Qiiqa Sigaarka Ee Ku Dhega Saqafka Guriga, Jidhka Qofka Iyo Dharka Waxaa Laga Qaadaa Cudurro Khatar Ah

0
1232

Washington (Geeska)- Qiiqa sigaarka oo ku baxa timaha, dharka iyo gogosha qofka waxaa ka dhasha xaalado caafimaad darro oo khatar ku ah nolosha aadamaha. Habkan oo loo yaqaanno nooca saddexaad ee sigaar nuugista ayaa daraasad ay khataraha ka dhalan kara ka sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda California waxa ay ogaadeen in uu sababi karo cudurrada ay ka mid yihiin macaanka, beer xanuunka iyo sambabada oo bukooda, waxa kale oo uu raad caafimaad darro ku yeeshaa maskaxda.

Cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen in qiiqa ku dhegey dharka ama timaha dhexgalay ama gogosha uu ku seexanayo ku baxay oo qofka kale neefta u raacaa ay raad muuqda oo taban ku yeelato caafimaadka maskaxda iyo beerka. iyaga oo sii faahfaahinayana waxa ay sheegeen in tijaabooyin la sameeyey ay muujiyeen in muddo bil ah oo qofku uu ku neefsado qiiqa ku hadhay dharka iyo gogosha ay sababi karto in beerku burbura, halka haddii laba bilood ay gaadhana ay daraasaddu muujisay in ay dhaawacanto awoodda iska caabbinta Insulinta ee ganaca, taasina tahay sababta xanuunka macaanka keenaysa.

Sigaar nuugistan dadban waxa kale oo ay xeeldheereyaasha caafimaadku ku naanaysaan ‘Sunta qarsoon’ ama ‘Dilaaga aamusan’ waxa aanay xaqiijiyeen in qofka sigaarka nuugga uu qiiqu inta badan la falgalo oo ku hadho maqaarkiisa, dharkiisa, gogoshiisa iyo wax kasta oo ka agdhow, marka qof ka agdhowi ii neefsado ayaana ay dhacaysaa in hadhaagii qiiqaasi uu qofka neefta u raaco, waxa aana ka dhasha khataro  caafimaad oo kuwa aynu kor ku soo xusnay ka mid yihiin. Ugu dambayntii waxa ay xeeldheereyaashu ku taliyeen in taxaddar dheeraad ah oo caafimaad la yeesho marka la booqanayo guryaha ay deggen yihiin dadka sigaarka nuuga, si la isaga ilaaliyo in neefta ay u raacdo suntii qiiqa sigaarka ee muddada dheer ku ururaysay saqafka guriga iyo xamaamta kale ee guriga, waxa aanay ku celceliyeen in sungta sigaarku ay muddo kadib isu beddelayso maaddooyin kiimikaad oo kansar samaynaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here