Qalinka Iyo Waayaha:Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

0
51

HAWEENKA IYO DOORKA NOLOSHA Qaybtii 1aad

Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Inagoo ka milicsanayna xad gudubyadda loo gaysto iyo qofnimadooda waxa ay ku toosi karaan. Waxaa cudur daar iga ah in aanan halkan ku soo oodayn waayo badan oo dumarku waajahaan. Waayo, waxaa ii muuqata in ay ka sokayso baadhis baaxad leh oo ibo bixinaysa su’aalo biyo kama dhibcaan ah oo ku arooraya shareecadda Islaamka iyo weliba qaybo ka mid ah aqoonta aadamiga oo baadhis dheer ka waday doorka haweenka. Sidaas daraadeed, kani wuxuu noqonayaa dul ka xaadis. Ugu danbaynta waxaynu eegaynaa haweenkeena iyo waayahooda.

 

Ilaa iyo inta taariikhda la xasuusanyahay majirin aragti midaysan oo ku aadan doorka ay haweenku ku yeelanayaan bulshada oo aan ahayn in ay guri-joog noqdaan. Ka hor xadaaradda casriga ahi dumarku waxay u taagnaayeen astaan raaxo, iyo in ay tafiirta kordhiyaan. Erayga xadgudub aynu siino macne balaadhan oo koobsanaya qofka oo waaya xuquuq u lahaa -maal, mansab iyo magac; amaba dhib soo gaadha jidhkiisa iyo sharaftiisa; sidoo kale cid kasta oo uu ka wakiil yahay oo dhibaatooyinkaasi gaadhaan waxay ka dhigan tahay in ay isaga soo gaadhay. Marka aynu tilmaantaas ku jeedaalino taariikhda dunida inteeda badan, haweenku cadaalad bay tebayeen.

 

Habdhaqankaas ku abyan heerarka nolosha aadamigu soo martay wuxuu jideeyay in xadgudubyaddu noqdaan kuwo kala daran. Maanta oo xuuqda aadamahaba aad looga hadlo waa laga dayrinayaa xuquuqda dumarka, kulay ku tahay wadamadda hore u maray, Tusaale ahaan, shaqooyinka looma sina, amaba shaqo isku mid ah ayay haweenku ku qaataan mushahaar ka yar ka raga, meelo kalena xad gudub ayay kala kulmaan xafiisyadda ay ragu hantiyeen. Xadaaradda casriga ah waxaa dhinac socday kufsiga, oo quruumaha kuwa ugu dib dhacsani ka xishoon jireen, welina ka xishoodaan.

 

Taariikhda waxa jirtay in hablaha jidhkooda la jar-jaro iyadoo loo malaynayay in dan rag ku jirto! Haweenku waxay soo mareen in loo diido xuquuqda jiritaanka, waa markii nolosha lagu aasi jiray, xiligii Carabtu jaahiliga ku jireen. Maantana si aan toos ahayn baa loo dilaa, wadamaa jira ay dumarku iska soo ridaan ilmaha marka la ogaado in ay dhedig tahay.

 

Nasiib daradda ugu wayn ee soo waajahday haweenku intii ay jireen waa in loo diido xuquuqda si’ahaantooda (biology.) ay ku heleen. Waayo, markii nolosha lagu aasi jiray qabiil Carbeed ayuun bay u gaar ahayd, hablihii dunida intii badnayd nabad bay ku jireen. Taaariikhdan aynu noolahay waxaa dunida ku soo fool leh aafo. Dhibaatada iyo manfacuba laba siyaabood ayay qofka ugaadhaan, waa mid toos kuugu timaada iyo mid dadban. Tusaale ahaan, haddii wadan Afrika, Kuuba, amaba Woqooyiga Kuuriya oo uu keligii taliye ka arimiyo, soo saaro in hablaha qayb ka mid ah jasiirad lagu uruuriyo oo aan cid kale tarixin, noloshana sidaas ku dhamaystaan, maxay noqon! Hubaal in dunidu afka gacanta saarayso oo odhonayso hablaha xuquuqdoodii ayaa meel lagaga dhacay. Keligii taliyihii wuxuu leeyahay, xuquuqdee! Wixii ay doonaanba, cunto, dhar, ciyaar, amaan iwm. Diyaar baan ula ahay. Runtu siday tahay keligii taliyuhu hablaha wuxuu u diiday xuquuqdoodii si toos ah, in ay reero yeeshaan, hooyo noqdaan, ubad dhalaan, aadamiga la noolaadaan.  Wuxuu yidhi, waa runtiine intan idinkaa (hay’adihii xuquuqul insaanka iyo dawladaha reer galbeedka) duudsiyay,  xuquuqdoodii ayaa si aan toos ahayn uga qaadeen; ragoodii ayaa dhufaanteen; miyaa igu diidantihiin? Sidaas darteed, ma heli karaan raggii guursan lahaa, markaa dee xuquuqda aan ka qaaday way kooban tahay, bulshadda inteeda kale ayay dhibaato ku noqonayaan.

