Qalinka Iyo Waayaha: Prof Yuusuf Goodir Maxamed

25
1597

Picture1

HAWEENKA IYO DOORKA NOLOSHA   Qaybtii 2aad

Qaybtii koowaad waxaynu ku soo bandhignay in doorka haweenku ahaa guri joog marka dib loo eego taariikhda. Inagoo si baaxad leh u tilmaanay xad gudubyadda is daba socday ee ay haweenku waajeheen. Waxaynu kaloo ku soo qaadnay in aynu aragti ahaan miisaanka saarno isiradda aynu ka duuli karo ee ay ka mid yihiin maanka, muruqa iyo maaraynta (xirfadaha).

Waxa inoo hadhsanaa muruqa. Inkasta oo aan bilowgii ka cudur daartay maqnaanshaha cilmi baadhista iyo tilmaanteeda, su’aasha muhiimka ahi waa haweenku si’ahaantooda (biology) ma uga duwan yihiin raga? Dabcan, haa. Shaqooyinka ugu xoogan ee u baahan kartida iyo adayga waxaa ka mid ah dagaalada, iyo kuuliga (hard labour.) waxaynu ku soo koobaynaa in raga iyo haweenku aanay muruqyadoodu isku cayn ahayn, sidaas darteedna, ay shaqadoodu kala duwan yihiin.

Aynu ka gudubno miisaanka aynu qaadanay, dhinaca kalena eegno adeegsiga isiraddaa iyo waxa ka soo baxay, inagoo ku ifinayna Islaamka iyo mabaadiida kale. Tusaale ahaan, halkan waxa soo ligan aragtida ay hogaaminayaan reer Galbeedku oo inta badan u dooda xuquuqda dumarka. Maxay ka qabteen shaqada iyo sinaanteeda, siyaasadda iyo hanashadeeda, garsoorka iyo hubintiisa? Bulshadda reer Galbeed hablohoodu waxay heleen sinaan aqoomeed, taasi waxay noqonaysaa in habluhu kula tartamaan raga xaga shaqada. Bulshadan casriga ahi waxay qaabaysay doorka haweenka. Horumarka nololeed ee la gaadhay ayaa sababay in la abuuro shaqooyin badan oo haweenku qaban karaan. Xiligii hore wershaduhu waxay u baahnaayeen muruq iyo hawl badan, halka maanta farsamadu keentay in ay iswado. Welise lama gaadhin meel la odhon karo reer Galbeedka laftoodu shaqadii way isku sargo’day.

Maraykanka  oo hogaaminaya dhaqaalaha aduunka sanadkii 2010, labka iyo dhadiga  da’doodu u dhaxayso 25-54, tirada labka iyo dhadiga is bar-bar dhigoodu wuxuu ahaa sidan:

Tiradu waa kuman yaal

25-54 sano

tiro

shaqeeya

Shaqo la’

Shaqo doonayn

Dhedig

49,512

34,733

2,626

12,154

lab

50013

41,407

3831

4774



 

Dadka aan shaqada doonayn dhedigu waxay ka noqdeen 72%, labkuna 28%. Yurubna haweenku waxay ku bateen shaqo xiligeedu gaaban yahay (part time). Ingiriiska badhtamihii sanadkan labka shaqada dhamaystiran haystay wuxuu ahaa 13.94 malyuun, halka dhedigu ahaa 8.01 malyuun. Shaqada aan dhamaystirnayn labku 2.17 malyuun, dhigooduna 5.98 malyuun. Tirooyinkaasi waxay inoo sheegayaan isiraddii (factors) aynu soo maray oo tusaale ahaan, mid ka mid ah warbixinadda isutaga Yurub lagu sheegay in dumarku xili ku qaataan arimaha khuseeya tarminta aadamaha. Tusaale ahaan, in Maraykan toban malyan ku dhawaad haween ah lagu tiriyo kuwo aan shaqada diyaar u ahayn sabab baa jirta. Ha noqoto in sinaan la’aani ka jirto goobaha shaqada, in ay ku hadheen gurigii oo weheshadeen qoyska, iyo ta ugu danbaysa oo tibaaxi karta in aanay dhedigu u jajabnayn shaqada. Dhamaan suurahaasi (hypothesis) waxay u yaaliin baadhis dheeraad ah.

Markaynu u baydhno dhinaca sooyaalka taariikhda waxaynu helaynaa duni dumarku debedda u soo baxeen, noloshana ku darsadeen intii ay kareen. Haweenku waxay noqdeen weriyeyaal, saynisyahano, dhakhtaro, injineero. Tusaale ahaan, haweenayda la yidhaado Christiane Amanpour waxay goobihii dagaalka ee Baalkaniska uga soo warami jirtay war baahinta CNN-ta. Sidoo kale haweenayda la yidhaahdo Yvonne Ridley oo ahayd weriye Ingiriisa waxay u badheedhay in ay u talowday xuduudii Talibaanku haysteen oo loogu sheegay in aanay ahayn aadami. Xiliga la qabtay waxay iyada iyo gadhwadeenkeedii isku dayayeen in ay tuugo xaga Bakistaan ugu soo talaabaan. Markii danbe waxaa la weriyay in ay qaadatay diinta Islaamka.

