Qalinkaa Wax Suureeye 4

1
1322

Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashiir

 

Qalinka iyo Aqoonta

Qalinka, garaadka banii’aadamka iyo nolosha falgal ka dhex sameysma ayey aqoontu ka unkantaa,  kuwaas  ayaa aasaas iyo isir u ah dhaxalka aqooneed ee jira, aqoonta la gaadhay marka loo eego awoodda garashada qofka laguma tilmaami karo wax weyn, laakiin hadana way mudan tahay in lagu faano, aqoontaasi waxay ka bilaabantaa garashada aasaaska iimaanka iyo raacitaankiisa waxayna ku biyo shubantaa waxa ugu yar ee noloshu u baahan tahay.

Qaybta ugu muhiimsan aqoontu waa ta ku garansiisa ujeeddada aad u nooshahay, garashadaas waxa ay ina gayeysiinaysaa in aan si quman uga fekerno barnaamaj nololeed oo ku saleysan aqoon hufan oo isu miisaamaya haqab tirka baahiyaha nolosha ee keli iyo wadar ahaanba loo baahan yahay, aqoontaasi waa ta miisaanka u ah dhammaan wax soo saarka, dhaxalka maskaxda iyo muruqa. kuwaas oo ka asal qaadanaaya tilmaamaha iimaanka wanaagsan ee isku xidhaaya abuurka iyo abuuraha.

 

Marka laga yimaado qaybtaas aqooneed ee u xil saaran hagida guud ee nolosha, waxa jirta oo muhiim ah aqoonta lagula noolaado deegaanka, taasoo ka hawlgasha sidii banii’adamku uu ugu qaadan lahaa adduunka nolol dhib yar, uga badbaadi lahaa aafooyinka kala duwan ee ay ka mid yihiin cudurada, gaajada, duufaanada … uga faa’iideysan lahaa awoodaha lagu abuuray ee u sahlaaya inuu si xikmad iyo ilaalin ku jirto uga midho dhaliyo hantidan hoganaysa dhulka, badaha iyo samada ee la isugu qoofalay.

 

In la haleelo aqoontaas lagu maalaayo adduunka ma aha mid fudud oo samada qofka kaga soo degta, waa mid u baahan doonid iyo kas dul badan oo aan libiqsiga aqoon, haddii aan tusaale u soo qaadano dadka maanta aqoonta noocan ah ku horumaray waxaynu arkaynaa in ay siiyeen hankoodii iyo wakhtigoodii sidii ay u gaadhi lahaayeen waxa ay calaamadsadeen in ay gaadhaan, waxa taas sii rumeynaaya in dadyow badan iyo ilbaxnimooyin hore oo taariikhdooda aan akhrino aan ku aragnay in ay si xilksanimo leh uga run sheegayeen raadinta aqoonta iyo xallinta suuldaarooyinka nolosha ee ka hortaagnaa inay gaadhaan halkii ay higsanayeen.

 

Faraq iyo faalal wayn ayaa u dhaxeeya ummad wax u baranaysa inay ka mudnaato ummadaha kale, ku soo kordhiso adduunka hab cusub oo loo noolaado, xal u hesho dhibaato taagan sida cudur daaweyntii oo kale, u xusul duubto in ay yeelato awood ay ku muquuniso dhiggeed, … iyo ummad wax u barata in ay warqad qaadato si ay adeege qiimo jaban ugu noqoto dhiggeed, hanti u yeelato si ay u iibsato wax soo saarka ummadaha kale, ku niyad samaato in laga awood waynaado, faraxeeda iyo faankeeduna yahay waxtar dhaqaale iyo caafimaad oo badan ayaa lanoogu yaboohay sannnadkii tegay!!!

 

Ummadaha aqoonta leh haddii uu ka maqan yahay iimaan saxa oo hagaa, aqoontooduna ay ka aradan-tahay dhaqan wanaagsan waxa ay u soo hoynayaan adduunka dhibaato aad u culus, sabatu waxa ay tahay in haddiiba aqoontii aanay lahayn labadaas tiir oo ah kuwa huwiya aqoonta huga naxariista iyo nolosha, waxa loo adeegsanayaa dhinaca khaldan waxaana ay abuuraysaa cidhib xumo jiitanta iyo tusaale lama ilaawaan ah oo la iska dhaxlo, kuwaas oo aan taariikhda nolosha ee dheer iyo ta dhowba aan ku hayno, bal is waydii sannadihii u danbeeyey adduunka waxa dad dagaal ku dhintay, dhaqaale burbur ku dhacay … ma waxaad u malaynaysaa inay si caadi ah isaga dhaceen aafooyinkaasi?!!!

 

Aqoontu waa waxyaabaha ugu badan ee maanta caddaalad la’aantu ay ka jirto, waa xaqiiqo in wax gaadhistiisa loo soo maray waddooyin aanad adigu diyaar u ahayn aan si sahlan laguu siinayn, waxaa xaqiiqo ah in aan marnaba laguu ogolayn noocyo badan oo aqoonta ah in aad hesho fureyaasheeda, laakiin ma is waydiinay maxaa iga hor taagan in aan dedaalo oo aan dhaafo halka ay gaadheen? Jawaabtu waxa ay tahay  in aanay jirin cid kaa hor taagan oo aan adiga iyo damac la’aantada ahayn.  

 

Aqoon la’aantu waa taas keentay in maanta uu ahaado qalinku waxa ugu qiimaha yar ee la gato, qoraalku ahaado hawsha ugu yar ee la qabto, akhrisku ahaado waxa ugu badan ee aan la jeclaysan, waa taas keentay in dan-wadaagnimadu ahaato waxa ugu danbeeya ee laga fekero, keli noolaanshuhuna waxa ugu horeeya ee loo dedaalo, waa taas keentay in meelihii aqoonta laga baran lahaa noqdaan kuwo muran iyo mugdi ragaadiyey, waa taas bulshada gayeysiisyey iyada oo aan garanayno casriga iyo taariikhda la nool yahay qaylo dhaan joogto ah oo ku saleysan  biyo la’aan, dalag la’aan iyo dawo la’aan.!!!

 

 Ujeeddadu waxa ay ku xaddidan tahay qalinka iyo garashadu waxay dhalinayaan aqoon, aqoontaas waxa aasaas u noqonaaya Iimaan, markaas ayaad hadhsan kartaa damal aad ku nageyso uumanaha , dantiisana ku raadiso wanaag , sama talin iyo naxariis,  haddiiba hanka qalooca ee qofku uu qaadan waayo wanaagaas abaal marinta ciqaabeed ee aad marinaysaa waxay dhaxalsiisaa waa naxariis; naxariis jiritaanka ummadda sugaysa oo ku ilaalinaysa wanaag iyo isagana dembi dhaaf iyo saamaxaad u noqonaysa.

 

Hal ku dhig Soomaaliyeed oo run badan ayaa odhanaaya Aqoon la’aan waa Iftiin la’aan, duruufaha noloshu waa mugdi iftiinkii lagu dhaafi lahaana waa QALINKA IYO AQOONTA.

 

qsuureeya@live.com

 

 

 

 

Comments are closed.