“Qaran Kuma Dhismo Qoys Iyo Laba Qoys Oo Xuluafo Noqda Ama Jeegaan Noqda”

0
1040

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si sarbeeb ah uga jawaabay hadal ay dhawaan Burco kaga dhawaaqeen laba Suldaan oo ay bulsho badani u aragtay mid taladii Somaliland ku soo koobaya laba beelood oo ka mid ah beelaha Somaliland.

Wasiir Xaashi oo hadal ka jeediyay munaasibad gaadhi Ambalaas ah lagu wareejinayay degmada Xaaji Saalax ee gobalka Oodweyne, wuxuu sheegay inaan qaranka lagu maamuli karin talo ka dhaxayso laba qoys. “Waxaanu leenahay kuwii ka codeeyay kulmiye 2010 nooma ciil qabaan cadaalad darana tirsan maayaan waayo wuxuu Siilaanyo iyo kulmiye dalka u maamulay si siman oo cadaalad ah oo aan salka ku hayn codkii.”

Isagoo arrintan jeegaanta ka sii hadlaya wuxuu yidhi “Waxa kaleo oo uu muujinayaa wax qabadka aanu soo bandhignay inaanay dalkan ka jirin dad gaar ah oo xuluf ah oo xeegaan wadaag ah, qaran kuma dhismo qoys iyo laba qoys oo xuluafo noqda ama jeegaan noqda, qarankani waa qaran balaadhan oo umad balaadhan ah, hoggaamiyaha madaxweynaha ka noqdaa wuxuu u sameeyaan qaab, taariikhdaa qiri doonta madaxweyne siilaanyo iyo kulmiye dalka siday u mamauleen.”

Wasiir Xaashi, wuxuu sheegay in mudadii uu madaxweyne Siilaanyo talada hayay uu Somaliland ku dhaqay siyaasad sal balaadhan, “Dalkii waxaanu ku dhaqnay siyaasd balaadhan, waxaanu maanta ka tagaynaa qaran midaysan oo xuduudihiisu suganyihiin, umad wax wada leh oo dawladnimo ka dhaxayso.”

Ugu dambayn wuxuu sheegay in kulmiye uu doorashooyinkii hore hoggaamin jirtay gobalada Maroodi-jeex, Togdheer, Sool iyo Sanaag, balse uu doorashadan maanta rajaynayo inuu sidoo kale isku darsado lixda gobalba. “Annagu xisbiga kulmiye afar gobal ayaanu hormuud ka ahaan jirnay, weligeed lanagama qaadin Togdheer, Maroodi-keex, Sanaag iyo Sool, Awdal iyo Saaxilna doorashadii 2003 iyo 2005 iyo 2010 waa lanaga badsan jiray, waxaan rajaynayaan in xisbiga kulmiye lixda gobalba hoggaamiye oo u bato doorashadan.” ayuu yidhi.