Qisaastu Waa Nolosheena: Sh: Maxamuud Cabdiraxmaan Jaamac

0
801

Dilkan xadkiisii dhaafay ee kolba la arkayo  waxa cusub  oo naftu diido  ilaa ay dhacday in sidii xoolaha dadkii la uus xabaalo waxa sabab u ah oo aynaan dafiri Karin inay tahay Qisaas la’aanta dalkeena  ka jirta, oo maamulka talada  dalka qabataaba uu ka maago cid uu sidaas ugu habranayaana aan la garanayn.

Arintu waxay tahay  sidii uu  Illaahay   ku sheegay  Quraankiisa  ee  uu yidhi “Qisaastu  waxay idiin tahay nolol dadka caqliga lahow” , taas oo aynu iska diidnay  oo waynagaa aragnay midhaha inooga dhashay, Sidaas darteed xukuumadu  waa inay  arintan talaabo deg-deg ah ka qaado oo ay fuliso Qisaasta  kuna bilawdo midkan Bahal-nimadaa  ah ee  loogu gaystay Ruqiya  Siciid Ayaanle isla markaana lagu xigsiiyo Dadka  jeelasha buux dhaafiyay  ee dilka ku xukuman  inta aanay talo faraha ka bixin, oo markaana   Illaahay SWC inoogu cadhoonin.