Qatar Oo Kuwayt U Gudbisay Jawaabaha Shuruudihii Xulafada Sucuudiga Iyo Muddo Kordhin Loo Sameeyay

0
579

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa gaadhey magaalada Kuweyt ee dalka Kuweyt si uu u gudbiyo jawaabta rasmiga ah ee shuruudaha Xulafada Sucuudigu ku xidheen.

Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa shalay kulan la qaatey Amiirka dalka Kuweyt Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah , waxaanu gaadhsiiyay warqad gacanta lagu qoray oo jawaab u ah 13 qodob.

Dalka Kuweyt oo kamid ah dalalka Khaliijka ayaa qaatey mowqif dhex-dhexaad ah waxaana ay qaateen doorka dhex-dhexadinta. Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa hore u sheegay in Qatar aanay fulineyn shuruudaha 13 ah, ee ay ka horeyso in wada hadal la furo ka hor inta aan shuruudo la isu yeedhin.

Geesta kale Dalalka jaray xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ay la lahaayeen dalka Qatar ayaa siiyey wakhti dheeraad ah oo ay ka doonayaan in Qatar ku oggolaato 13 qodob ee lagu xidhay haddii ay fuliso ay dib u soo celinayaan xidhiidhka Dibolaamisayeed.

Dalalka Sucuudi Caraabiya, Imaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa siiyey Qatar 48 saac oo dheeraad ah kadib markii 10 maalmood ee loo qabtey ay dhamaatey oo ay shalay ku beegnaayeen.

Qatar ayaa sheegtey in 13 qodob ay yihiin kuwo qaadan karin, ayna ka horeyso in wada hadal la furo ka hor inta aan laga dalban in ay fuliso shuruudaha adag oo ay kamid yihiin, Warbaahinta Al-jazeera oo la xidho, Saldhigga Turkiga oo la xidho, xiriirka Iran oo ay hoos u dhigto iyo in ay xidhiidhka u jaraan urrada Xamaas iyo Ikhwaanul Muslimiin.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa maalintii Sabtidii isku dayey in uu sameeyo isu soo dhaweyn iyo tanaasul, si wada hadal u furmo taas oo socon weydey. Madaxweynaha Maraykanka ayaan dhex-dhexaadka ahayn xaaladda Khaliijka waxaana uu sacab ku soo dhaweeyey go’aanka Qatar laga qaatey, iyada oo saldhigga u weyn ee Mileteri ee ka baxsan gudaha Maraykanka uu kulee yahay dalka Qatar.

Dalalka Boqortooyada Sucuudiga Imaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa 5 Juun 2017 xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, intaas keliya kuma ekaan waxay xayiraad ku soo rogeen Qatar in aanay isticmaali karin Badda, dhulka iyo hawada afartaas dal taas oo culeys weyn ku noqotey Qatar maadaama xuduudka dhulka ay la wadaagto Boqortooyada Sucuudiga oo keliya.