Qalinka Iyo Waayaha: Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

1
50

KOBCINTA MAANKA

{Qaybtii 3aad}

Su’aal kale oo badhi taari karta dooduhu waa erey bixinta (terminology) uu adeegsado.Waxaa dhacda in dadka qaarkii isku kabaan dood iyo ereybixin aan islahayn. Arintani ugu danbaynta habow bay u biyo dhacdaa, doodii waxay u baydhi kartaa ereybixinta lagu ladhay dooda oo u caano shubata dood kale oo aan hiyiga lagu hayn.

Waxyaabaha kale ee qarada u yeeli kara doodaha waxaa ka mid ah iyadoo laga ilaaliyo is darayeynta (inconsistancy). Inta badan waxay ka timaadaa doodaha oo aan fahamsaneyn ama aqoon ulahayn waxa laga doodayo.Marba meeshii ay ula ekoonaato ayuu doodiisa ula kacaa. Nasiib wanaag si fudud baa 1oo tusi karaa sida ay doodiisu u jaban tahay.

Inta aanad guda gelin sida aad isugu aadinaysid aragtidaada iyo dooda waxaa mudan inaad digtoonaatid oo aanad naftaada been u sheegin. Taasoo ah tixraacid habawsan oo aad ku samayso aqoontaada iyo ta doodaha kaa soo horjeedaba.Ogowse inaan doodu marwalba noqon sida qof ku wado.Waxaase guulweyn ah adigoo garwaaqsada khaladaadkaaga, dibna ugurta, isna garab taaga ta doodaha kaasoo horjeeda.Guusha doodu waxay ku xidhan tahay hadba sida dooduhu u habeeyo aragtidiisa. Hayeeshee, xeeladaa jira la adeegsado oo saaxiibkood dhaxalsiin kara gacanta sare. Xeeladahaas waxaa ka mid ah qofka oo si wanaagsan u og heerka saqaafadiisa. Sida ugu fudud ee taas lagu gaadhi karaanawaa adoo doodaha kugu soo hormanaya u qaybiya saddex.mid aad hubto oo aad dirsooci karto, amaba aad sugi karto isha loo celinayo-ku adkayso. Mid mad-madow kaaga jiro-ka feejignow iyo ka seddexaad oo haba yaraatee aanad suurayn karin-haw dhawaan.Markaad sidaas u odorosto doodii ku hortaalay, ayaad jeedaalinaysaa cida xambaarsan ta kaa soo horjeeda, oo noqon karta mid kaa saqaafad badan, kula siman, amaba kaa hooseysa.

Maadaama dooda ujeedadeedu tahay in la kala faa’iideysto, kama madhna ixtiraam qofeed, oo mararka qaarkood ay raacayso tixgelinta xaga da’da, iyo weliba aqoonta. Xidhiidh weyn baa ka dhexeeya muuqaalka aad dooda ka haysatid iyo cida xambaarsan. Tusaaale ahaan, si hufan baad ugu kalsoon tahay aragtida aad ka qabto masaladda laga hadlayo, waxaase sidaas diidan qof kaa cilmi badan.Markaas habka aad ku waajahaysaa wuu ka duwan yahay marka ka kula doodaya aad ka aqoon roon tahay, ama uu kula siman yahay.Waxaan uga socdaa inaad u daadegto nuxurka aragtidiisa oo inta badan saan qaadkeedu ka duwan yahay marka kuwa danbexambaarsan yihiin.

