Qirashada Beesha Caalamka Ee Inay Ku Fashilantay Wax Ka Qabashada Xasuuqii Ruwanda

0
661

Labaatan sano kaddib xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda, oo toddobaadkii hore si weyn loo xusay, waxa haatan soo ifbaxaya astaan muujinaysa in madaxda caalamka ay garwaaqsanayaan in ay ku guuldaraysteen mas'uuliyaddii ka saarnayd dadka reer Rwanda xilligii uu xasuuqaasi dhacayay sanadkii 1994-kii.

Xuska sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhacay xasuuqaasi ayaa waxa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaal badan oo ka socda daafaha caalamka.

Sidoo kale waxa munaasabaddaasi joogay mas'uuliyiin hore oo caalamka magac ku leh, sida Tony Blair oo ahaan jiray ra'iisalwasaaraha Ingiriiska.

Tonny Blair oo wareysi gaar siiyay BBC-da ayaa difaacay ka soo qaybgalka isaga iyo hoggaamiyaasha kale ee reer galbeedka ay ka soo qaybgaleen xuska 20 sano guurada ka soo wareegtay xasuuqaasi, xilli Rwanda ay ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka in ay ku lug lahaayeen xasuuqaasi.

Mr. Blair ayaa sheegay in in kasta oo Rwanda ay soo martay dhacdo tii ugu xumayd taariikhda caalamka, haddana ay tahay wax lagu farxo horumarka ay gaartay.

Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain waxa uu difaacay go'aan uu dabayaaqadii qarnigii 20-aad ugu diray ciidamo British ah dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Sierra Leon oo sida uu sheegay halis ugu jiray inay ka dhacdo xaalad la mid ah tii ka dhacday dalka Rwanda sanadkii 1994.

Mr Blair ayaa qiray in hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ay dareensan yihiin inay ka gaabiyeen ka hortagga xasuuqaasi oo sida uu sheegay ahaa mid laga hortagi karayay.

Hadalka Blair ayaa imanaya maalmo kaddib markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, oo ka hadlayay munaasabad baroordiiq loogu sameynayay dadkii ku dhintay xasuuqii ka dhacay Rwana, uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ceeb ku tahay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ay ku guuldareystaan in ay ka hortagaan xasuuqaasi.

Rwanda ayaa marar badan ku eedeysay qaramada midoobey in ay xasuuqaasi iska indha tirtay, waxaana ay si gaar ah ay farta ugu godday Faransiiska oo xilligaasi ay ciidamo badan dalka ka joogeen, arrintaasi oo sababtay in Faransiiska uu ka soo qayb gali waayo baroordiiqda loo sameynayay dadkaasi la xasuuqay.