Qaramada Midoobay Oo Ku Fashilantay Inay Somaliland Ku Dhex Tuurto Shirka Muqdisho

0
715

 

mahigaHargeysa(Geeska)-Iyadoo shalay la soo gunaanaday wejiga koowaad ee  shirka Muqdisho ka socda ee ay Qaramada Midoobay dilaalka ka tahay, ayaa waxa ay dhinaca kale Qaramada midoobay ku fashilantay inay Somaliland shirkaas ka qayb gasho.

 

Shirkan oo uu gadhwadeen ka ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Augustine Mahiga, ayaa gebi ahaanba laga dhex waayay cid ka tagtay gobalada kala duwan ee Somaliland oo shirkaas joogta, marka laga reebo ragga ka tirsan baarlamaanka iyo dawladda Sheekh Shariif oo aan iyagu ku cusbayn inay ka qayb galaan shirarkaas. Mid ka mid ah ragga dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa Geeska Afrikau sheegay in shirkani noqday kii u horeeyay ee laga waayay cid Somaliland ka socota oo ka qayb gasha, “Annagu horeba waanu isaga joognay laakiin waxa cusubi waxa weeye in la waayay cid Somaliland ka timid.” Ayuu yidhi xubintaas oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, waxaanu intaas raaciyay in dadka badankiisu hadal hayeen qoraal uu toddobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland kaga jawaabay martiqaad uu Augustine Mahiga ugu fidiyay ka qayb galka shirkaas, kaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo si cad ugu sheegay inaanay Somaliland marnaba ka mid noqon doonin kooxaha iyo maamulada Somaliya ee shirkaas ka qayb galaya.

Si kastaba ha ahaate Ambassador Mahiga oo in badan isku mashquuliyay inuu Madaxweynaha Somaliland ku qanciyo inuu shirkaas ka qayb galo, ayay arrintani ku tahay laf jab.