Qaramada Midoobay Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Somaliland Kula Macaamilayso Oo Uu Saxeexay Raysalwasaaraha Somaliya

39
2946

Hargeysa(Geeska)-Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ayaa dejiyay qorshe istaraatajiyadeed oo ay Somaliland qayb ka tahay kaas oo loo bixiyay “UN Strategic Framework 2017-2020”, waana qaabka ay Qaramada Midoobau u marayso la macaamilka Somaliland, gaar ahaan arrimaha mucaawinooyinka.

Qorshanan Istaraatajiyadeed oo bishii March ee dhamaatay la baahiyay ayaa ah hawlgalka uu xafiiskan UNSOM kaga hawlgalayo Somaliland iyo Soomaaliya ilaa sannadka 2020. Istararatajiyadan Qaramada Midoobay ee ay Somaliland qaybta ka tahay waxa kala saxeexday ergayga Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Waxa kale oo saxeexa ku jira wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Xasan iyo weliba Mr. Peter de Clercq; ku-xigeenka wakiilka qaramada Midoobay. Ma jiraan cid Somaliland ah oo saxeexyada ku jirtaa.

Qorshanan UNSOM qaybta ay Somaliland kaga hadlayaan iyo qorshaha ay ku hawgalayaan wuxuu odhanayaa sidan “Sida ay dhigayso ‘Khariiraddii Istaraatijiga ahayd ee UNSOM bishii March 2015, u dejisay habka ay u marayso caawinta Somaliland, Qarmaada Midoobey waxa ay sii wadi doontaa wada shaqaynta ay Somaliland kala leedahay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin awood dhisidda, la xidhiidha hiigsigii dhisidda nabadda iyo dawladnimada ee ku jiray ‘Hab-macaamilkii gaarka ahaa ee Somaliland loo qoondeeyey ‘Special deal’.”

Qoraalka, waxa uu intaas ku daray “Gacanta shaqo ee ay Qaramada Midoobey arrintan ku leedahay waa ay sii socon doontaa iyada oo uu hagayo mabda’a ah in ay dhexdhexaad ka ahaato, sida uu ugu dambaynta noqon doono meeqaamka Somaliland, si daahfuranna ula shaqaynaya Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah sida ay labada dhinacba codsadeen.”

Qorshahan, waxa kale oo lagaga hadlay dhawr meelood oo ay Qaramada Midoobay Somalialnd ka taageeri doonto mudadan 2017-2020, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha xuquuqal insaanka. Sidoo kale waxa qorshahan lagaga hadlay khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland iyo weliba xasaradihii dhawr sannadood ka hor dhex maray Somaliland iyo Khaatumo.

Masuulyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay noo suurtogelin.  Hase yeeshee saxeexyada qorshahan kama dhex muuqdaan masuuliyiin Somaliland ahi, waxaana muuqata in xafiiska Qaramada Midoobay wada shaqaynta iyo xidhiidhka Somaliland uu uga soo fasax qaadanayo dawladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here