Qalinkaa Wax Suureeya 7

1
1238

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

Soonka iyo Xoriyadda

 

Xoriyaddu, waa kelmad aad uga muuqata nolosha qofka ee gaarka ah iyo tan guudba, dhadhan aad u fiican ayey u leedahay bulshada heerarkeeda kala duwan, waa sallaan loo fuulo danta qofka iyo tan dadweynaha, waxa sabab iyo asal looga dhigaa go’aano gaar ahaan qofku u qaato iyo kuwo wadar ahaaneed, waxa loo isticmaalaa nolol, dhagar, jiritaan … waxaana darteed loo gala geeddi iyo hayaan dheer oo ku gayeysiiya nolol lagu nasto oo lagu negaado.

Ma is waydiisay weligaa in aad XOR tahay? Mase taqaanaa cidda ugu mudan ee laga XOROOBO?

Jawaabta labadaas su’aalood waxa ay u yihiin hordhac in qofku noqdo mid jira bulshaduna noqoto bulsho jirta oo xor ah. Hadaba inta ayanaan ka jawaabin su’aashaas malaha waxa haboon in aan is waydiino waa maxay Xoriyaddu?

Xoriyaddu waa inaad ugu taliso naftaada si same ah adiga oo aan cid ku xadgudbayn, cidna ka haybadaysanayn ulana jaan qaado waayahay nolosha si xikmad iyo faa’iido leh, naftaada iyo bulshadana aad u horseedo wada noolaansho ku dhisan caddaalad.

Talaabada koowaad ee loo maro xoriyaddu waa in aad garataa xaaladda aad ku sugan tahay, in aad qof xor ah tahay iyo in aanad ahayn, si aad u gaadho xaqiiqada arrinkan waxa aad ka qiyaasi kartaa in hankaaga wanaagsan uu yahay kan hogaamiya naftaada iyo in kale, haddiiba aanad lahayn han iyo himilo wanaagsan oo aad ku hagto falka aad sameynayso iyo jiritaanka qofnimadaada, noloshaaduna ay tahay mid ka asal qaadata odhaahda ah ISKA NOOLOW, waxa aad hoosta ka xariiqdaa in aanad haysan xoriyad weliba aad culeys ku tahay dhulka aad ku dul soconayso, ayna fiicnaan lahayd in aad fududeyso oo cid xor ah aad uga dhaqaaqdo.

 

Waxa ugu mudan ee laga xoroobaa waa dhambaalada qalooca ee qofku isfaro, taas oo si joogto ah uga timaada qofka laftiisa, asaas khalad ku dhisana u dejisa sida uu u qiimeynaayo waxyaabaha ku hareeraysan oo dhan, qiimayntaas khaldan waxa ay gayeysiisaa inuu qaato go’aamo aan sax ahayn oo uu kaga jawaabaayo su’aalaha ka imanaaya nolosha, taasna waxa ka dhasha burbur iyo baab’a uu u horseedo naftiisa una gudbiyo kuleylkeeda bulshada inteeda kale.

 

Qofka xorta ah waa mid is garanaya, wuu uu yaqaan waxa uu gudo iyo waxa uu galo, wuu ka adag yahay naftiisa, waxa uu qaadan karaa go’aamo xanuun badan laakiin maslaxadiisa ah, waa kan is waafajin kara dantiisa gaarka ah iyo tan guud, awood ayuu u leeyahay inuu u diido naftiisa faa’iido uu gaar u heli lahaa isaga oo ka door bidaaya faa’iidada wadar ahaan loo helaayo, wuu garanayaa shalay wuxuu soo maray, wuxuu ka faa’iideysanayaa khaldkii uu galay, maanta halka uu taagan yahay si wacan ayuu u fahansan yahay, way u tilmaaman tahay waxa amintan uu jooga ay ka mudan yihiin naftiisa, bulshada iyo uunkuba,  kuma mashquulsana xaaladda hadda uu joogo oo keliya laakiin waxa uu u sii meel dayanayaa berri halkii uu is taagi lahaa iyo samihii uu u horseedi lahaa adduunka oo dhan.

 

Waxa aynu halkaa ka arkaynaa in waxa ugu mudan ee sabab u noqda in qofka uu XOR ahaadaa ay tahay inuu yeesho garasho uu samaha ku tilmaansado, feejignaan uu xumaanta naftu amrayso kaga gaashaanto iyo go’aan fulineed oo uu ku qaato siduu u hanan lahaa doodda naftiisa dhex maraysa uguna hagaajin lahaa dariiqa toosan, hadaba SOONKU waa cibaadooyinka ugu muhiimsan ee ku barbaariya qofka inuu gaadho heerkaas.

 

SOONKU qofka waxa uu ku tababaraa inuu ka gacan sareeyo waxyaabaha uu doonaayo jidhkiisu, tusaale ahaan xilliyada aad ku jirto gudashada cibaadadan waxa uu gaadhaa qofku heer mararka qaarkood uu dareemo baahi aad u badan oo uu u qabo biyo, laakiin waxa ka hor joogsada IIMAAN-ka ku kelifay soonka, taasi waxay daliil cad u tahay in aan leenahay awood aan kaga xoroobi karno yeedhmada aan danta inoo ahayn ee aan ka helayno nafteena, waxaanay ku dayasho u noqonaysa in la baal mari  karo waxyaabaha nafteenu jeclaysanayso ee ka fog maslaxadeeda.

 

SOONKU waxa uu inagu tababaraa sida cibaadooyin kale oo badan in danwadaag-nimadu udub dhexaad u tahay nolosha, waxa uu inagu barbaariyaa dareen wada jir ah oo ina tusaaya baahida iyo dhibta ay leedahay si aan ugu wada fekerno in aan wadaagno dareenka xalka u noqon lahaa in baahidaas si wadareed loo soo afjaro, waxa uu inoo horseedaa farxad wadareed ina inagu dhiiri gelinaysa in aan u hanano dheefta iyo dhibka aan adduunka kala kulmayno si wada jir ah.

 

QOFKU waxa uu XOR yahay marka uu wanaag ku jareeyo naftiisa, BULSHADUNA waxay XOR tahay markay DANTEEDA ka run sheegto.        

 

 

 

qsuureeya@live.com

 

 

Comments are closed.