“Qaranimadeena Aynu Wada Ilaashano, Oo Doorashada Nabadgalyo Aynu Ku Galno”

0
842

Xildhibaan Axmed-Gacan

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa talo u soo jeediyey Xisbiyada, waxaanu kula taliyey in la ilaaliyo nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland, oo ololaha marka la gaadho, in Xisbi waliba si asluub iyo wanaag ku jiro ololahooda u galaan, si Doorasho fiicani u dhacdo.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaana ugu horeyn yidhi “Doorasho ayaa inagu soo fool leh, oo bisha dambe haddii ALLE ka dhigo la galayo, dhawaana waxa la bilaabayaa ololihii, sidaas oo ay tahay mar haddii ololihii la galayo, waxaan Xisbiyada leeyahay olole asluub iyo ixtiraam ka muuqdo, ha la galo, oo ha la iska ilaaliyo hadalada cadaawada iyo dhibta keenaya, kursiga ayaa loo tartamaya, ee kursigaas Xisbiyadu wanaag iyo sharaf ha ugu tartamaan, oo qaranimadeena aynu wada ilaashano, oo Doorashada nabadgalyo aynu ku galno”.

Dhinaca kale Xidhibaan Axmed Gacan, ayaa dhanka kale wuxuu Bulshada ugu baaqay inay Xisbiga iyo Musharaxa ay doonaan, inay codkooda siiyaan, oo ay ka dheeradan qabyaalada iyo caadifada, waxaa kale oo uu sheegay in deegaano badan oo ku yaala Miyiga, oo uu socdaal ku maray inuu roob ka da’ay, loona baahan yahay in nimcada roobka laga faa’iidaysto.