Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD Oo Aan Weli Xal U Helin Heshiis Laga Gaadho Dagaalka Tuko-Raq Iyo Cabdiweli Gaas Oo Noqday Caqabad

26
3219

Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaan weli guul la taaban karo ka gaadhin joojinta dagaal dambe oo ka dhex qarxa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ergayga Qaramada Midoobay danjire Michael Keating u sheegay in Somaliland ka baxdo Tukaraq haddii la doonayo in la bilaabo wada hadal nabadeed, islamarkaana ay ciidamada qaranka Somaliland dib ugu laabtaan fadhiisinkoodii ay joogeen bishii January ee sannadkan.

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee shalay baahiyay in Cabdiweli Gaas uu ergayga Qaramada Midoobay iyo dalalka IGAD ee gobalka ku qanciyay in dawladda Somaliland tahay cidda gardarada wada, waxaanu wargeysku sheegay in Puntland ay ka dheeraysay diblomaasiyadda wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa dhawaan isu maray dalalka gobalka ee IGAD si uu ugala hadlo sida loo joojin karo dagaal dambe oo ka dhex qarxa labada dhinac, laakiin waxa dedaaladiisa caqabad ku noqday madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dalalka gobalka iyo Qaramada Midoobay ayaa doonaya in marka hore dagaalada lagu joojiyo bilaa shuruud islamarkaana la isu celiyo maxaabiista dagaal ee lagu qabtay dagaaladii Tukoraq, kuwaas oo u badan maxaabiis ay Somaliland ka qabatay maleeshiyaadka Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here