Qaylodhaanta Ka Digaysa Kabaha Cidhibta Dheer Oo Sii Kordhay Iyo Qaar Ka Mid Ah Dhibaatooyinka Ay Keenaan

88
6871

Hargeysa (Geeska) – Waxaa marba marka ka dambaysa sii xoogeysanaya qayladhaanta la xidhiidha khataraha caafimaad ee ka dhalan kara kabaha cidhibta dheer oo dumara dunidu aad u isticmaalaan. Qormadan oo aynu ka soo xigannay warbixin lagu qoray shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa digniinihii u dambeeyey ee la xidhiidha isticmaalka kabaha cidhibta leh iyo sababaha khatarta laga baqaya keenaya.

Hillary Brenner oo ah dhakhtar lafood ku takhasustay daweynta cagaha hoose ayaa sheegtay in ‘kabaha cidhibta aad u dheer lihi ay keenaan khatar aad u badan oo gaadhsiisan heer ay dhakhaatiirtu ku naanaysaan, Kabaha dilaaga ah.

Dr. Hillary oo sida oo kalana ah afhayeenka xidhiidhka dhakhaatiirta caafimaadka cagaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in marka laga tago dhibaatada muuqata ee ka dhalan karta cidhibta dheer, oo ay ka mdi tahay in ay dhaawac gaadhsiin karto cagta, oo ay murkacasho ka mid tahay in sida oo kalana muddo marka la isticmaalo ay canqawga / kuraanta ku keento xanuun iyo garaac aan bogsasho lahayn.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in cidhibta dheer oo keliya aanay dhibaatadu ahayn ee sida oo kale qaabka uu samayska kabuhu yahay dhibaato keeni karto, xitaa iyada oo marmarka qaarkood cidhibta kabtu aanay aad u dheerayn. Kuwaas oo ay xeeldheereyaashu sheegeen in kabahani keeni karaan naafonimo joogto ah, oo ka soo bilaabata dhaawac ay gaadhsiiyaan qaybta dambe ee cidhibta, waxa kale oo ay keenaan kaar iyo barar ku dhaca cagta hoose.

Qaabka aan dabiiciga ahayn ee ay cagtu u qalloocsamayso marka ay kabta cidhibta leh xidhan tahay, waxa uu culays dheeraad ahi fuulaa lafaha cagta iyo xitaa faraha, waxa aanu gaadhaa in uu dhaacaw soo gaadho lafta ama neerfayaasha ku xeeran. Xaaladdan oo marar badan sababta in lafaha ay soo gaadhaan jabniino aad u yaryar oo xariijimo la moodo.

Khatarta

Sida ugu fiican caafimaadka cagtu waa in ay xidhato kab cidhibteedu gaaban tahay, mar kasta oo ay hoos u sii gaabnaatana waxa ay cagta u tahay xaalad dabiici ah. Sidaa awgeed ayaa ay Dr. Hillary ku talinaysaa in la xidho kabo aanay cidhibtoodu ka badnayn 4 Sentimitir, weliba haddii ay qiyaastaa gaadhana ay muhiim tahay in qofku uu feejignaan dheeraad ah muujiyo iyo in aanu joogto u xidhan.

Dr. Hillary waxa ay sheegtay in cidhibta aadka u dheer ee kabtu uu sababo in qofku marka uu ku socdo uu isaga oo dheeldheelliga iska ilaalinaya awgeed, xoogga isugu geeyo in uu miisaankiisa oo dhami ku dhaco meel qudho oo cagta ka mid ah, waana sababta keenta in qofku uu dhinacyada u ciirciiro marka uu socdo iyo in canqowga / kuraantu bukaado ama in qofku lugta ka murkacdo.

Cidhibta dhuuban

In kabuhu ay cidhib dheeraadaan oo haddana ay cidhibtu noqoto mid aad u dhuuban, waxa ay sababtaa in ay bukoodaan dareenwadayaasha cagtu, in ay bararto, in nabarro iyo dhaawacy ku samaysmaan cagta iyo in faraha cagta qaarkood qalloocsamaan. Waxa kale oo dumarka qaar lagu arkaa nabarro kaga samaysma ciddyaha hoostooda, taas oo ay sababteedu tahay culayska dheeraadka ah iyo cadaadiska badan ee ku dhacaya.

Waxa ay ku taliyeen in kabuhu ay noqdaan kuwo afkooda hore ballaadhanyahay oo aan keenayn in faruhu si aad ah isugu cidhiidhsamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here