Qaramada Midoobay Oo Ka Xumaatay Inay 2 Xubnood Haween Ka Noqdaan Baarlamanka Puntland

0
821

Picture5Hargeysa(Geeska)-Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay tirada haweenka ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan.

Baarlamaanka Puntland oo shalay si rasmi ah loo dhaariyay kana kooban 66 mudane, waxa ku jira laba haween ah oo keliya, tiradaas oo aad u yar. “Waa niyad jab in Baarlamaanka Puntland ee cusub oo ah 66 xildhibaan ay laba xubnood haween yihiin.” Sidaas waxa yidhi ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Mr. Nicholas Kay oo qoraal kooban ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, waxaanu intaas raaciyay, “Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliya waxay si adag u taageerayaan inay haweenku ka qayb galaan siyaasadda.”

Baarlamaanka Puntland ayaa 8 January dooran doona Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka cusub ee Puntland oo ay ku tartamayaan daraasiin murashixiin ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Puntland ee talada sii haya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Bulshada caalamka ayaa indhaha ku haysa doorashada Puntland oo si weyn looga walaacsanyahay inay qalalaase siyaasadeed abuurto, ka dib marka madaxweynaha iyo ku xigeenka la doorto.