Saanqaadka doodu waxay sal dhigaysaa dhinaca xadidnaanta. Tusaale ahaan, roobku wuu da’ ayaa waa weedh macno sugan ku leh afkeena hooyo iyadoo noqonaysa inuu xiligan da’ ayo ama ay muuqato curashadiisu. Laakiin way ka duwanaanaysaa marka uu weedhaas tilmaamayo xidigiyuhu, iyadoo macneheedu noqonayo inuu dadka gaadhsiiyo warka ay ka sugayeen oo ka xeeldheer wax ishu qabato. Arintan oo kale waxaa la mid ah aragtida uu qabo nin yoolkiisa aqoomeed ku jeediyey yuhuunta mustaqbalka oo ka duwanaan karta sida qofka caadiga ahi wax u arko. Kan danbe muuqaalka u muuqda waa ka run ahaan uu geyo oo ah geedo walacle’ ama omos boodh kiciyey.Si kale haddaynu u nidhaahno dhacdo waayeedku mar waxay u muuqataa mid ku meel gaadh ah (tempotary), marma ma guuraan. Markaynu leenahay ku meel gaadh umajeedno doonista aadamiga oo ka talaabaysa mar xalad nololeed. Dareenkeenani wuxuu ku aadan yahay marka ay muuqato in ifafaalaha nolosha taagani aanu la dhig ahayn ka soo fool leh. Markaas labada aragtiyood ee midi jeedaalinayso dooga muuqda, halka ta kale ku foogan tahay waayaha aan lagu diirsanayn ee fog way is qar-dhaafi karaan. Sidaas darteed, marwalba aqoonta doodaada waxaa xadaynaya cidda aad waajahayso.

Halkan waxaan ku soo oodayaa tilmaanta ka soo dhex bixi karta isku aadinta dareenka aad ka qabto arinta taala darka aqoon-isweydaarsiga.Runtii kuma xadaynayo soo qaydkan inay tahay midla sarjaray.Waayo arimaha sidan oo kale ahi waxay qayb ka yihiin muuqaalka maanka (subjective) qofku ka qaato suuraha waayaha, taasoo aan markiiba ku soo oodaynin ay tahay ta qudha ee jirta.

Mase aha in qof waliba u qaato in rayigiisa ka sokow in la dhegaysto amaba lagu ixtiraamo, uu noqon karo mid macna wayn xambaarsan.Arintaasina ay inagu dhawaynayso in masalo waliba leedahay macne iyo tixraac xadidan, taasoo wado u kala samaynaysa rayiga qofka iyo xaqiiqada. Tusaale ahaan haddii caadada laga bartay in roobku wooyi ka yimaado, ama ay run tahay odhaahdii ahayd, ” naf baxday iyo roob galbeed midna ma soonoqdo.” Way muuqataa ka guusha u dhow haddii laba qof ku murmaan, suurogalnimadda inay daruuri ka soo hoorto jihada galbeed maalin maalmaha ka mid ah.Waxaa laga yaabaa in ay waqdhacdaasi si ugu rumowdo waayaha intiisa badan, guusha ay saaxiibkeed ay siisaana aanay sii buurayn.Qaybta roobka haddii ay sida maahmaadaa tahay, inyar ayay ka sokaysaa, “qoraxdu bari ayay ka soo baxdaa.”

Aqoonteenu waxay luntaa marka doodu timaado ka hadalka dhibaatadeena.Sida loo badan yahayna lama eego mawduuca laga hadlayo waxaa laga eegaa cida ka laalaada. Nuglaanshahaasi wuxuu ka imanayaa dan la mood. Laba danood baa jira ta guud iyo gaarka ah. Amaba haddaynu si kale u nidhaahno hore u mar baa dhacay haddii faa’iidada cidi heshay aanay cid kale ku hog waayayn. Haddii “cidi”qof ama koox noqoto, ta guudi waa ayo? Danta guudi waa tii gooni goonida loo lahaa oo laysu geegeeyay. Haddii ay lunto umadaasi waxay ku jiraysaa buulka hore u mar la’aanta, oo ah gaajo, xanuun, tiiraanyo (cadaaladd daro). Umadaasina waxay ku danbaynaysaa dagaalo iyo in la jiscinto qaninimadeeda marba inta la gaadho iyo sida loo gaadho. Inta badan danta guud waxay ku astaysan tahay faa’iido aan la dareemi karin xiliga dhow, laakiin hore u markeedu imanayo xiliga fog. Sababtuna waxa weeye danta guud faa’iidadeeda umadda kala qaybsata.Haddii in uun ay suuro gal tahay in aad qayb ka noqotid doodahaas iyo aqoon iswaydaarsiga dooro in aad gacanta siiso danta guud, taadii, taydii, teedii, tiisii, toodii intiiba way ku jiraan. Markaana aqoontii ayaa hore u mar keentay.

