Qalinkaa Wax Suureeya 9

0
1042

 

DEGANAANSHAHA

Degenaanshuhu waa udub-dhexaadka horumarka bulsho walba oo adduunka ku nool, waa kan abuura in lagu fekero beri iyo sida wax u dhacayaan, waxa uu ka yeelaa dadka inay higsadaan hab nololeed oo ka fiican kan ay maanta joogaan, waxa uu fududeeyaa sidii jawaabo ku haboon loogu heli lahaa hal-xidhaaleyaasha nolosha ee qofka iyo bulshadaba ka hor imanaaya, waxaynu ku tilmaami karnaa inuu yahay gunta ay ka soo bilaabanto nolol u jiheysa uumanuhu inuu si samo ah u maareeyo adduunka.

Saddex arrimood ayaa saldhig u ah helitaanka degenaanshaha kuwaas oo kala ah:

Nabadgelyada:

Waxa aan filayaa in erayga nabadgelyadu u baahnayn in loo sharxo qof Soomaali ah, carruur iyo ciroole isku si ayaa loo garanayaa, waana wax ku lammaanaaday nolosha Soomaaliyeed muddo aan yareyn.

Ka warran haddii aad habeenba meel ku barido, ama aad saldhigi waydo, noloshu siday noqonaysaa haddii aad gasho safar aan joogsi lahayn, siduu u ekaanaya qof  hiyi kacsan, baqaya oo aan garanayn meesha laga xigo, adiga oo jooga baradaada ka waran hadii aanad niyada ka deganayn, maskax iyo muruq fayow ma yeelan kartaa haddii aad tahay mid  u taagan qax iyo barakac joogto ah.

Nolosha ayey ka mid tahay in aad u adkaysato dhib walba haddiiba ay jirto ififaalo ah in aad u socoto natiijo aad hananayso, laakiin ka waran haddii jiheeyuhu  kaaga lumo badweyn mawjado badan, xaalkaagu siduu noqon karaa, ma waxa ay tahay in aad ku fekerto arrinka ugu fudud ee aad samayn karto oo ah in aad is dhiibto, mise waxa aad isku deyaysaa in aad samayso waxa ugu suurogalsan ee keeni kara in aad jihayso badbaadada.

Amminta la daadufeeyo in aad u noolaato sida aad u doonayso nolosha, lagugu dirqiyo wax aanad isir iyo sumad u lahayn, la deldelo caddaladda mudan in uunka lagu xaqsooro, waa marag ma doonto in aad nabada gebi dheer ka tuurayso, laakiin doorashada xaaladaas waa dariiq aad rabto in aad ku asteyso sidii aad u jirsiin lahayd nabadgelyo waarta oo aad ku qotomiso aragtidaada nolosha ee gaarka kuu ah.

Waxyaabaha ugu badan ee maanta lagu mashquuliyo bulshada la rabo in aanay laabta dhulka ka qaadin si looga faa’iideysto dhulkooda iyo dhaqaalahooda waxa loo horseedaa sidii ay u qaadi laahaayeen jid ku hanuuniya nabadgelyo la’aan, jidkaas waxa uu horsed ka noqdaa in dhammaan dhaqankii iyo dhaqaalihii bulshadaasi lahayd burburo, higsigii iyo hankoodiina maalinba maalinta ka danbeyso soo gaabto kuna soo ururo aminta ay joogaan iyo wxii mari lahaa dalqadooda amintaas.

Caafimaadka

Walaxda labaad ee degaanshaha aasaaska u ah waa caafimaad, caafimaad maskaxda ah oo aqoontu hageyso iyo mid jidhka ah oo hanka wanaagsani majaraha u hayo muruqiisa, marka ay lamaanaha maskaxda iyo muruqa oo caafimaad qabaa si wanaagsan u wada dhacdo jaantoodu ayaa lagu tilmaamaa qofku inuu caafimaad qabo.

Ma faafinayno sir qarsoon haddiiba aan tilmaano in dagaaladda ugu waaweyn ee adduunka ka socda ay ugu muhiimsan yihiin in caafimaadka iyo korida maskaxda la iska naafeeyo, taasoo loo maraayo in aan aqoonta la isu ogolaan iyo in bulshooyin nadiif ah dhexdooda lagu faafiyo waxyaabo dhalan gediya maskaxda sida maandooriyaha iyo kuwo wiiqa muruqooda sida cudurada.

Dhaqaalaha

Dhaqaalaha waxa aan ula jeednaa waa waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada, kuwaas oo la’aantood nabadgelyadu faraha ka baxayso. Haddii bulshadu ay ka aradan tahay wixii ay ku dabooli lahayd baahideeda dhaqaale ee lama dhaafaanka ah way ku adkaanaysaa in ay si caafimaad qabta u noolaato, mana heli karto nabadgelyo iyo ammaan horseed ka noqdo nolol leh degenaansho lagu hirto.

Dhaqaaluhu waa  gun-dhigga is bedelo siyaasadeed oo hore adduunka uga dhacay, kuwo hadda socda iyo kuwo kale oo ifafaalahoodii soo muuqdo, waa kan sababa marar badan in bulshooyin aan ab iyo isir lahayni isku raacaan hunguri inskuna dhaarsadaan sidii ay dantaas u wada ilaashan lahaayeen cidii ka hor timaadana cagta u marin lahaayeen.

Bulsho haddii aanay haysan nabadgelyo, caafimaad xagga maskaxda iyo muruqa ah iyo dhaqaale xal u noqdo baahidooda aasaasiga ah way hurran tahay inay u xusul duubto sidii ay u heli lahayd saddexdaas hal oo horseed u ah jirideeda, waxaase taas ka muhiimsan in ay garato waxa halkaas dhigay inay iyadu sabab toos ah u tahay, waxa keliya ee ay kaga bixi kartaana yahay isbedel ay ku sameyso sida ay u aragto nolosha iyo agabka ay u isticmaalayso xal u raadinta dhibaatooyinka nolosha iyo noolaha.

Bulsho walba degenaanshaheedu waxa uu ku jiraa GACANTEEDA, degenaansho la’aantuna waxa ay ku jirtaa GACANTEEDA, labadaas xaaladoodna iyada ayuun baa kala dooran karta.

qsuureeya@live.com

 Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir