Qalinka Iyo Waayaha: Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

1
33

KOBCINTA MAANKA

Qoraalkani wuxuu qayb ka ah aa buug kooban oo aan daabacay toban sano ka hor. saddex qormo oo buugaas ku jiray ayaynu ku eegi doonaa taxanaha Qalinka iyo Waayaha. Ka hore waa kobcinta maanka, waxa xigi doona Haddii Raxmaanku ogolaado ka labaad oo ku aadan haweenka iyo kaalinta ay ku leeyihiin bulshada, inagoo raacin doona turxaan bixinta nafta.

Dhamaan qoraaladaasi waxay ka koobnaayeen tilmaan aan ugu tala galay inay kobciso aragtida akhristaha ha noqoto mid saqaafadeed, nololeed, la fal gelidda bulshadaba, iyo gebi ahaan ba in qofku nolosha ku eego indho ka duwan kuwiisii hore.

Kobcinta maanka waxaynu uga jeednaa in la horumariyo fahamka degaankeena nololeed inta ugu badan si aynu guul dhakhso ah uga gaadhno nolosha, halka dhigeeda (feker aan bislaan) ay uga iman karto mid kala dhimani. Barbaarinta qoyska, la kulanka bulshada iyo goobaha waxbarashadu qofka waxay tusaan dawga nolosha. Tayadda sadexdaas dugsina waxay ku xidhan tahay xadaarada bulshadaasi leedahay. Inta badan farqi sii ridani uma dhexeeyo tilmaamaha ay bixiyaan dugsiyadaasi, gaar ahaan dunida horuumartay. Waayo, xadaaradda ayaa gaadhay dheelitiran (equilibrium). Tusaale ahaan, waxa aad u sareeya dadkooda wax akhriya ama qora (high literacy), sidaas darteed, waxay helaan fariimo toos ah oo

ka imanaya xarumaha aqoonta, taas oo xidhiidh dhaw la yeelanaysa bulshadii iyo qoyskiiba. Ugu danbayntana waxaa imanaya inuu hoos u dhaco kala duwanaanshihii.

Meesha kama maqna inay jirto guud ahaanba gurac galay tiirarka nololeed ee bulshooyinkaas hore umaray. Waayo, xadaaradda lafteeda ayaa ka dhalatay hirdan (clash) laba geesood ah oo u dhexeeya, dhibaatooyinkii dad sameega ahaa iyo tubtii ay ahayd inay xadaaraddu qaado. Ilbaxnimadda maanta dunidda ka hana qaadayna waxay ku timi kacaakuf, ay marba umaduhu aqoonsanayeen in habkii hore ee ay ku socdeen ugu yaraan gurac ku jiray, haddaanu dhamaanba leexsanayn. Waxaa ka mid ahaa adoonsi, dhulgoosi, shuuciyadda, dimuqraadiyadda iwm. Hababkaasina tilmaamo badan ayay siinayeen tiirarkii nololeed ee bulshooyinkaasi ku soo kacaameen. Dhinaca kalena xadaaraddu waxay ahayd inay marto waddo marwalba kabaysa hab nololeedka bulshooyinka, gaar ahaan hadday higsan lahayd waxyiga samaawiga ah oo Ilaahay ugu talo galay aadamaha.

Dunida soo koreysa ee aynu ka mid nahay iyana way gaadhay dheeli tirka aynu soo tilmaanay. Laakiin qotada xadaaradda ay sameeyeen aad bay uga hoosaysaa kuwa hore marka laga reebo waxyaabo hida wanaaga iyo diintuba ina fartay. Aynu tusaale u qaadano Somaliland. Labada dugsi ee hore qoyska iyo bulshada tilmaanta laga qaataa waxay ahayd mid ku aroorta dhaqanka iyo habkii aynu u noolayn (reer guuraa). Awoowayaasheen fursad umay helin inay tagaan goobaha waxbarashada. Laakiin, kobcinta maanka waxaa 1oo adeegsan jiray aalado kale, sida qofka oo la baro abtirsiinadiisa, maah-maaho, hal xidhaale iyo waxyaabaha sida tooska ah ula xidhiidha nolosha oo ay ka mid yihiin garqaadista iyo go'aanada laga qaato dhacdooyinka. Marka lagu daro dhirta sunta ah, iyo guud ahaanba tababar feegignaan nololeed ka dhalatay.

Sida uu tilmaamay mid ka mid ahaa aqoonyahanadeena, Caalin oo xisaab yahan ahaa, naxariistii jano Ilaahay ha ka waabiyo, marka inanku ka koro dhabta hooyadii ayay aabihii ku wargelin jirtay-qabso waa kaa inankaagiiye. Halkaas waxaa ka sii ambo qaadma taabogalka wiilka oo aabuhu farta ugu fiiqo sida xaal aduun yahay. Bulshadeena wiilka iyo gabadhu waxay helaan laba tusmo oo aad u kala fog. Inantu dhabtii hooyadeed bay ku hadhaa, waxaanay bartaa habdhaqan wanaagsan oo ku arooraya aqoonta toosan. Ugu danbayntana, waxay huwataa hanaankii dhaqan ee hooyadeed, oo ku hubaysnaa garaad waafiya.

