadib markii loo sheegay in ay ka raysanayaan dhibaatada dhinaca neefsiga ah ee haysata.

Qoyska Baatiini Gowd oo deggen magaalada Xaydarabaad ee Koonfurta dalka Hindiya ayaa iyagu dawadan bixiya, waxa aanay dadka u sheegaan in kalluunkan aadka u yaryari uu dhuunta sii nadiifinayo marka uu sii marayo, aakhirkana uu dawynayo xiiqda iyo dhammaan dhibaatooyinka dhinaca neefsiga. Laakiin qoysku waxa ay ku andacoonayaan in arrintu kalluun uun la liqayo aanay ahayn, balse ay ku jirto sir laga dhaxlay wadaad diinta Hinduuska caan ku ahaa oo dawadan ogaaday sannadkii 1845kii. Sirtaas oo ah wax sida cajiinka u samaysan oo kalluunka qofka loo raacinayo, taas oo isla marka afka loo geliyo qofka afka la isugu qabanayo, sankana loo xidhayo, si marka uu neefsan kari waayo uu qasab ugu liqo kalluunka iyo dawada la socotay ee ay ku sheegeen sirta oo ay diideen in ay cid uga sheekeeyaan waxa ay ka kooban tahay.

Dadka Hindida ah ee qaba cudurka xiiqda oo daafaha dalka isaga yimid ayaa isugu yimaadda guriga qoyskan dawada sirta ah haya, waxa aanay daweynta dadkani socotaa laba maalmood oo go’an sannad kasta, gaar ahaan laba maalmood oo ah xilli roobaadka.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadka iyo xeeldheerayaasha sayniska ee dalka Hindiya ayaa si adag u naqdiyey ficilkan oo ay sheegeen in uu yahay mid aan cilmi ku dhisnayn, qofkana ku keenaya dhibaato caafimaad, nadaafad darrada goobta ka jirta awgeed. Laakiin dawladda ayaa u muuqata in aanay diyaar u ahayn in ay falkaas hakiso, waxa aanay sannad kasta labadan maalmood marka ay soo dhowaadaan diyaarisaa tareenno iyo gaadiid dheeraad ah oo dadka dawada kalluunka ah ku socda gura, sida oo kale waxaa gurigan iyo guud ahaan magaalada Xaydarabaad la keenaa ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.

Dadka kalluunkan la liqsiiyo waxaa laga rabaa in ay 45 ka maalmood oo xiga liqista kalluunka si aad u adag isaga xakameeyaan cunista badan ee noocyadad kala duwan ee cuntada.