Qalinka Iyo Waayaha: Prof Yuusuf Goodir Maxamed

Published on Dec 28 2013 // Columnists, Warar

goodir

HAWEENKA IYO DOORKA NOLOSHA   Qaybtii 3aad

Qaybihii hore waxaynu ku soo bandhignay aragtidii laga haystay haweenka iyo xad gudubyaddii ay soo dhaxleen oo ilaa iyo maanta taagan, iyo weliba guulo shakhsiyaad dumar taabeen.

Haddii aynu ka eegno dhinaca Islaamka indheheenu waxay ku baahayaan wadamadda islaamka oo haweenku deelqaafyo badan kala kulmaan. Sartuna waxay ka qudhuntay iyadoo aanay jirin maamul isu taagi kara adeegsiga shareecadda Islaamka. Dhawaanahaa dalka Iiraan oo qudha ayaa ahaa dal dadkiisu u arkayeen in laga hirgeliyay hanaan islaami ah. Mar haddii sidaasi jirto Islaamka maanta jira ma bar-bar dhigi karo dimuquraadiyadda iyo dareenkeeda xuquuqeed oo shinkeedu buuxsamay. Taasna waxaa ka markhaatiya in muuqaalka xuquuqda aadamaha oo haweenkuna ku jiraan ay reer Galbeedku budh tuur u yihiin.

Aynu milicsano taariikhdii Islaamka. Sida aynu la socono Jasiiradda Carabta hablaha nolosha ayaa lagu aasi jiray, intii aan waxyigu soo degin. Waxaase nasiib wanaag ahayd in mudo kooban uu dhaqankaasi ku baaba’ay. Tusaale ahaan, waxa isa soo gaadhay Cumar Bin Khadaab oo ka tiiraanyaysan inantii uu dhalay ee uu ciida ku afgembiyay iyadoo nool iyo inan muslimad ah oo kula doodaysay in aanu xaqooda joojin karin, xiligii uu maamulka islaamka hogaaminayay. Kacaankaa yaabka leh waxaa hogaaminayay nebi Maxamed (NNKH) oo aan waxna qori jirin waxna akhriyi jirin, dadka hareero tubnaana ahaayeen badowdii Carbeed, halka reer Galbeedku halgankii xuuquuq raadiska dumarku bilaabmay dabayaaqadii qarnigii 19aad ilaa maantana uu socdo.

Dhinac marka laga eego in kacaankii Islaamku muddo yar haweenka ugu hiiliyo, marka la bar-bar dhigo ka reer Galbeedka, way yaab badan tahay, waayo, ka islaamka waxa hogaaminayay nebi Maxamed (NNKH) oo aan wax barasho rasmi ah helin. Dhinac kale marka laga eegana ma yaab badna, waayo, Islaamku waa diin ka timi Abuurihii, Caliimkii ina abuuray ee sargooyay ujeedada aynu u jiro, halka aragtida reer Galbeedka ee dimuqraadiyaddu tahay aragti aadame ka fekeray oo dhamaystiran keedu xuub dhacsi ahaa (evolution). Dhinac kale haddaynu ka eegnana xuquuqdii ka maqnayd hablihii Carbeed waxaa soo celiyay Islaamka, laakiin tii ka maqnayd hablihii reer Galbeed waxaa u sahan tegay haween is abaabulay.

Kala duwaanshaha aragtidan islaamka iyo xuquuq raadiska reer Galbeedka laba baadi sooceed ayaynu ku samayn karnaa, dharka iyo isdhexgalka. Waxaa muhiimad wayn ah in doodu aanay ahayn dhar iyo dhar la’aan ee ay tahay inta jidhka haweenka dharka la gaadhsiinayo. Aragtida kale ee isdhexgalka Islaamku wuxuu jidaynayaa in raga iyo dumarku kala soocnaadaan. Dhinaca adeega bulshadda haweenku waxay u baahan yihiin wax barasho, daryeel caafimaad iwm. Xaga shaqada Islaamku wuxxu dhiirigelinayaa in hawshaas dumar qabto.

Marka la soo uruuriyo doorka haweenka ee islaamku waa guriga. Gurijoognimadda iyo debed u baxa waxaa kulmiya dhaqaalaha. Taasina waxay la imanaysaa in Islaamku damaanad qaado nolosha gabadha muslimka ah, amaba haweenay kasta oo ku hoos nool dawladda Islaamka, diintay doonto ha haysatee. Asxaabi ayaa u yimi nebiga NNKH wuxuu waydiinayay cida ugu xaq leh. Saddex jeer oo isku xiga ayuu ku yidhi hooyadaa, markii afraadna aabahaa. Maantana, waxyaabaha la aqoonsaday waxa ka mid ah in qofka aadamiga ahi qayb ka yahay maalgashiga. Hooyaddii caruurteeda ku tabacdaa waa hubanti in ay u aayayso.

Waxaynu ka hadlaynay Islaamka iyo doorka haweenka oo aynu la beegsanay taariikhdii hore ee Islaamka, haddiise aynu soo baraarugno, maanta ma jirto hanaan shaqaynaya oo islaamiya oo aynu bar-bar dhigi karo ka reer Galbeedka. Dhinaca Islaamka bulsho ayuun baa jirta ku abtirsata, taasina waa sababta ay reer Galbeed wax inoogu sheegaan. Ma muslim is uruursaday ayaa wadamadaa si badheedh ah ugu sheega in haweenku ku dulman yihiin ciidooda; mise reer Galbeedka ayaa soo doola oo u sheega in haweenku ku dulman yihiin cariga Islaamka. Tusaale fududi, waa fircooniga, jid bay noqotay in dool laynoogu yimaado si hooyooyinka loogu sheego in hablaha yar-yari nabad gelyo helaan.   

