Qiimaynta Tobanka Ciyaartooy Ee Premier league-ga Ugu Bandhiga Fiicnaa Lixdii Kulan Ee Ugu Danbeeyay

2
4275

Kulan kasta oo Premier League ah waxaa ciyaartoyda kooxaha lagu sameeyaa qiimayn iyada oo kulan kastaba la soo doorto xidiga garoonka ee ugu bandhiga fiican laakiin qiimayntu intaas kuma joogsato waxaana qiimayntan loo adeegsadaa in lagu go’aamiyo ciyartoyda xili ciyaareedka ugu bandhiga fiican.Shirkada Whoscored.com waa mid ka mid ah shirkadaha ugu horeeya dhinaca ururinta xogta ciyaartoyda ee garoonka dhexdiisa waana mid ka mid ah kuwa aduunka oo dhami xogta ka qaato  waxayna sidoo kale sameeyaanta ciyaartoyda Premier league oo kulan kastaba ah.Haddaba xogta qiimayntii lixdii kulan ee ugu danbeeyay Premier League iyo tobankii xidig ee ugu bandhiga fiicnaa ayaa hadda lagu shaaciyay Whoscored waxaana hogaaminaya difaaca aduunka ugu qaalisan ee Virgil Van Dijk kaas oo helay qiimayntii ugu saraysay ee lixdii kulan ee ugu danbeeyay Premier league.Van Dijk oo hadda lagu tilmaamo difaaca dhexe ee Premier league ugu fiican isla markaana ka mid ah dhawrka difaac dhexe ee aduunka oo dhan ugu fiican ayaa markale muujiyay sida uu muhiimad wayn ugu leeyahay kooxdiisa Liverpool isaga oo xidigii garoonka ugu fiicnaa noqday kulankii ugu danbeeyay ee Burnley.Van Dijk ayaa qiimaynta lixdii kulan ee Premier league ugu danbeeyay ku hogaaminaya 7.94 waxaana kaalinta labaad soo galay Harry Kane oo haysta 7.71 laakiin Eden Hazard kaalinta afraad u dhacay waxaana ka soo sare maray Fernandinho oo haysta 7.62 halka Hazard uu leeyahay qiimayn dhan 7.60.Xidigo badan oo magac wayn ku leh Premier league ayaa ka maqan tobanka xidig ee ugu qiimaynta sareeyay kulamadii lixda ahaa ee ugu danbeeyay Premier league iyada oo ciyaartoy badan oo aan markii hore la filayn in ay qiimayn sidan u saraysa helaan ayaa isku muujiyeen kulamadii ugu danbeeyay.

Bernardo Silva oo bandhig fiican ka soo sameeyay kulamadii kooxdiisa Manchester City ayaa qayb ka ah liiska tobanka xidig ee qiimaynta ugu saraysa ka helay tobankii kulan ee Premier league ugu danbeeyay.Haddaba halkan kaga bogo Tobanka Xidig Ee Ugu Qiimaynta Sareeya Lixdii Kulan Ee Premier League ugu Danbeeyay:Harry Kane = 7.71, Fernandinho = 7.62,  Eden Hazard = 7.60, Robert Snodgrass 7.55, Wilfred Ndidi – 7.52, Philip Billing – 7.46, Bernando Silva – 7.46, Felippe Anderson- 7.42, iyo Aaron Mooy = 7.42. Mohamed Salah, Sergio Aguero, Aubamayeng, Pual Pogba iyo xidigo badan oo magac wayn ku leh Premier league ayaan ka mid ahayn qiimaynta tobankii xidig ee ugu bandhiga fiicnaa wadarta lixdii kulan ee premier league ugu danbeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here