Qalinka Iyo Waayaha: Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

0
25

KOBCINTA MAANKA Qaybtii 2aad

Hore ayaynu uga soo hadalay qodobkan. Kobcinta maankana waxaa ka qayb qaadanaya qoyskii, bulshadii iyo goobaha wax barashada intii fursadda u heshay. Somaliland hanaankeeda waxbarashada waxaa horyaal in ay go’aamiso qiimaynta tayadda goobahaas iyo sidii loo dharab tiri lahaa. Waxaa hubantiya in ay jiraan aabe iyo hooyo ubadkooda bara afkeenii hooyo oo la jejebiyay, tilmaanta ay bixinayaana guracan tahay. Goorma ayaynu saxaynaa! Qaar kalena nasiib u may helin in ay waalidkoodba la kulmaan, waxaan maqlay maah-maah Af-carabi ah “ka aan waalidkii edbin, wakhtiga edbiya.” Dugsigu si joogto ah ayuu u sixi karaa fariimaha guracan ee ka imanaya bulshada iyo qoyska. Si taasi u meel marto waa in dugsiga oo ka kooban dhisme, manhaj, macalin iyo maamulba ay dharab tiran yihiin. Tusaale ahaan, waa in aan ardayga indhihiisu qaban gidaar dil-dilaacan, ama la dhoob-dhoobay.Waxaa loo baahan yahay in wasaaradaha arimaha gudaha, diinta, warfaafinta, ciyaaraha, hawlaha guud, caafimaadka iyo wax barashadu siyaasad midaysan ka yeeshaan tayaynta bulshadeena guud ahaanba.

Intii aadamigu soo jiray loolan nololeed baa jiray, duruufaha nolosha iyo qofka (bulshada) ayaa isku hor fadhiyay, duruufuhu wejiyo badan ayay lahaayeen, laakiin qofku mid qudha ayuu lahaa. Sababta keentay in uu ku negaado dunidana ogolaanshihii Ilaahay bixiyay wuxuu ugu ladhay laba shay, qaab dhismeedka jidhkiisa iyo awooda maskaxdiisa oo ka mudan ta xayawaanka. Awoodaasi waxay aadamiga u saamaxday in uu hadli karo, eray bixin yeelan karo, isla markaana uruurin karo dhacdooyinka waayaha isuna gudbin karo. Xaga dhisidana jidhkiisu wuu u hogaansan yahay.

 

Markaan aad ugu fiirsaday dadkeena wax bartay badankoodu waxay buuxiyeen wejigii hore ee laga lahaa aqoonta oo ah in uu xirfad yaqaan noqdo, weli waxaa maqan wejigii kale, oo maankiisu kumuu doogsan xikmaddii cilmiga, halkaas oo ay ku guuldaraysatay koritaankii maankiisu. Sidee baa aqoon yahan (intellectual) lagu noqdaa? Waxaan filayaa in aan qofna si toos ah u qorshaysan in uu aqoonyahan noqdo, xoogagii aynu soo tilmaanay ayay ka soo dhex baxdaa. Aan dul joogsadee aqoonta iyo aqoonyanimaddu kuma koobna ta laga barto dugsiyadda, waxaynu siinaynaa macne balaadhan. Waxaa mudan in aynu kala fahamno aqoonta iyo aqoonyahan.

 

Aqoonyahanku waa qof ku gaashaaman aqoon, waxaanu la dhig yahay orod yahan, shiish yahan, af-tahan, garyaqaan, amaba ninka geela kara. Markaa aqoonyahanku waa qof muuqaal fog arki kara marka laga hadlayo suuraynta qorshaha umadeed, ta qofeed iyo xal u helida su’aalaha taagan. Aqoontuna waa laba, mid dabeeci ah oo degaanka la xidhiidha inagoo ku darayna noolaha dadka ka soo hadha iyo mid ku aslan habdhaqanka iyo samayska aadamaha. Si kale hadaynu u dhigno aqoontu waa tilmaamo wareed isku xidhiidhsan. Aqoonyahankuna waa qof tilmaamahaas ku ifinaya dhacdooyinka baahiyaha huwan ee isdaba socda ee aynu la kulano. Sida aynu mugdiga tooshka ugu walacsiino, ayaa aqoon yahankuna u ibo bixiyaa baahida aadamaha. 

 

Taxanahaas waayaha marba intay doonto ha le’ekaatee aqoon baa taalay, haddii kale duruufahaas aynu sheegnay ayaa salabayn lahaa jiritaanka aadamaha. Hadaba nolosha casriga ahi waxay la timi waayo intii hore ka hawl badan, taasoo hubanti ka dhigaysa in aqoonta adeegsigeedu sii durko. Mid ka mid ah jaraa’idka reer Galbeedka ayaa qiimayntii kunkii sanadood ee dhamaaday ku tilmaantay xili la kordhiyay aragii aadamaha (telescope), maqalkiisii (isgaadhsiinta) iwm. Tan iyo qaar kaleba waxay jidaynayaan in aqoonyahanku noqdo mid tooshkiisu ka balaadhan yahay kii hore. Aqoonyahanka waxaa shuruud u noqonaysa in uu barto tacliinta rasmiga ah ee dugsiyadda, laakiin taasi dhamaystirkii ma aha.