Sidii aynu ku balan sanayn waxaynu u gudbaynaa haweenka Somaliland iyo fariinta aynu gudbinayno. Dhibaatada ugu wayn ee soo gaadhaa waa taas aynu soo sheegnay ee fircooniga, warbixino badan ayaa lagu sheegaa kufsi, iyo rag badan oo qaadku masuuliyaddii saarayd kala wareegay. Waxyaabaha aan indhaha laga qarsan karayn waxaa ka mid ah hooyo cayga, iyo af-lagaadooyin hablaha suuqa maraya dad badani u gaystaan. Waa hubanti in hanaankeena soo jireenka ah ee reernimaddu inanta is bar-bar taago marar badan. Sidoo kale xaga shaqada door wayn ayay ku leeyihiin haweenku, maanta bulsho badan ayay dumarku doorkii raga qaateen (breadwinner.)

Bulshadda dib u dhacsan waxaa dhasha hooyo degaan aqoon la’aaneed ku kortay. Laba siyaabood buu qofku u jiraa, jidh ahaan (corporal), iyo ruuxiyad ahaan (spiritual.) Hooyadda aqoonta lihi labadaas ayay ka korisaa ubadkeeda. Tusaale ahaan, cuntada waxaa loo qaybiyaa lix qaybood, (biyo, kaarboon haydarayd, barootiin, macdan, fiitamiin, iyo dux.) Hooyadda taba barani waxay taqaan baahida jidh ahaaneed ee ubadkeeda; cuntooyinka laga helo mid kasta oo kuwaas ka mid ah. Sidoo kale caruurtu waxay u baahan tahay in laga koriyo xaga qofnimadda oo la baro khaladka iyo saxa. Taasi waxay la imanaysaa in uu cagta saaro wadada nolosha oo uu qayb kaga noqonayo bulshadda.  

Si aynu uga gudubno dhibaatooyinka bulsho iyo qofeed ee aynu la kulano, inagoo midaysan waa in aynu u gurmano haweenka. Waxay iila muuqataa in si deg-deg ah loo joojiyo fircooniga. Taasoo ku iman karta in gurmadkaasi heer qaran noqdo, oo jaangooyadda wadanka lagu daro. Mabaa’diida laga duulayana uu Islaamku hogaamiyo, oo culimadu fahmaan in ay tun jileec inagu tahay in xad gudub aanay diinteenu ogolayn joojintiisa cid kale inagu wacdido. Haweenka Somaliland-na waxa faran in ay fahmaan in dhibaatooyinka ragga kaga yimaadaa ay qayb ka mid ahi bar-baarintii hooyonimo ku xidhiidhsan tahay. Tusaale ahaan, hooyadu door waafiya ayay ka ciyaari kartaa wax kasta oo bulshadan laga bedelayo. Ka soo qaad in hooyo kastaa maalin loo balamay oo ka mid ah saanadka 2014, ay inankeeda ku tidhaahdo, ‘hooyo, maanta inta aad iga maqan tahay hay caayin.” Isagoo yaaban buu leeyahay, “sidee baan kuu caayaa!” ugu danbaynta wuxuu fahmayaa, in marka uu hooyo caayaba, isna hooyaddii la caayo. Runtii, waxaad suuqa ku arkaysaa, laba wiil oo wada qoslaya oo mid ka kale hooyaddii u kala tirinayo.

Waxaa run ah in raggii hore iyo sida dhaqankeena ku jirtaba aynu ixtiraami jiray haweeenka. Tusaale ahaan, ma dhici jirin nin qof dumar ah laga hayo oo doonaya in uu gacanta ula tago. Maanta taasi way is bedeshay. Alla haw naxariistee Talaabo ayaan maalin ii sheegay in marka ay la hadlayaan hay’adaha ay u sheegaan in dhaqan ahaan aynu dumarka xaal siino haddii meel laga dhaco. Dunida marka la qiimeeyo waxaan filayaa in taasi gaar inoo noqoto Somaliland ahaan.

Haweenow, maanta ragu waxaynu ku guul daraysteen siyaasaddii. Laakiin, taasi wadada u furimayso in dumarku ku guulaystaan waa arin ku aslan bar-baarinteena iyo aqoonteena dawladnimo. Inta hablaha muslimku dawlad soo xukumeen ayaa ka badan inta kuwa reer Galbeed soo taliyeen. Dhamaantood way ku fashilmeen, 1996 markii haweenaydii Banasiir Bhutto raysal wasaaraha ka ahayd dalka Baakistaan, wadankaasi wuxuu qaaday koobka musuqmaasuqa aduunka kaalinta labaad. Sidaas oo kale  haweeenay xukumi jirtay dalka Turkiga iyana waxa hadheeyey musuq maasuq. Wadamada caydha ah kuwa ugu hooseeya waxaa ka mid ah Bangalodhash, laba haweenay, Sheekh Hasiina iyo Khaleda Siya ayaa rubuc qarni midiba xili wadankaa hogaaminaysay. Waanse soo sheegay in Thatcher iyo Merkel ay labaduba si toolmoon u hogaamiyeen wadamadooda. Hawshu rag iyo dumar ka sokow waa degaamayn.

Waxaa loo baahan yahay in aad fahamtaan in haweenka reer aduunka oo dhan ay dhibaatadu la deris tahay, oo laynaga sugayo in aynu wax kala qabano. Taasoo aan uga jeedo in aynaan gurdan raacis noqon, oo aynaan keli ku noqon baahida toosineed.

Dhamaad

 Ygoodir2008@hotmail.com

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!