Qayb Ka Mid Ah Maskaxda Ayaa Leh Go’aanka Nooca Cunto Ee Aynu Xiisayno Iyo Xaddiga Aynu Ka Cunayno

3
1486

Washington (Geeska)- Maxay tahay in aynu cunno? Xaddi intee le’eg ayaana ay tahay in aynu cuntada ka cunno? Waa laba su’aalood oo kaalin muhiim ah ka qaata caddaynta in caadadeenna cunto ay tahay mid bedqabta caafimaad ahaan iyo in ay qaldantahay. Laakiin maanta cilmigu waxa uu gaadhay heer uu arrintan soo dhexgeli karo, kuguna hagi karo jawaabta caafimaadka qabta.

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in qayb yar oo maskaxdeenna ka mid ahi ay caawiso, qaadashada go’aannada la xidhiidha cuntada, uu qofku xiisaynayo, iyo xaddiga uu cuntadaas ka cunayo. Cilmibaadhistan ayaa ogaatay in qayb maskaxda ka mid ah oo hore aanay khubaradu u danayn jirin shaqadeeda, imika la ogaaday in ay kaalin muhiim ah ka qaadato xaddidista nooca xaddiga cunto ee aynu cunayno. Qaybtan maskaxda ka mid ah ee shaqadan qabata waxaa lagu magacaabo ‘Ventral pallidum (VP)’, waxa aanay ku taalla seeska maskaxda.

Cilmibaadhistan ayaa la filayaa in ay waa cusub u furto horumarka sayniska iyo helidda dawooyinka caawiya xakamaynta doonista (Amateedka) cuntada, iyo in qofku uu raaco nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba.

Cilmibaadhistan oo lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa la doonayey in lagu ogaado sida ay maskaxdu u xaddido nooca iyo xaddiga cunto ee uu qofku u baahan yahay, marka uu haysto siyaabo badan iyo noocyo badan oo cunto oo uu kala dooran karo.

David Oteheimer oo hoggaaminayey cilmibaadhistan, kana tirsan jaamacadda John Hopkins oo ku taalla gobalka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa mar uu ka hadlayey natiijadan ay heleen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu helnay qayb maskaxda ka mid ah oo si muuqata uga jawaab celinaysa kala doorashada iyo xiisaha aynu cuntada u hayno. Weliba qaybtan maskaxda ka mid ah ee aanu aragnay shaqada ay qabataa celcelis ahaan waa ay ka sarraysaa intii aanu marka hore ka filaynay”

David warmurtiyeed uu soo saaray ayaa uu ku yidhi, “Xogta aanu helnay waxa ay tilmaamaysaa in aynu baahi weyn u qabno in cilmibaadhiso kale oo dheeraad ah lagu sameeyo maskaxda qaybteedan ‘Ventral pallidum’ si aynu u fahanno sida aynu u qaadanno go’aamadeenna la xidhiidha xaddiga cunto ee aynu cunayno iyo noocyada aynu xiisaynayno. Haddii aynu doonayno in aynu garanno sababta aynu cunto uga helno ama u nacno, waa in aynu ogaanno in maskaxda qaybteedani ay kaalin muhiim ah ku leedahay” ayaa uu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here