Waxaa is waydiin leh, waxa gundhig u noqonaya tilmaamidda hawlgalka haweenka,  oo aynu uga jeedno asal ahaan halka ay dumarku nolosha ka gelayaan. Diiraddeena waxaynu saaraynaa laba meelood, labaduba waxay ku qotomaan waq dhacaha (empirical evidence), oo macne ahaan ah xaqiiqooyin laga arkay sida wax u jiraan, amaba waayo aragga ku yimaada. Aadamigu baxdo iyo dhacdoba wuxuu u taagan yahay in uu wax ku biiriyo ama ka rido duruufaha nolosha ee uu ka horjeedo. Marka dhinaca tognaanta laga eego qofku wax soo saar buu leeyahay, shaqo kastaana waxay u baahan tahay in 1oo adeegsado muruq iyo maan. Iyadoo aanay kala hadhin hadana shaqooyinku way kala badsadaan, oo mid baa muruq badan u baahan halka mid kalena fadhiga lagu qaban karo, labadaas waxaa soo raaca wakhtiga, iyo xirfadda. Sidaas darteed, qofku wuxuu u baahan yahay ugu yaraan in uu muruq, maan iyo wakhtiba hayo si uu u baadhitaaro geediga nolosha.

 

Dhinaca maanka waxaan ku dhaafayaa in ragga iyo haweenku isu dhigmaan. Sidii taariikhda iyo soo jiritaanku u muuqday wakhtiga adeegsigiisa waa lagu kala duwanaa. Waayo, sidii aan horeba u soo tibaaxay, haweenku dhisme ahaantooda (biology) ayaa xadaysay. Tusaale ahaan, taranka aadamigu waa lama huraan. Haweenaydu imisa qof ayay dhali kartaa? Meel dhexaad ahaan, toban. Dhibaato qiimaynteeda aan laga geyoonayn ayaa ku soo dhacday- uur bay qaaday, xanuuun iyo culays baa la socday –ta ugu yar hooyaddii oo huruda ayuu uurjiifkii isrogayaa, weli adigoo hurdo dheer ku jira jiir ma ku taabtay oo cirkaa ma u booday! Marka sedkeedu buuxsamo culaysku wuu sii kordhaa. Foosha xanafteeda inagu kama sheekayn karo! Iyadoo duruufaha noloshu weheliyaan imisaa umul raaca? Waxaa ku xiga naasnuujin, waa qof lamaan, koriimo iyo tarbiyad ayaa daba socota.

 

 

Bulshooyinkaa aynu soo tillmaanay dumarku kamay fogaan jirin guriga agtiisa, halka ragu soo qadhaabi jiray. Taasina wadada ayay u furaysay in dumarku ku ekaadaan guriga xataa marka aanay uurka ama naasnuujintu jirin. Intii ninku ku maqnaa qadhaabka wuxuu korodhsanayay xirfadaas, halka haweenaydiisu u xuubsiibatay farshaxanimadda guriga. Dhinaca kalena qadhaabka waxaa weheliyay ugaadhsiga oo u baahan orad. Sidaas darteed, qoyska khasaare ayay ku noqonaysay in la bedelo habka 1oo kala qaybsaday hawl maalmeedkii. Mana aha oo qudha aadamiga ee xayawaanka ubadka korsada ayaa qayb ahaan la wadaaga, iyadoo dareenkaasi uu ku aroorayo naxariista Eebe isu geliyay ubadka iyo hooyadda. Duruufahaasi waxay jideeyeen in haweenku wakhtigoodii ku qaataan guriga, meel sarena ka gaadhaan cilmiga gurigu u baahan yahay. Dhaqan kasta oo mudo dheer jiraaba wax buu jideeyaa, isaga laftiisa ayaa noqda tilmaan lagu hirto. Habkaa hore ee bulshooyinku u noolaayeen waa iftiinka ay higsadaan kuwan danbe, ha lagu baraarugsanaado amaba yaanay jirine. Markaan soo uruuriyo adeegsiga wakhtigu wuu kala duwanaa.

 

Sidoo kale waxaynu ognahay in adeegsiga wakhtigu dhaliyo xirfadda, taasoo jidaysay in bulshooyinkii hore iyo kuwa bulsho dhaqameedka (traditional) ahiba wada u furaan in xirfadda ragga iyo haweenku kala duwanaadaan.