Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Keenay Oo Nayjeriya Ka Dhacay

0
704

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in 71 qof lagu dilay qarax ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla meel ka baxsan magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria.

Qof goob joog ahaa ayaa waxa uu sheegay in uu meydka meel walba dadsanaa.

Weriyaasha ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo weerarka ay geysteen ururka Islaamiga ee Boko Haram. Qaraxa ayaa dhulka waxa uu ka qoday ilaa hal mitir iyo labaatan, wuxuuna bur buriyey in kabadan soddon baabuur oo ku sugnaa Nyanya oo ah meel baabuurta la dhigto.

Qaraxa ayaa waxa kale uu keenay inuu dab qabsado qaraxyana ay ka dhashan taangiyada shidaalka ee baabuurta gubatay.

Babuurta gurmadka deg degga ayaa dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintay u qaaday isbitaaladda degaanka ku dhow. Haweeney goobjoog ah oo la yidhaahdo Mimi Daniels oo ka shaqeysa magaalada Abuja ayaa u sheegtay wakaaladda waraarke ee Reuters in ay sugeysay bas marka ay maqashay qarax weyn kaddibna ay aragtay qiiq.

Qof kale oo makhaati ah ayaa u sheegay BBC in aanu arag wax sidaas oo kale ah. Waxay aheyd wax aad iyo aad u xun. Waxa uu ahaa qarax bomb bay yidhahdeen.

Si weyn ayaan u kala caraarnay. Cid ayaa tidhi waxay ku dhex rakibeen bomb mid ka mid ah basaska. Dhab ahaantii dad badan ayaa ku dhintay meesha shilku ka dhacay. Qaar ka mid ah dadkaas oo dhibku gaaray waxaan baryaynaa in ay ka soo kabtaan. Dadka dhintay ma qiyaasi karo, waa ay badan yihiin. Weli waxaan arkeynaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo meydad keenaya, marka laga gudbo dadka la geeyay isbitaaladda kale. Ururka Boko Haram ayaa dhowr goor oo hore weeraray magaalada Abuja weeraradas waxa ka mid ahaa mid ay ku qaadeen dhismaha Qaramada Midoobey sannadkii 2011-kii.