Qaraxyadii Jarmalka Ka Dhacay Oo La Ogaaday In Uu Qaaday Nin Jarmal Ah Oo Macaash Doon Ahaa

0
644

Berlin (Geeska)- Booliiska dalka Jarmalka ayaa arooryadii hore ee Jimcihii shalay, xabsi u taxaabay nin la aaminsan yahay in uu yahay kii fuliyey weerarradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday baska kooxda kubbadda cagta ee Borussia Dortmund (BVB).

War Geeska Afrika uu ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Jazeera ayaa ay xeer-ilaalinta dalka Jarmalku ku sheegtay in ujeedada weerarkani ay la xidhiidhay faa’ida doon ganacsi ee aanay shaqo ku lahay argagaxiso.

Xeer-ilaalinta Federaalka ee Jarmalka ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in booliiska ay ku amartay in la qabto Sergei W, oo ah 28 jir isir ahaan ka soo jeeda Ruushka.

Warmurtiyeedku waxa uu sheegay in Sergei uu filayey in marka uu weerarkan ku qaado Kooxdan oo ka mid ah Naadiyada kubadda cagta ee ugu caansan dalka Jarmalka, uu si dhaqso ah hoos ugu dhici doono qiimaha saamiyada kooxdani ka joogo sayladaha dalka Jarmalka, isaga oo qorshaynayey in uu fursaddaas ka faa’idaysto oo uu saamiyada jaban iibsado si marka dambe ee uu qiimuhu kor u soo noqdo uu macaash badan uga sii faa’ido saamiyadaas jabnida ku soo galay.

Baadhitaannada hordhaca ah ee lagu sameeyey Sergei ayaa sheegaya in uu fuliyey qorshihiisa oo markii uu weerarka qaadayba uu dhaqso internet-ka uga dhex iibsaday saamiyo qiimahoodu dhan yahay 844 Kun oo doolarka Maraykanka ah, oo ah saamiyada Naadigan.

Sergei ayaa marka uu saamiyadan iibsanayey waxa uu isticmaalay internet ka hudheelka uu Naadiga Borussia Dortmund deggenaa oo isaga qudhiisuna uu tan iyo 9-kii bishan qol ka deggenaa.

Saddex qarax oo waaweyn ayaa 11kii Abriil ka dhacay meel ku dhow halka uu ka dhaqaaqayey baska siday kooxdan oo ka tegeyey hudheelka si ay u tagaan mid ka mid ah garoomada kubadda cagta ee Jarmalka, waxa aana weerarradaas ku dhaawacmay saddex ruux, iyaga oo sababay in dib loo dhigo ciyaartii ay kooxdu u socotay oo ay iskaga hor iman lahaayeen Kooxda kale ee Monaco.

Bilowgii qaraxyadan ayaa ay booliisku aaminsanaayeen in weerarkan ay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee xag-jirka lagu tilmaamo, kadib markii goobta weerarku ka dhacay laga helay xusuus qor ay ku jiraan ereyo laga fahmay in weerarkan ay ka dambeeyeen kooxahaasi, si gaar ahna waxa ay booliisku aamineen in kooxda DAACISH ay weerarkaas ka dambaysay. Muddo yar kadib ayaa uu booliisku shaaciyey in weerarkaasi aanu ahayn mid kooxahaasi ka dambeeyeen, ugu dambayntiina waxaa jimcihii caddaatay in uu ahaa weerar macaash doon ah, oo Sergei oo haysta jinsiyadaha Jarmalka iyo Ruushku uu doonayey in uu suuqyada ganacsiga moodsiiyo in DAACISH Wax yeellaysay kooxdan, kadibna saamigu hoos u dhaco si uu muddadaas u uu jaban yahay u iibsado.