Qalinkaa Wax Suureeye

9
1160

 

Iimaanka iyo Nolosha

Wq: Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashiir qsuureeya@yahoo.com

 

Ujeeddada nolosha iyo qaabka loo noolaado waxa looga dhigaa aasaas in uu jiro wax nooluhu rumeysan yahay, rumeyntaas ayaa hagta, hanuunisa, tubta toosana u horseeda noolaha garaadka leh, waxaa dhabnimadeeda la gaadhaa wakhti ka mid ah wakhtiyada nolosha waxaana lagu magacaabaa IIMAAN.

Si aan u abbaarno ujeeddada aan u socono, Iska ilow nolosha maanta, ka soo qaad waxba kama jiraan hugunka aad maqlayso, hummaaga aad sawiranayso, muuqaalada aad arkeyso … iska yeel in aad hadda uun is haleeshay, aragtay adiga oo bar aanad hore u arag jooga, waa adduunka oo aad ku cusub tahay,ka dib is waydii waxa kula gudboon inaad fasho.

 

Waa marag ma doonto in waxa ugu horeeya ee aad dareemaysaa yahay xal u helidea su’aasha ka imanaysa falgalka ka dhex aloosma adduunka iyo adiga; jidh ahaan iyo naf ahaan labadaba, jidhku waxa uu jawaab deg deg ah u rabaa wax uu kaga maarmo gaajada, haraadka, kulka, dhaxanta … naftuna waxay jawaab u rabtaa wixii ka celin lahaa culeyska ka saran inay si taban u fekerto, iimaanka saxa ahna baal marto.

 

Way fududahay in baahida aad la wadaagto mayeedhaanka aad maareysaa, haddii aanad taas ku ladhin qancinta hankaaga iimaaneed waxa aad u raacaysaa xallinta baahidaas idin kulmisa nooleyaasha kale hab aan ka duwanayn sida Aarku ula dhaqmo Duurjoogta kale, taasi waxay jideynaysaa in loo wada noolaado sida mayeedhaanka, xeerka duurjoogtana lagu dhaqmo.

 

Si hadaba aad uga duwanaato noolaha kale ee aad ka mudan tahay caqliga, waxa haboon in aad is waydiiso miyaanay naftu u baahneyn xidhe?, majaraha nolosha qofka miyaanu jiheyn waxa uu rumeysan yahay?, ma tahay suurogal in aad yeelato yool adiga oo aan iimaan lahayn?, marka aad raadinayso su’aalahaas jawaabtooda waxa aad is waydiinaysaa ma waxa aad rumeynaysaa wax aad adigu jiritaankiisa sabab u tahay mise waxa jira, waxyaabaha jira laftoodu waxa ay u qaybsamaan wax dhigaalkaa ah ama kaa liita oo la jirsiiyey (la abuuray) sida adiga laguu abuuray iyo wax isagu u ah sabab jiridda iyo unkinta uunka iyo uumanaha intaba.

 

Sida aan ku hayno tijaabadda iyo geedi socodka  nolosha waxa aan qireynaa in baahida nololeed ee ugu muhiimsan ay tahay ta quudinaysa nafta kuna abqaalaysa iimaan iyo rumeyn sax ah, taasoo aan ka dareemi karno dad badan oo adduunka inooga soo horeeyey, ha ahaadaan kuwo samada fariimo looga soo dhiibay ama kuwo kale oo isku dayey inay su’aashaas iyo baahidaas jawaab u helaan laakiin aan ku guuleysan, lana waafajin. Waxa caqli walba oo si caadi ah u fekerayaa garan karaa in ay jirto cid ka danbeysa oo sabab quman u ah abuurkan, ciddaasina ay tahay mid u qalanta in la wayneeyo isla markaana fariimaha laga helaayo la raaco sida ay u yaalaana loo fuliyo.

 

Wanaaga qofku haleelo ee daboola baahida nafta iyo jidhka waxa asal u ah samada, haddii aad is waydiiso hebel akhlaaqdiisu waa side? Jawaabta ugu qumanaan kartaa waa inaad ku jawaabtaa akhlaaqdiisu aad ayey u sareysa haddii ay fiican tahay ama aad ayey u hooseysa haddii aanay fiicanayn, bal is waydii sababta loogu tiiriyey akhlaaqda fiican meel sare, ma aha jawaab si caadi ah isaga timi, waa mid ku ladhan ama ku lammaan garaadka qofnimo ee dadka iyo abuurka wanaagsan, kaas oo u waxyoonaaya in wanaagu leeyahay sifo kor ah; dareen ahaan iyo macne ahaan labadaba. Sidoo kale kaabeyaasha baahida ay wadaagaan qofka iyo noolaha kale waxa sabab quman ama dadban u ah intooda badan dhibicda roobka, falaadha qoraxda ama foodhida dabaysha oo intuba inaga sareeyaan.

 

Islaamku aasaas ayuu ka dhigay iimaanka, waana jiheeyaha nolosha, isaga ayaa asal u ah doonida iyo diidmada ka soo go’da hanka qofka, waa halka ay ka bilaabanto masuuliyadda noloshu midhaheedana la gurto marka la soo gebagebeeyo geeddi socodka adduunka laguna negaado cidhibta danbe ee ah “waaridda aan dhammaan”.

Waxa aad muhiim u ah in aan tilmaano iimaanku sida uu xorriyadda ugu dhisan yahay, qofku waxa uu rumeynaayo xor ayuu u yahay, waxaana taas xaq u siiyey uumihiisa, laakiin marka uu haleelo iimaanka saxa ah “islaamka” ma jirto xorriyad siinaysa inuu ka noqdaa, sababtu waxay u noqonaysaa iyada oo la wafaajiyey jidkii saxa ahaa ka noqoshadeeduna waxay keensanaysaa ciqaab, intaas waxa dheer in rumeynta iimaankaas saxa ah uu leeyahay  masuuliyad iyo xisaab aan u ogolaanayn in qofku isaga oo gaadhay wanaaggii ugu sareeyey uu dib ugu laabto iimaan la’aan.

 

Xorriyadda doorashada iimaanku waa mid tilmaamaysa caddalada aasaaska nolosha, abaal marinta ka danbeysaana hadday tahay wanaajin ama ciqaab waa mid adkaynaysa caddaaladaasi sida ay u tahay caddaalad samada ka timi oo sax ah.

 

Iimaanku waa tiirka ugu mihiimsan dhaqdhaqaaqa nolosha, isaga ayaa lagu dhisaa mabda’a wadanoolaanshaha, colaadda, nabadda, dhaqanka, dhaqaalaha, aqoonta, suugaanta,… waxaana hoos yimaada dhammaan qaybaha nolosha ee kala duwan, kuwaas oo haddii jiheeyaha iimaanku ka maqan yahay ku danbeynaaya cidhib xumo.

 Waajibka iyo ujeedda ugu weyn ee iimaanka lagu fuliyaa waa CADDAALAD; Caddaalad loo sameeyo Nafta, Baniiaadamka (Muslim iyo Gaal), Mayeedhaanka, Degaanka iyo dhammaan wax walba oo jooga UUNKA.

Comments are closed.