Qalinkaa Wax Suureeya 18

0
1546

Qalinkaa Wax Suureeya   18

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

 

Qoraalkeena maanta aan ku bilaabo su’aal u baahan jawaab: Waa maxay taariikhda maanta ina hor taalaa?

 

Waxa dhici karta in jawaabta su’aashan siyaabo kala duwan looga jawaabo, waa suurogal inay sawir fiican ka bixiso qof walba iyo garaadkiisa, waxa laga yaabaa in buugaag badan laga qori karo, waxaana la arki karaa in dadka qaarkood ay jawaab u waayaan, waa nin walba iyo sida uu wax u qiimeynaayo iyo xaglaha uu ka eegaayo, waxa door ku leh aqoonta, waayo-aragnimada iyo murtida ku ladhan qof walba oo jawaabteeda raadinaaya.

 

Jawaabta su’aashani waa furaha ina siinaaya garashada nafteena iyo nolosheena, waa kan inoo sahlaaya la dhaqanka waayaheena iyo wadeecooyinkeena, waxa aan ku furfureynaa suryooyin aad loo adkeeyey oo aan ka maarmeyn garasho qoto dheer oo samirku sahaydeeda yahay, kuwaas oo waxyaabaha astaanta u ah ugu mudan yihiin arrimahan hoos ku sheegan:

 

Dhaqanka:Adduunka maanta waxa gabaabsi ku ah dhaqankii suubanaa, hadday tahay ku dhaqan diineed iyo hadday tahay fulinta dhaqan suuban oo ka run sheegaaya qofnimada banii’aadamka, bulshooyin badan oo ku faana inay xorriyadda horseed ka yihiin waa kuwa dhibta iyo dib udhaca ugu badan ugu ba’an soo gaadhsiiyey adduunka, waxayna mar walba sii horumariyaan dhaqamo horseed ka noqda duudsi iyo deelqaaf. Dhaqan xumaad guud waxa wehelisa mid gaar oo bulsho walba sideeda u haleeshay, taas oo ka lumisay xurmadii iyo anshixii ay huwanayd,

 

Dhaqaalaha:Waxa muuqata in falsafada aasaaska u ah dhaqaalaha adduunka maanta ay dhibaato weyn haysato, in badan way muuqatay in ay dhaxal aan la bogaadin ay u horseedyso bulshooyinka adeegsada iyo kuwa kaleba, waxaase aad muhiim u ah in aan tilmaamo in hoggaanka siyaasadeed ee dhab ahaan caalamka taariikhdan la joogaa yahay mid ku saleysan dhaqaale, dhibaato kasta oo soo gaadhaa ilaha dhaqaale ee caalamkuna waxa ay tahay is bedel siyaasadeed oo heer caalami ah, ha dheeraado wakhtigiisu ama ha dhowaado.

 

Kacdoonka Carabta:Ma aha kacdoonka waddamadda carabta ka socdaa hadda mid iska yimi sabab la’aan, waxaa dadka qaarkood tilmaamaan in fooshiisu aad u dheeraatay, waxaase hubaal ah in xaaladaha ka jiray meelaha uu ka dhacay ay sabab toos ah u ahaayeen, waxaana aad loo odorosayaa in uu waddamo kale oo badan gaadhi doono. Arrinka muhiimka ahi waxa weeye in aanu noqon kud ka guur oo qanjo u guur, taasina waa mid u taal bulsho walba iyo heerka garashadeeda iyo wacyigeedu gaadhsiisan yahay.

 

Hadaba, aan u noqdo jawaabtii su’aasheena aan ku bilownay qoraalka, Taariikhda maanta in hor taal waa mareeg dheer oo ka kooban go’aanno, dhacdooyin, iyo raad ay ka tageen dad inaga horeeyey, saami ayey ku leeyihiin bulshada maanta joogtaa, laakiin taafiisiisha taariikhdaas iyo furdaaminta natiijadii ka dhalay go’aamadeeda, dhacdooyinkeeda iyo raadkii dadkii hore ka tageenba waxa looga fadhiyaa inay xal u helaan kuwa maanta iyagu qoraaya taariikhda soo socota.

 

Waa muhiim in aad ogaataa taariikhda aad maanta joogto, ma aha magaca maalinta ama bisha iyo sannadka ama tiradooda, waxa weeye inaad garato dhacdooyinka ku horyaal sida ay u sameysmeen, ciddii sameysay, siday u fekerayeen, go’aamadii ay qaateen, waxyaabihii ku gedaanaa noloshooda ee doorka ku lahaa go’aan qaadashada iwm, taas ayaa kuu sahlaysa in aad si hufan u kala hufto burka iyo buusha isi saran adiga oo ku ladhaaya aqoontaada, waayo-aragnimadaada, ximadaada iyo u damqashada mustaqbalka.

 

Waajibka ka saran qof walba la dhaqanka taariikhda waxa uu dhigayaa sida aad u doonayso in lagugu simo taariikh nadiif ah oo bulshada dhaxal gal u noqota, taasoo aan in badan kaaga baahan inaad wakhtigaaga ku bixiso sidii aad u qodax tiri lahayd ayey u haboon tahay in aad adiguna u hawlgasho inaad kuwa kaa danbeeya aad ku wareejiso xil aad xajiintiisa yareysay si ay wakhti ugu helaan horumarka saameynta ku leh dhinacyada nolosha ee kala duwan.

 

Taariikhda maanta ku hortaal waa dhacdooyinka aad ka dhaxashay falgaladii dhacay wakhtiyadii kaa horeeyey, waana kuwa tilmaami doona qofnimadaada iyo xikmadaada.

 

 

qsuureeya@live.com