Qarankayga Maxaa Curyaamiyey ? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

Published on Jul 11 2017 // Maqaalo

Somaliland waa Qarankayga aan ku faano khalad dhacay Sannadkii 1960 ayaa dib loo saxay kow iyo Soddon Sanno ka dib oo ku beegnayd  18kii  may 1991 kii waana mid ay ka sinnaayeen  guud ahaan shucuubta degta dhulka baaxada weyn ee afarta Jiho ku fidsan .

Madaxweynayaal afar ah oo soo maray 26sanno ee ay jirtay ayaa iskugu dhiibay si ay ku jirto Walaalnimo iyo tudhaale Qaran , balse labadii Madaxweyne ee ugu danbeeyey ayaa curyaamiyey horumarka iyo dhismaha noloshada Dadka .

Waxa marag ma doon ah marka aad dalka ka maqan tahay in aad ula yaabto Bilicda dhismayaasha dhaadheer ee laga bidhaamiyey qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee waddanka kuwaas oo ay yagleesheen oo dhisteen  ganacsato dalkooda aaminay , balse Qoysku waa sida kaynta oo kale. Marka aad dibadda uga baxsan tahay, kayntu way cufan tahay. Marka aad dhex joogtidna, geed kasta wuu kuu muuqanayaa. Sida daradeed marka aad nolosha Umadda u fiirsato waxaa curmaayey dhawrkan qodob  ee  hoos ku xussan .

1: Qabyaalad: waxa ay Somaliland ka tahay mid mararka qaar ka horaysa Diinteena Suuban ee Islaamka Tusaale ahaan : Qofka aflagadeeye Diinta ama Nebiga Sharafta Leh ee Muxamed NNKH dadku inta badan kama damqadaan kamana diiran balse haddii uu  caayo reer Warfaa waxaa halkan kasoo boodaaya mid aan Diintiisa iyo Nebigiisa difaacin oo Reerka u doonyaqaad ah waxaanu ku indho cad yahay Maxaad reerkayga u cayday , Hoggaanka dalka waxa lagusoo doortaa reernimo hadday tahay Sharci dejin . Fulin iyo Garsoorkaba balse tayo aqooneed iyo waddaniyad midna laguma raaco dib u eeg golihii deegaanka ee aad reernimo ku raacdeen Maxsuulka aad ka dhaxasheen .

2: Shacab Lama doodsan  : Shacabka Somaliland waa Bulshada keliya ee aan la Xisaabtamin Madaxda ay doortaan kana hadli Karin baahi kasta iyo dhibaato kasta oo soo wajahda , Durbaannadda loo tumo Xilliga olalaha, ma aha kuwo marnaba codkoodu naaqusmo. Waxaanay kusoo baxaan Magacuba I Deeq! Waa umadda si hoose iskugu muuqata oo aan midoobi Karin ,” Qofka danta umadda ka hadla waxa loogu Jawaaba reerkaygaad duraysaa “ Waxaan jirin minqiysaa ay bulshadu wax ku doortaan 

3: Hoggaanka : cidda loo cumaamado in ay qabato midida dabkeeda waxa uu hankeedu ku eg yahay Olalaha cod raadinta ah ee ay ku dheraran yihiin  balan qaadyo been u badan oo  gudha, Boobka badheedhka ah ee aanney meel ugu gaban Xukumaddihii ka danbeeyey Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa muujinayaa tudhaale la’aan qaran waa halkii uu Abwaan Weedhsame ka lahaa  “Weligiin-ba Milliqsada, Weligiin Ma Guurtada Malyan iyo Kun Dhaafsada, Weligiinba Muudsada Maarkaha Dhimbiisha ah, Madaddaalo Gudhaysiyo Ismoodsiika Beenta ah Weligiinba Mehersada, Rabbigay ma Moogoo Meeli kama Qorsoonee Weligiin ku Mahadnaqa Moohaarka Duufka ah, Weligiin Miskiiddada Salaad Reer Magaaliyo Sujuuddii Munaafaqa Suxullada Ku Soo Muda..”

kuma raaxaysano karno cimilada qurxoon, deegaantka wanaagsan iyo khayraadkeeda dihin ee dalkeena , haddii aanay dadkeedu gacmaha is qabsan, oo dhan qudha uga soo wada jeedsan masiirkooda iyo siyaasiga danaystaha ah ee ay seetada u dheerayeen

Saddexdaa Arrimood ayeynu ka dhaxalnay dacaya iyo halka aynu maanta taaganahay ee dadkeena ku habsaday waxaanad bedelkooda ka hesheen  Biyo La’aan , Sicir bararka , Sarif bararka , Caafimaad xumadda, tayada liitada ee  waxbarasho , boob , ku tumashada Maskiinta iyo nolosha laba dabaqadood qarka u saaran .

Akhriste ma waxa uu shaki kaga jiraa in umaddeenu u dhimato Cunto iyo daawoyin dhacay oo aanney jirin Xukumadda ka qabata taas oo aan warba ka hayn Xaaladda bulshada shanta milyan ku dhow ?

Waxaan kusoo xidhayaa maqaalkayga aan ugu magacdaray Qarankayga maxaa Curyaamiyey Tuduc ka mid ah Maansadii Mayal-dheer ee aan abwaan hadraawi ku yidhi “Haddaan maanku soo noqon

Mucjisaa sugaysee

Ninka mooganaantaas

Ku xasila ismoodsiis

Malihiisu waa been”

Alle hayga dhaafo haddii aan sheegay wax aan jirin , haddii ay run yihiin waa waajibka iga  saaran dalkayga Muwaadin ahaan iyo Saxafi ahaanba

W/Q: Wariye Saciid Faarax Cagjar

“ Saciid Faarax Cagjar Waa Saxafi ka hawl gala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Waxaa uu hadda u shaqeeya Si Madaxnaan , waxaa uu 9 sanno ee ugu danbeeyey uu wax ku qoraayay warbaahinta kala duwan ee soomaalida, waxaana uu daabacay maqaalo tiro badan oo bulshadda khuseeya “

Hargeysa/Somaliland

00252634421898

“ Saciid Faarax Cagjar Waa Saxafi ka hawl gala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Waxaa uu hadda u shaqeeya Si Madaxnaan , waxaa uu 9 sanno ee ugu danbeeyey uu wax ku qoraayay warbaahinta kala duwan ee soomalida, waxaana uu daabacay maqaalo tiro badan oo bulshadda khuseeya “

Hargeysa/Somaliland

00252634421898

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!