Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Xalay Ka Dhacay Nayrobi

0
470

Picture3Nayrobi(Geeska/W.Wararka)-Qarax xoog badan ayaa xalay cawayskii ka dhacay magaalada Nayroobi ee Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay Somalidu degentahay.

Qaraxan, sida ay Boolisku sheegeen waxa ku dhintay lix ruux, waxaana ku dhaawacnay tobaneeye kale. Ciidamada Booliska ayaa baadhitaan ku sameeyay qaraxaas, iyagoo xidh-xidhay dad Somali u badan.

Maaha markii u horaysay ee ay qaraxyo ka dhacaan magaalada Nayrobi, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laba maalmood ka hor Somalida kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata.