“Qaxootiga Waa Lagu Xad Gudbay”

0
831

Nairobi (Geeska)-Hay’adda xuquuqul inasaanka ee Amnesty International ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaxootiga Soomaalida iyo dadka magangelyo doonka ay haysato xaalad ah “laba daran mid dooro.”

Amnesty ayaa sheegtay in kumannaan kun oo qof ay gaadhayaan dadka ay booliska ka uruuriyeen magaalada Nairobi.

Hay’adda ayaa sheegtay aanay jirin qof qaxooti ah oo la diiwaan geliyay tani iyo bishii December ee sanadkii 2011-kii kadib markii la xidhay xarumihii la isku diiwaan gelin jiray.

Amnesty ayaa intaa ku dartay in dad badan oo u qalma in la siiyo magangelyo iyo inay qaxooti noqdaan in laga hor istaagay, taasoo keeneyso in lagu celiyo Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyiin iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.Ku xigeenka agaasimaha hay’adda Amnesty ee qaaradda Afrika, Michelle Kagari ayaa sheegtay in “kumannaan kun oo qaxooti Soomaali ah iyo dad magangelyo doon ah oo aan la diiwaan gelin ay haysto xaalad xun oo aan caadi ahayn.

Waxay tiri Amnesty “Waxay wajahayaan xarig iyo musaafuris, sababtoo ah lama diiwaan gelinin, balse wayba adagtahay in la qaabilo.”

Cabsida Qaxootiga haysato

“Dowladda Kenya ayaa qaxootiga ku riixeyso inay raacaan sharci aanay jirin meel kaloo looga leexdo oo ay abuureyso, iyadoo loo muujinayo inaan la tixgelineynin xuquuqdooda bini’aadamnimo.” Sida ay sheegtay Amnesty.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa u sheegay Amnesty International inay haysato cabsi, garaacid, iyo xadhig sharcidaro ah oo ay kala kulmayaan ciidamada ammaanka oo guri-guri u  baadhaya xaafadaha ay Soomaalida degan yihiin.

Hay’adda u dooda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International oo lahadashay qof lagu soo gaabiyay magaciisa Axmed oo 26 sano jir ah, waxa uu u sheegay in 7-dii bishan April la geeyay garoonka Kasarani si warqadihiisa aqoonsiga loo baaro.

Axmed ayaa tilmaamay in habeen-badhkii ay gurigiisa ku garaaceen booliska oo ay weydiiyeen aqoonsigiisa, waxa uu xaqiijiyay inuu dhammaaday waqtigii loogu talagalay sharciga uu haystay. Waxaanu intaa raaciyay in loo sheegay in aanu sax ahayn aqoonsiga uu watay, laguna tuuray gaadhi, oo la geeyay Kasarani.

Dadka magangalyo doonka ah ee aan la diiwaan gelin waxay ku jiraan halis, ayey tidhi hay’adda oo sheegtay in dadka haysto warqadaha saxda ah la xidhayo, la handadayo oo si xun loola dhaqmayo.

Laaluush ka iyo kaadhadhka aqoonsiga

Maxamed, oo kamid ah dadkii laga qabtay 6-dii bishan April meel ku dhow xaafadda Islii, ayaa Amnesty International u sheegay in “afar askeri ay joojiyeen, ayna weydiiyeen kadhkiisa aqoonsiga. “Waaxan tusay kaadhkeyga qaxootiga, waxay igu yidhaahdeen sax maahan. Waxay iweydiiyeen inaan bixiyo 35 kun oo lacagta Kenya ah ($400 dollar). Markan bixin waayay waxay igu yidhaahdeen Al-shabaab baa tahay wayna I kexeeyeen.”

Maxamed waxaa lagu xidhay garoonka Kasarani halkaas oo qaxooti badan lagu baadhayo. Maalin tii xigtay waxaa la siidaayay isaga iyo 47 qof oo kale, balse hadda aqoonsi ma haysto.“Markii ay nagu celiyeen Islii, nameysan siin warqaheena aqoonsiga. Waxay iisheegeen inaan ku noqdo maalinta xigta Kasarani, balse markan ku noqday waxay igu yidhaahdeen mar kale soo laabo,” ayuu yidhi Maxamed oo Amnest la hadlay.

“Xalay ma seexan cabsi darteed. Mahaysto aqoonsi, Haddii la ixidho mahaysto wax aan tuso askarta,” ayuu yiri.

Howlgalka Argagixiso la dagaalanka

Dowladda Kenya waxa ay qaaday howlgal ballaadhan oo ay ugu magacdartay Rudisha Usalama (“nabadda soo celi”). Tani iyo 2-bii bishan April, in kabadan 4,000 oo qof ayaa laga soo qabtay dalka oo dhan, dadkaasi waxay u badan yihiin Soomaali.

“Xadhigga noocaan oo kale ah waa midab kala sooc iyo wax aan suura gal ahayn. Bulshooyiinka oo la kala sooco maahan wado wanaagsan oo amniga lagu soo celiyo,” ayey tiri Michelle Kagari, oo ka mid ah saraakiisha Hay’adda Amnesty.

Baacsiga dowladda ay ku haysto qaxootiga ayaa sare u kacay markii wasiirka arimaha gudaha ee Kenya, Ole Lenku, uu sheegay 26-kii bishii Maarso, in qaxootiga oo dhan ay ku noqdaan xeryaha ku yaalo waqooyiga Kenya ee Dhadhaab.

Maxkamad difaacday qaxootiga

Go’aan midkaa lamid ah oo uu soo saaray wasiirka bishii December ee sanadkii 2012 kii, Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday bishii July ee 2013-kii.

Maxkamadda ayaa sheegtay, dib u celinta qaxootiga ay carqalad ku tahay sharafta iyo xuriyadda dhaqdhaqaaqa, ayna keeneyso in si dadban loogu qasbo inay Soomaaliya ku noqdaan qaxootiga.

Maxkamadda ayaa sidoo kale tilmaamtay in dowladda aysan cadeynin in tallaabada dib u celinta ay amniga soo celin karto iyo inkale.

“Howlgalka hadda, wuxuu carqalad ku yahay go’aankii maxkamadda si sharci ahna looma fulin,” ayey tidhi Amnsety international.

Ibrahim, oo ka mid ah odayaasha Islii ayaa Amnesty u sheegay: “sida loola dhaqmayo dadka qaxootiga ah inay tahay in lagu qasbo inay Soomaaliya ku laabtaan.”

Amnesty international oo ka hadashay dadkii dib loogu celiyay Soomaaliya iyo kuwa lacelin doono, ayaa sheegtay in “Dad qasab loogu celiyo goobo ay halis tahay nolosha iyo xuriyadda inay dhibaato ku tahay xeerka caalamiga ah ee Qaxootiga, oo Kenya looga baahan yahay inay tixgeliso.”