Qaramada Midoobay Oo Shaqaalaheedii Puntland U Soo Daad Guraynaysa Hargeysa Iyo Dilkii Galkacayo Oo Maamulka Garowe Dhabarka Ka Jebiyay

0
599

Picture2Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaa bilowday inay shaqaalaheeda ku sugan magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ee maamul goboleedka Puntland u soo daad gurayso dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii Isniintii magaalada Gaalkacayo uu askari Puntland ka tirsani ku toogtay laba sarkaal oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka ambobaxay magaalada Hargeysa.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu labadii maalmood ee u dambeeyay shir u socday madaxda ugu saraysa Qaramada Midoobay ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, waxaanay aakhirkii ku go’aansadeen in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Puntland lala baxo, lana geeyo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxa ay sida uu warku sheegay go’aansadeen in dhulka Puntland lagu reebo oo keliya shaqaale kooban oo hawlaha xafiisyada sii wadda.

Geesta kale, kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta Puntland oo  shalay ka dhacay magaalada Garowe oo uu ka qayb galay madaxweyne-xigeenka Puntland, ayaa waxa gebi ahaanba aan ka soo qayb gelin shaqaalaha ajaanibka ah ee Qaramada Midoobay u jooga Puntland, kuwaas oo kulanka lagu casuumay, waxaanay shaqaalaha Qaramada Midoobay inta laga daad-guraynayo Puntland go’aansadeen inaanay dibadda uga bixin xarumahooda, maadaama oo cidda saraakiisha Qaramada Midoobay Galkacayo ku toogatay ay tahay ciidamadii loogu tallo galay inay amniga sugaan.

Arrimahan ayaa yimid, ka dib markii Isniintii si toos ah gudaha madaarka Galkacayo ee Puntland loogu toogtay laba sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNODC ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka tagay magaalada Hargeysa oo ay laba habeen u hoydeen. Wakhtiga dilku dhacay waxa duleedka magaalada marayay madaxweynaha Puntland oo Galkacayo ku soo jeeday, waxaana arrinta sii adkaysay markii la ogaaday inuu labada nin toogtay askari ka tirsanaa ciidanka maamul goboleedka Puntland.  Maydka labada nin ayaa shalay loo qaaday wadanka Kenya, waxaanay u kala dhasheen Ingiriiska iyo Faransiiska.

Ammaanka Puntland ayaa aad u dabcay tan iyo markii uu bishii January talada Puntland la wareegay Cabdweli Maxamed Cali Gaas oo dadka yaqaanaa ay ku tilmaamaan nin aan awood adag oo maamul lahayn.