Qaxoonti Gabadh Soomaaliyeed Ku Jirto Oo U Hoyday Gurigii Uu Trump Carruurnimadiisii Ku Soo Qaatay

0
839

Washington (Geeska)- Afar ruux oo qaxoonti ku ah dalka Maraykanka ayaa habeennimadii Isniintu soo gelaysay u hoyday gurigii uu madaxweynaha Maraykanku carruurnimadiisii ku soo koray, kadib markii hay’ad caalamiya oo faqriga la dagaallantaa ay gurigiisa kiraysatay, dadkanna geysay.

Waa hab ilbaxnimo oo ay hay’adda gurigan kiraysatay doonayso in ay ku muujiso diidmada ay kaga soo horjeeddo siyaasadaha qaxoontiga fogeynaya ee uu madaxweyne Trump ku dhaqmo. Sababtaas ayaanay hay’addu gurigan u dejisay qaxoontiga.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa sheegaya in hay’adda Oxfam ee caalamiga ahi ay gurigan oo ku yaalla xaafadda Queens ee woqooyiga bari ee magaalada New York ay dejisay qaxoonti ka yimi dalalka Yemen, Suuriya, Soomaaliya iyo Fiyatnaam.

Guriga waxa uu ka kooban yahay 5 qol waxa aana iska leh maalgashadaha Maraykanka ah ee Michael Davis oo iibsaday bishii Maarso ee sannadkan, isaga oo ugu talogalay kiro uu habeenkii keliya ku qaadanayo lacag dhan 725 doolarka Maraykanka ah. Hay’adda Oxfam ee caalamiga ah oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska kana mid ah hay’adaha ka shaqeeya dabargoynta faqriga oo si aad ah uga xumaaday siyaasadaha soo-galayti nacaybka ah ee Trump ayaa si ay cabashadeeda arrintaas la xidhiidha u muujiso waxa ay hal habeen kiraysatay gurigan oo ay dejisay dadkan qaxoontiga ah ee jinsiyadaha kala duwan leh oo ay ka mid tahay gabadh Soomaaliyad ahi.

Norman Scribner oo ah agaasimaha fulinta ee waaxda arrimaha bani’aadamnimada u qaabilsan hay’adda Oxfam ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa aanu uga jeednay in aanu farriin adag gaadhsiinno Trump iyo hoggaamiyeyaasha dunida, taas oo ah in ay waajib ku tahay in ay dadaal dheeraad ah geliyaan xoojinta hawlaha soo dhoweynta dadka qaxoontiga ah”

Hay’adda Oxfam ayaa cabashadeedan oo lagu tilmaamay mid ay ilbaxnimo ah u muujisay, waxa ay si ula kac ah ugu soo beegtay bilowga kulanka jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey oo salaasadan maanta uu fadhigiisii 72 si rasmi ah uga bilaabanayo xarunta jimciyadda ee magaalada New York.

Warku waxa uu intaas ku daray in gabadha lagu magacaabo Iimaan Cali oo ah Soomaaliyad 22 jir ahi ay Maraykanka qaxoontinimo ku soo gashay kadib markii ay ka soo carartay colaadaha dalka Yemen, mar ay ka hadlaysay dareenkeeda ku aaddan guriga uu Donald Trump carruurnimadiisii ku soo qaatay ee ay halka habeen ku beriday, ay sheegtay in ‘booqashada gurigii uu Turmp carruurnimadiisii ku qaatay, ay ku abuurtay dareen ah in ay ka fikirto oo dib u xasuusato halkii ay iyaduna carruurnimadeedii ku soo qaadatay’ laakiin Qasaan Shahaada oo isaguna ah 41 Maraykanka isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisu ay yimaaddeen sannadkii 2012, ayaa jeclaystay in uu habeenkan ku qaato qol ka mid ah guriga Trump ku soo barbaaray, oo markii la qiyaasay loo maleeyey in uu yahay qolkii ay carruurta qoysa Trump seexan jireen, isaga oo taas si gaar ah ugala jeeda in uu madaxweyne Trump xasuustiisa dib u celiyo. Qasaan oo qolkan ku sugan ayaa madaxweynaha farriin u mariyey warbaahinta, “Waxa aan doonayaa in aan Trump kula taliyo in uu xasuusto oo ka fikiro shucuurtiisii xilligaas marka uu qolkan seexdo”

Madaxweyne Trumo ayaa bishii Saddexaad ee sannadkan saxeexay wareegto sharci oo uu dalka Maraykanka kaga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta dalalka Iiraan, Liibiya, Suuriya, Soomaaliya, Suudaan, Yemen iyo Ciraaq muddo 90 maalmood ah oo ka soo bilowday 16 kii bishaas. Amarkan oo lagu tilmaamay in uu cunsurinimo yahay ayaa Maraykanka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka abuuray muranno iyo doodo adag, waxa aana mar fulintiisaba joojiyey garsoorka Maraykanka, in kasta oo markii dambe wax ka beddel yar oo lagu sameeyey kadib ay maxkamaddu ogolaatay.