Qalinkaa Wax Suureeya 11

1
1332

 

Hal-abuurka iyo Nolosha 1

Waayaha noloshu wuu badan yahay, hab-dhac lamaane ah ayuu u sameysan yahay; lab iyo dhedig, dhib iyo dheef, aqoon iyo jahli, wanaag iyo xumaan, farxad iyo naxdin, barwaaqo iyo abaar, caddaalad iyo dulmi, cir iyo dhul, bad iyo berri, iwm. Dhammaan lamaaneyaashaas aan tilmaanay iyo kuwo badan oo la mid ahi waa  is hurran yihiin, inay dhalaan dheef ama ay keenaan dhib waxa sababa marba sida loo agaasimo falgalkooda; haddiiba wanaag iyo hab waafaqsan tubta saxda ah ee noloshu ku tamariso loo maro agaasinkooda waxa laga dheefaa wanaag haddii kalena waxa laga helaa dhibaato qaadata muddo in dib looga soo doogo.

Lamaaneyaashaas ku tilmaaman nolosha adduunka waxa si ka qaab duwan ay ugu sugan yihiin noole walba laftiisa, tusaale ahaan haddii aan dhugano banii’aadamka waxa aad ku arkaysaa lamaaneyaal ka muuqda noloshiisa oo uu uga jawaabo dareen iyo fal ahaan labadaba, waxa uu dareemaa qofku baahi uu qabo inuu xal u helo waxaanu fal ahaan u guda gala inuu is baahi tiro; aqoon darro ayuu gartaa inuu ku jiro waxaana uu bilaabaa fal uu ku kasbanaayo cilmi iyo aqoon, cimilada ayuu ka cawdaa waxaana uu ku dhaqaaqaa fal uu kaga celinaayo jidhkiisa dhibta cimilo ee haleeshay, harraad ayuu dareemaa waxaana uu bilaabaa inuu kaga jawaabo fal biyo raadin ah, ammaan xumo ayuu arkaa inuu gondaha la galay waxaana uu falanqeeyaa falkii uu kaga gudbi lahaa, taran ayuu jeclaadaa inuu helo waxaanu u dhisaa naftiisa falkii uu dariiqaas ku gaadhi lahaa, tamar iyo xoog-wadaag ayuu arkaa in hawlo badani uga baahan yihiin waxaanu guda gala falkii uu cudud barbar taagan ku heli lahaa …

Hadaba, is waafajinta lamaaneyaashaasi ma aha mid iska timaada ama qiime jaban lagu helo, waxa ay u baahan tahay aqoon, khibrad iyo garasho. Saddexdaas walxood oo isu tagay ayaa waxa ka dhasha waxa loo yaqaan HAL-ABUUR, kaas ayaana kow iyo bilow u ah sidii loo heli lahaa habka ugu wanaagsan ee ay u wada fal gelayaan lamaaneyaasha noloshu si ay ugu horseedaan adduunka nadab, dalag, aqoon iyo xal lagu negaado oo aasaaskiisu iimaan ku dhisan yahay.

Hal-abuurka marka la soo hadal qaado dadka intiisa badani waxay ula kacaan xagga Suugaanta iyo Madadaaladda! Waa run in xaggaas lafteedu ay u baahan tahay hal-abuurka, waase xagga in badan awooddeena qof iyo bulshoba ay wakhti iyo curin badan siisay, waxaase marag ma doonto ah in dhammaan qaybaha nolosha ee aan tilmaanay u baahan yihiin hal-abuur loo curiyo si loo helo sirta ugu wanaagsan ee qofka iyo bulshaduba ugu noolaan karaan iyaga oo gutay waajibkii kaga beegnaa nolosha uguna simi karaan da’da soo daba socota ee kala wareegaysa geeddi socodsiinta waayaha nolosha.

Si noloshu macne la garan karo u yeelato, hadday tahay macaan iyo hadday tahay qadhaadhba, waa in la fahmaa hal xidhaalaha ku xardhan ee noolaha ka sugaaya inuu adeegsado garaadkiisa iyo wakhtigiisa si uu uga guuleysto nolosha una garto dabinkii uu ku soo xidhi lahaa dhinacyadeeda kala tagsan ee u baahan tabo suura gelin kara is dhexgal faa’iido u noqda noolaha iyo nolosha.

Siyaasadda iyo habka maamul ee bulshadu u wada noolaanaysaa waxa uu u baahan yahay hal-abuur, habka ay u daryeelayso bulshadu dhaqaalaheeda iyo ganacsiga qaybihiisa kala duwan waxa uu  u baahan yahay hal-abuur, qaabka ay u sugayso ammaankeeda ulana dhaqmayso cadowgeeda waxa uu u baahan yahay hal-abuur, sidii ay u ilaalin lahayd dhaqankeeda iyo anshaxeedu waxa uu u baahan yahay hal-abuur, korinta aqoonta iyo curinta higsiga cilmiga aan kala go’a lahayni waxa uu u baahan yahay hal-abuur, laylinta qofkii ka soo bixi lahaa waajibkiisa qofnimo, qoysnimo iyo qaranimo waxa ay u baahan tahay hal-abuur.

Hal-abuurku nolosha waa kan u sameeya macnaha, waxa uu kelifaa in si run ku jirto aad isu waydiiso su’aalo dhab ah oo xidhiidh toos ah la leh xaaladihii aad soo martay, kuwa aad hadda nooshahay iyo ujeeddada aad ka leedahay mustaqbalkaaga, kuwaas oo marka aad iska xorayso waxayaabaha ku abuurma xamaasada ama go’aanno hore oo aan u sameysmin si cilmi ah sabab u noqdo in aad cagta saarto dhabadii saxda ahayd ee kuu sahlaysay in aad si wanaag iyo aqoon ku jirto aad u qaado xilka nolosha iyo in aad  xilkaas wareejintiisa u gudato si haboon wakhtiga ay timaado.

UMMAD walba iyo HAL-ABUURKEEDA waxa laga gartaa NOLOSHEEDA, QOF aan HAL-ABUUR lahaynina ma sameyn karo UMMAD HAL-ABUUR leh.

qsuureeya@live.com

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

Comments are closed.