Xili aanu meel ku joognay koox aqoon raadsigu ururiyay, ayaan u fiirsaday doodaha wadanka raadka ku leh.Inan ka mid ahaa ayaanu maalin kaftanay, waxaan ku idhi qabyaalaystayaal ayaynu wada nahay. Arinkii buu ka dooday, tusaalahan baan siiyay, “markasta oo aynu doodno, marka ay meel kulul gaadho ayaynu dadka doodaya intii isku aragti ahba meel gooniya fadhiisinaynaa, bal eeg qoqolo ayuun loo kala fadhiisanayaa. Inkasta oo aanu arday ahayn, hadana aqoon yahankuna waa la mid, waayo?Runtii jawaabtu ma fududa, waxay u baahan tahay baadhis cilmiyaysan. Dadka qaar waxay odhonayaan hanaanka wax barashadeena ayaa su’aali ka taagan tahay, oo laynama barin in si qotodheer aynu wax u faaqidno (critical-thinking). Hadaynu nidhaahno, haa waa run oo dee macalin aan noloshiisiiba la sixin ayaa wax inoo dhigi jiray intii ka danbaysay boqortooyaddii Ingiriiska amaba inyar ka dib, miyuu haleelayayba!miyay noloshuba ku si maysay! Beribaa la yidhi, waraabow geel raac, markuu soo hooyay baa lagu yidhi hashii hebla soo godol. “duboo marash, murush markuu daalay buu  yidhi,  “maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa.” Show warba looma hayee, hashiina candhadii buu ka goostay, nirigtiina faruuryihii, kaaga darane, aamin buu isbidayaa! Geyigeena waxaa soo maray waraabe laga qoray in  kacaanka ninka aan waxba aqooni u dhaamo ka wax yaqaan. Oo tolow kuwa debedaha wax ku soo bartana iyana macalinkoodii ma daba ka werwer baa hayay! Maya, wax kalaa la soo baray, sawir qurux badan ayuu sitaa, ilna teenu ku arkaa, ta kalena meeshii quruxda badnayd ee la kala hufay, ayuu ku arkaa (problem of duality.)Labadaa war ayaa isugu taga maskaxdiisa, muran baa ka dhex-dhaca, adba eegoo miyay ka duwan tahay duboo marash murush!Aan ka reebee qolowalba way ku jiraan dad wax bartay oo aragtidoodu caafimaad qabto, dhacdooyinkana ka arki kara meel durugsan, waxay u muuqdaan in intooda badani cidla ku keliyaysteen.

Dhibaatadaa aqoon yahanka haddii meel dhow laga eego, waxaa ii muuqday in beesha dhibaatadeedu tahay raadinta danteeda, laakiin isma waydiiso danteedu ma mid guudbaa mise waa gaar!Baaladaymeedkeeda way shirtaa aqoon yahankuna waa ka qayb, weligeed waxay ka hadashaa wixii loo gaystay, laakiin xaasha lilaah wixii ay bi’isay!Sababma, “nin uunbaa ku guuree iyada geedi wow weli.”

Halkaasi waa halka ninkan aqoon yahanka aynu u naqaanaa wax ka soo barto. Haddiiba la helo mid yidhaada u kaadiya, beeshu nacas bay u taqaan.Haddii roobku da’o gediisa waxaa lagu yaqaan geedo soo baxa, aqoon yahanow adiga geedahaagii meeye! Kolay qaar baa odhonaya geedka gobka ah ee dayaxa ku yaal weeye! DhamaadYgoodir2008@hotmail.com

 

 

Comments are closed.