Qatar Oo Sheegtay Inay La Baxayso Ciidamadeeda Kala Dhex Jooga Ereteriya Iyo Djibouti

0
552

Qatar (Geeska)- Dawladda Qatar ayaa shalay shaaca ka qaadday in ay dawladda Jabbuuti ku wargelisay inay la baxayso ciidamadeeda ku daadsan labada dhinac ee xuduudka u dhexeeya Jabbuuti iyo dalka Ereteriya si ay uga hortagaan isku dhac dhex mara labadan dal oo hore dagaal u dhexmaray.

Wakaaladda dawladda ee wararka dalka Qatar ayaa masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ka soo xigatay, “Qatar waxa ay hore u ahayd welina tahay, dhexdhexaadiye dublumaasiyadeed oo si nadiif ah uga qayb qaata xal u helidda murannada dhex mara dalalka walaalaha iyo saaxiibka la’ ah. Waana ay sii wadi doontaa in ay door muhiim ah ku dhex lahaato beesha caalamka”

Dhinaca kalana wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool ayaa iyaduna maalintii shalay ka soo xigatay diblumaasi Jabbuutiyaan ah in Qatar ay qaadatay go’aan ay ku joojinayso dhexdhexaadintii ay ka dhex wadday dalkiisa iyo dalka Ereteriya, waxa aana go’aankaas ka mid ah in Qatar ay la baxdo ciidamadeeda jooga xuduudka labadan dal u dhexeeya, iyo in ay hawshan iyo wax-ka-qabashadeeda dib ugu celiso Qaramada Midoobey”

Sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda Anadool, diblumaasigan oo aan magaciisa la sheegin ayaa yidhi, “Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar waxa ay xukuumadda Jabbuuti soo gaadhsiisay warqad rasmi ah oo ay ku wargelinayso in ay joojisay dhexdhexaadintii ay ka dhex wadday Jabbuuti iyo Ereteriya” Sida uu diblumaasigani ku warramay waxa ay dawladda Qatar warqaddan ku tidhi, “Qatar waxa ay si rasmi ah xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ugu wargelin doontaa in ay hawshaas dhexdhexaadinta faraha kala baxday”

Diblumaasigan reer Jabbuuti oo ka warramayey aragtida dawladdiisu ka qabto go’aankan dawladda Qatar qaadatay ayaa yidhi, “Jabbuuti waxa ay ixtiraamaysaa go’aanka Qatar, waxa aanay Dooxa kala hadli doontaa arrintan joojinta hawlgallada ciidamada Qatar ka wadaan xuduudka Jabbuuti iyo Ereteriya, iyo sida arrintan dib loogu celinayo Qaramada Midoobey”

Gorfeeyeyaasha siyaasadda gobalka ayaa sheegaya in go’aanka dawladda Qatar ku gaadhay joojinta dhexdhexaadinta Jabbuuti iyo Ereteriya ay sababtiisu la xidhiidho xiisadda diblumaasiyadeed ee ka taagan khaliijka Carabta, iyada oo sida la ogyahay dawladda Jabbuuti 7dii Bishan socota ee Juun ku dhawaaqday in ay hoos u dhigtay heerkii diblumaasiyadeed ee Dooxa ay ku xidhidhiidhayeen, si ay u muujiso in ay la jirto go’aanka qaar ka mid ah dalalka Khaliijku ku deyriyeen dalkaas.

Warkan ayaa lagu sheegay in ciidamada Qatar oo ka baxa xuduudka u dhexeeya Jabbuuti iyo Ereteriya ay keeni doonto bannaanshiyo khatar ku ah nabadgelyada labada dhinac, haddii aanay Qaramada Midoobey ama ururka Midowga Afrika si dhaqso ah u keenin ciidamo qabta hawsha ay ciidamada Qatar banneeyeen.

Dawladda Qatar ayaa hawlo dhexdhexaadin ugu dhex jirtay Jabbuuti iyo Ereteriya tan iyo intii ka dambaysay sannadkii 2008 oo uu dagaal adagi labadan dal ku dhex maray xuduudka. Dhexdhexaadintaas Qatar waxyaabaha ka dhashay ayaana ay ka mid ahayd in boqollaal ciidamada Qatar ka mid ah la dhigo xuduudka labada dhinac, kadib markii diblumaasiyadda Qatar ku guulaysatay in ay labada dal ku qanciso in ay heshiis nabadeed kala saxeexdaan sannadkii 2010.