Qanjo Xanuunka, Heerkulka Sare, Hurdo Xumada, Iyo Sigaarka Jimicsi La’aantu Waxa Ay Daciifiyaan Xusuusta

45
5137

Hargeysa (Geeska)- Xusuusta oo daciifta, illowga badan ama maahsanaanta maskaxdu waxa ay ka mid yihiin xaalado dad badani ka cawdaan, lagana yaabo in qof kasta uu isku arko, mar keliya oo noloshiisa ka mid ahna ha noqoto ee. Waxaa dhacda in aynu weyno shay aynu doonayno, laakiin meel aynu dhignay aynu xasuusan kari weynay, in aynu illowno hawl iyo waajibaad inoo yaallay, ama mararka qaarkood in illowgeenu uu gaadho dadka innagu xeeran ama xidhiidhku innaga dhexeeyo.

Qoraalkan waxa aynu ku so oqaadanaynaa tiro ka mid ah sababaha ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay yihiin kuwa ugu badan ee saamaynta taban ku yeesha xusuusta.

  1. Qanjo xanuun

Khalkhal ku yimaadda shaqada qanjidhka dhuunta ku yaalla ee Tayroodhka loo yaqaanno ayaa qofka ku keenta xummad, jidhidhico iyo in uu qofku galo xaalad nafsiya oo tusaale ahaan warwar, sakati iyo cabsi aanu garanayn sababteeda, gaadhina karta heer niyadjab iyo qulub uu qofku isku arko. Markaas ayaa ay qofka ku bilaabataa in ay xasuustiisu daciifto. Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in qofku uu sida ugu dhaqsaha badan u daweeyo qanjo xanuunka.

  1. Heerkulka

Marka uu heerkulku bato, waxaa kordha dhiigga ku burqanaya maskaxda, waxa aanu saamayn ku yeeshaa shaqada maskaxda, gaar ahaan awoodda fikir iyo xusuuseed. Nasiibwanaag, dhiiggaas badan ee maskaxda gaadhayaa wax dhaawac ah oo weyn kuma keeno. Waxa uu qofku dib u soo ceshadaa awooddiisii xasuuseed marka uu kulaylku yaraado ama dhammaado.

  1. Hurdo xumo ama hurdo yaraan

Dadka aan helin saacado hurdo oo ku filan, sababtu waxa ay doonto ha noqoto ee, waxa ay inta badan isku arkaan dhibaato maskaxeed oo ay ka mid yihiin illow iyo in maahsanaan badan oo maskaxdu ay ku foofto meel aanu garanayn, waxa kale oo ay isku arkaan wahsi aad u badan. Si aad xaaladahan uga badbaaddo waxaa fiican in aad goor hore seexato si aad u hesho saacado hurdo oo kugu filan.

  1. Qulubka

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa xaqiijiyey in qulubku uu raad taban ku yeesho awoodda xasuuseed ee maskaxda. Qulubka iyo murugada badani waxa ay qofka si tartiib-tartiib ah ugu keenaan khalkhal ku dhaca xidhiidhka unugyada dareen-wadayaasha. Sidaa awgeed waxa uu qofku isku arkaa illow iyo daciifnimo badan oo dhinaca maskaxda ah. nasiibwanaag xaaladdani waxa ay qofka ka tagtaa marka uu ka baxo xaaladdaas nafsiga ah ee qulubka ama murugada ahayd.

  1. Sigaarka

Sigaarku khataraha caafimaad ee uu keenaa kuma koobna dhaawaca uu gaadhsiiyo sambabada, balse waxa uu u gudbaa in uu dhaawaco maskaxda iyo awooddeeda xusuusta. Sigaarku waxa uu caqabad ku noqdaa in dhiiggu si nidaamsan oo caafimaad qabta uu ku gaadho maskaxda, taas oo sababta khalkhal ku yimaadda laba shaqo oo muhiim ah oo ay maskaxdu qabato; waa isku-dubaridka, iyo gudbinta xogta.

  1. Jimicsi la’aan

Jimicsigu waxa uu u fiican yahay caafimaadka jidhka, maskaxda, iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka oo uu wanaajiyo. Waxa uu wanaajiyaa hurdada iyo dabeecadda waxa aanu xoojiyaa xusuusta qofka.

  1. Faytamiin yaraanta

Faytamiinka iyo macdanaha kale ee uu jidhku u baahan yahay, haddii ay yaraadaan waxa ay saamayn taban ku yeeshaan awoodda fikir iyo xusuuseed ee maskaxda, waxa aana ku adkaata in ay dib u soo celiso macluumaadkii ku kaydsanaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here