Wadanka Ingiriiska waxaa muddo dheer Ra’iisal Wasaarihii qarnigii 20aad ugu xiliga dheeraa ka ahayd Margaret Thatcher, laguna naanaysi jiray “haweenaydii birta” ahayd. Dagaalkii qaboobaa ayay reer Ingiriis calmadeen in ay caynaanka u hayso. Mar uu la taliyay nin ku jiray goleheedii wasiiradda ayay intay wejigiisa eegtay ku tidhi, hadal aan ka durugsanayn in uu gaajoonayay, dabadeedna intay kacday ayay beed u soo samaysay. Waxaa loo fahmayay is diidsiis. Mid ka mid ah wargaysyadda carigaas ka soo baxa ayaa dabayaaqaddii 90ka tibaaxday in aanay weligeed talo nin siiyay sideeda u qaadan. Isla wargayskaasi wuxuu xusay in aan ragu ku hadal dhiiranayn. Maalin ay ka khud badaynaysay shir ay lahaayeen wadamadii dagaalkii qaboobaa isku hor fadhiyay, ayaa masuul la socday u warqad erayo koobani ku qoran yihiin hor dhigay. Nin weriye ah ayaa halacsaday, waxaa ku qoraa, hadal kulul oo ah “soo gaabi khudbadda.” Ninkaas oo ka baqay in hadalka oo ay ku dheeraataa keeni karayay waxyaabo aan loo baahnayn, taariikhdu waxay u aragtay nin aad u dhiiran.

Margaret Thatcher hadaladda laga reebay waxaa ka mid ahaa, in ay u baahnayd daqiiqado ay ninka kor u eegto, fahamto dibna aanay isu waydiin.

Xiligan la joogana haweenayda hogaamisa Jarmalka Angela Merkel waa hogaamiye caan baxay oo marmarka qaarkood shirarka kaga kacda dhigeeda Yurub, gaar ahaan, kuwii lagu soo dabaalayay dhaqaale ciirkii dunida. Taas ka sokow, Miss Merkel waa diktoorad Fisisyahanad ah, samayn jirtayna baadhitaaanada cilmiga sayniska.

Bulshada casriga ahi tii hore waxay kaga duwan tahay xadidaada dhalmadda. Arintaasina waxay raad ku yeelatay habka dhaqan dhaqaalaha (socio-economics) ee bulshooyinka. Haddaynu ku soo qaydno in hooyaddu koriso laba caruura, nolosheeda cel-celis ahaan shan sanno ayay tahay inay u hurto ubadkaas. Wadamadaasina waxay u badheedheen amaba ula ekaatay qiimaha badan ee ay ku joogto. Waxay kala doorteen (trade off) in haweenku guriga ku bixiyaan wakhtigooda iyo in ay wax soo saar kale u guntadaan. Dhinaca dhaqaalaha layskuma khilaafsana in gabadha oo gurigeeda joogtaa ay wax soo saar tahay, laakiin wax soo saarkaasi ma tago suuqa oo ah halka qiimayntu ka dhacdo. Si kale haddaynu u nidhaahnana haweenka aduun kagama soo noqdo shaqada guriga. Metelan, wadamadda horuumaray ee koradhka bulshaddu xadidantay kuma niyad sama. Waxay dhiirigeliyaan in dad badani u soo hayaamaan si ay u kabaan hoos u dhaca tirada bulshadooda, dhaqaalahana u tiiriyaan. Taasoo u muuqata inay dunidda soo koraysa kula eerteen isdhinka tiradda dadka ee ka yimi dhalmaddii la xadiday. Sidaas darteed hooyaddii joogtay dunida horuumartay ee fursada u heshay inay ninka kula tartanto shaqadu culayskeedii waxay u dirtay dunida soo koraysa.

Dhinaca falsafadda reer Galbeedku way u muuqataa in doorka haweenku aanu guriga ka fogayn. Xataa haweenaydii Tatcher ee aynu soo tilmaanay ayaa tidhi, “haweenay kasta oo fahmi karta baahida gurigeeda taal waxay u dhow dahay in ay fahamto sida wadan loo maareeyo.” Buug laga qorayna, aad bay ugu cabatay inan ay dhashay oo tilmaantay in aanay hooyadeed ka helin xuquuqdii hooyonimo.

Haweenay filimadda jili jirtay oo caan baxday”, lana odhon jiray Katharine Hepburn, ayaa laga hayay “in aad noqoto xaas iyo hooyo waa shaqada ugu wayn ee dunida laga qabto…” ninkii la odhon jiray Napoleon Bonaparte, oo ahaa Faransiis iskuna dayay in uu Yurub dhamaanteed gacanta ku dhigo bilowgii qarnigii 19aad ayaa yidhi, “dumarku wax kale ma aha ee waa mishiinkii caruurta soo saarayay.”

Totobaadka danbena waxaynu ku eegaynaa islaamka aragtidiisa ku wajahan doorka haweenka

Comments are closed.