Qaraxii Muqdisho Oo Noqday Mucjiso Iyo Dhimashada Oo Gelin-Gelin Kor Ugu Kacaysa

0
1002

Muqdisho(Geeska)-Qaraxii Muqdisho ka dhacay dhawaan ayaa lagu tilmaamay  in uu yahay qarixii ugu waynaa ee ka dhacay Soomaaliya. Waana weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo burburkii 1991.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaadhi xamuul ah oo waxyaabo qarxa lagu xidhay oo ku dhex qarxay meel suuq ah oo aad u mashquul badan oo ku taalla Muqdisho.

Ugu yaraan 276 qof ayaa ku dhimatay, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen weerarka oo lala eegtay suuq aad u mashquul badan, laakiin dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay suurtogalnimada in dhimashada iyo dhaawucu intan ka bataan.

Dad badan oo Muqdisho degen ayaa raadinaya eheladooda. Hooyo Dhoofa Xuseen Axmed waxay weli raadineysaa qof ehelkeeda ah oo aan la ogeyn meel uu ku dambeeyay.

Dhoofa Waxay sheegtay in Mustaf Cabdi Xuseen Axmed oo 23-sano jir ah, la sheegay in uu joogay suuqa sarifka ee isgoyska Soobe.

Sidoo kale, Cusman Xasan Sheekh wuxuu weli raadinayaa Birima Cumar Xareed oo uu sheegay in markii dad ugu dambeysay in ay tagtay cisbitaal ku dhow meesha qaraxa uu ka dhacay.

Fowsiya Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka weli ehelkooda raadinaya waxay sheegtay in laba qof ay ka maqan yihiin.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira qoysas hooyo iyo aabo ah, walaalo wada dhashay iyo dad kale oo dhiig wadaaga. Waxa kale oo dadka qaraxan ku geeriyooday ku jira carruur 15 tiradoodu tahay kuwaas oo uu haleelay qaraxu.

Ma jirto weli cid si rasmi ah u sheegatay inay ka dambaysay qaraxan, waxaanu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay guddi uu faray inay soo baadho weerarkan.

Dhalleeceynta caalamiga

. Madaxa Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya “si loogu guuleysto nabad iyo amni joogto ah”, ayuu yidhi.

Turkiga wuxuu ayaa diyaarado gargaar iyo dhkhaatiir u diray Muqdisho, sidoo kale dadka uu gaadhay dhaawaca xun waxaa loo qaaday Turkiga si loo soo daaweeyo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid “fuleynimo ah”. Wuxuu Mareykanka sheegay in uu xoojin doono taageerada uu siiyay dalalka Afrika ee la dagaallamaya argagixisada.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson ayaa sheegay in uu la murugeysan yahay dhibanayaasha, qoysaska iyo dowladda Soomaaliya. “Kuwa ka dambeeya waxay muujiyeen sida aanay dan uga lahayn nolosha shacabka ee ku dhibaateysan Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “in uu aad uga cadhooday” weerarka, wuxuuna ku baaqay “in laga midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada.”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Twitter-ka ku qoray in dalkiisu taageerayo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa yidhi: “Weerarka Soomaaliya waa mid argagax leh, Canada ayaana cambaareyneyso. Waxaan la baroordiiqeynaa bulshada Soomaalida ee Canada, maanta.”