Tusaalahan aynu eegno, nin oday ah ayaa u fiirsaday laba inan oo reerkiisa ahaa waxna soo bartay, maalintii danbe ayuu ka waramay jeedaaladiisii. Labada nin mid waa nin buug sita, ka kalena waa buug-buug sita. Wuxuu tebay aqoontu sidii ay ahayd oo aan ka muuqan kan danbe. Si aanad u noqon buug-buug sita waxaad u baahan tahay in aad aqoonta u dhaadhacdo oo dhuuxdo.

 

Cidda aqoonyahanka noqotaa waa ka ogsoonaada in uu jaahil yahay. Bal eeg inta ay hore u marka ku soo biiriyeen kuwii aqoon yahanka noqday. Ugu horayn waa in aad kor u soo qaadaa aqoontaada guud. Hirgelinteeduna waa inaad caado ka dhigato wax akhriska. Aqoonyahan ma noqon kartid haddii aanad aqoonta ku furdaamin waayaha nolosha. Siday u muuqato aqoonyahannimaddu waa falgal dheeraad ah (by product), waxaad raaci kartaa dun isku xidhiidhinaysa sirta nolosha, oo inta badan ku dhisan sabab la fahmi karo. Dhacda kasta, waayaha is guraya ayaa suga runimada iyo beenta hadba key xambaarsan tahay. Tilmaan kasta waxaa laga sugayaa in dhacdooyin u markhaati kacaan.

Marka aad sidaa u fahamto adigu ka garnaqso waayahaagii. Hubsashadaasna waxaa ka soo baxaya inaad dib u habayn ku samayso marinka noloshaada oo uu fekerkaagu hogaaminayo. Inaga mujtamaceena oo aynu soo tilmaanay inay ku jirto ismoodsiis (prejudice) badani, wax badan ayaa qofka kaga soo duulduulaya. Si markaas aad u hufto fahamkaaga nololeed waa in aad isku hubayso feejignaan u jilib dhigi karta fariimihii qaloocnaa ee makhaayadaha, iskana maydhaa ninba habarbaa habeen korisoo waa halyey tidhi. Garo xiliga aad saxsan tahay iyo marka lagaa quman yahay.

Duruufaha furdaaminta u baahani marka la miisaamayo laba weji baa laga eegaa, ugu horeyn qadarka ayay ku xidhan yihiin. Wejiga kalena waxay ku oodan yihiin dhacdooyinka waayaha oo u qaybsama shalay, maanta iyo berito. Umuuraha maanta taaganina qayb bay ka yihiin hawl galaddii shalay, halka maanta laga dheehan karo kuwa berito. Si hadaba looga midoobo dooda ku wajahan mustaqbalka waxaa 1oo baahan yahay inay qofka xadayso runta berito hor imaneysa. Qof walibana waa inuu sumad ku dhigtaa doodiisa si uu berito marag uga dhigto.

 

Waxaa jira sumaddo dhawr ah oo si joogto ah u xoogayn kara doodaada. Ka ugu horeeyaana waa tiirarkeeda (principles). Sida runtu tahay doodi dhadhan ma laha haddaanay ka duulayn qotonkaas adag. Hanka aadamigu ma soo oodmo sidaas darteed, dooduhu waa inuu xeeriyaa tilmaamo aanu ka talaabi karin, dhinaca kalena uu iskaga celiyo cidda ka soo horjeeda. Tiirarku waxay noqonkaraan kuwo diineed, dhaqan, wadaniyadeed iyo cilmiba. Dooduhu ha garowsado in doodu ka madax banaan tahay aragtidiisa, taasoo ku xadaynaysa inuu waafajiyo dareenkiisa tiirarka dooda ee aynu soo tilmaanay. Hab-dhaqankan doodeed, qofka wuxuu ka fogaynayaa inuu la jaal noqdo aragtidiisa, waayo barta 1oo noqonayo (reference point) ee wax lagu miisaamayaa way ka madax banaan tahay dooda furan. Doodayaasha qaar ka mid ah ayaa ka leexda nuxurka doodooda markay u iftiinto in aanay toosnayn. Sidan wuxuu guul kaga heli karaa oo qudha marka aragtida doodiisu ujeedo badan tahay (equivocal). Si hadaba aad u hareerayso aragtidiisa, waa inaad ku xidhiidhisaa saaxiibkeed. Waana hubsasho aad bilowgaba ku xaqiijinayso dhab ahaan wuxuu ujeedo, si aad uga digtoonaatid.