Dhinaca wiilka aabuhuna waajibkiisii buu gutaa, degaankeena oo ahaa mid dhiileysan inta badana 1oo hirdami jirey qabiilooyin, wiilka waxaa lagu barbaarin jirey sidii uu isaga ilaalin lahaa tunjileeca, iyo weliba mararka qaarkood sidii uu wax u halabsan lahaa. Tusaale ahaan, geela oo ahaan jiray meesha eelku ka kaco ninka dhaca looma haysan inuu gef galay, sidoo kale laysuma celin jirin. Raggii gabyi jiray ee aad loo dhegaysan jiray mid ka mid ah ayaa lahaa:

 Sayidkii Xadeed iyo fadhiyey Xarun Daraawiishta

Isba xaafidal Quraanbuu ahaa soo Xajiyey Dhowre

Xaaraan hadduu yahay Fardaha kuma Xaraansheene

Inkasta oo garaadka wiilka la dhisi jiray, hadana waxaa ku lamaanaa fiiro aad u guracan oo maanka caafimaadka qabaa diidayo. Sidaasi waa kii uu ku baxay halhayska "Ninba habar baa habeen korisoo waa halyey tidhi". Dhinaca kalena bulshadeenii oo is-huwan ayaa ka qayb qaadanaysay barbaarinta dhalaankeena. Sida aynu caadada ka dhiganay wakhti badan baa lagu lumiyaa fadhiga makhaayadaha, halkaasoo la dhegeysto aaraada dad badan oo nin waliba isleeyahay golaha ugu cod dheerow. Inkastoo dad badani soo bandhigaan erayo dhaqan wanaagsani ku dheehan yahay, hadana waxaa jira gurdan raacis badan. Kuwan danbe si joogto ah ayey uga qaybqaataan golahaas doodiisu furan tahay ee nin waliba is toocsaday. Waa lama huraan in fariimaha ka baxaya fagaarayaashaasi u cuntamaan dhegeystayaasha, iyo weliba qiimaynta inta ay le'eg tahay khasaaraha ay gaadhsiin karto dhegahaas martida u ah, iyo marka lagu daro dedaalka 1oo baahan yahay si 1oo saxo waxyeeladeeda. Arintani in badan ayay curyaamisaa in si toolmoon uu u koro fekerkeenu, taa soo dalab u yeelaysa guud ahaanba hannaankeena nololeed. Waxaan xusuustaa maalin uu nooyimi nin dareewal ahi (Anagoo ka koobnayn dhawr arday dugsiyadda sare dhamaysatay), kaasoo nala wadaagay haasaawe dulucdiisu ku beegnayd inaan waxba lagu hayn goobaha waxbarashada. Wuxuu tibaaxay in waxbarashadayaddii wakhti lumis ahayd. Marka humaageyntiisa loo barkiyo tayaddii waxbarashada iyo sida xaal aduun berigaas ahaa (shaqo la'aantii iyo maamul xumaddii), waxay u ekeyd inuu qumanaa. Laakiin, sheekadu halkaas kuma damaysee arday badan ayay galaafataa oo kaga taga waxbarashadoodii.

Labadaas goobood ee qoyska iyo bulshada oo daadihinaya dhalintii nasiibka u heshay waxbarashada ayaa Ia midoobay koboca maanka. Dabadeed iyagoo isxambaarsan ayay ka hor yimaadaan falsafadii aqoomeed oo hankeedu ahaa inay fekerkeena horuumariso. Waxaa baynu odhon karaa goobahani waxay ahaayeen kuwa runta ah ee maankeena barbaariya. Barbaarintaa guracani waxay hafisay dhalintii wax baratay, amankaag baanay ku noqotay sidii ay u weheshan lahaayeen labadaas mawjadood ee isbaaxaali jiidhaya. Dabadeed aqoonteenii casriga ahayd waxay noqotay mid u liicda dhinaca guracan.

Si hadaba aynu uga gudubno qaloocaas, waxaynu u baahanahay inaynu dib uga fiirsano goobeheenna waxbarashada, hadday noqoto tayada, manhajka iyo barbaarintaba. Nolosha qarnigan cusubi waxay u baahan tahay feker hogaamiya oo guul u soo hooya, taasi waxay ka imanaysaa in lagu hawl gala aqoonta. Aynu u kala dhigno diinteena suuban oo ah tilmaan hufan oo ka timi Rabigeenii (NNKH) iyo aqoonta casriga ah. Haddaynu eegno diinta Islaamka, waxay si quman u saafaysaa dawga nolosha, halkaasoo aadamuhu si fudud uga tilmaan qaadan karo. Dhinaca aqoonta casriga ahina waxay ina dooransiinaysaa tilmaamo badan oo badhitaaraya kobaca fahamkeena nolosha, kuwaasoo lagu gaadhay waayo aragnimo, cilmi baadhis iyo tijaabooyin. Aynu isku taagno nuxurka waxbarashada casriga ah. faylasuufkii Rene Des-Cartes wuxuu xusay in habar dugaaga oo ay ka go'an tahay inay jidhkooda u adeegaan, ay si joogto ah ugu hawlan yihiin nafaqaynteeda, laakiin aadamaha oo maankiisu tiirdhexaad u yahay, waa inuu raadiyaa xikmadda, taasoo ah nafaqaynta maanka. Waxaa iswediin leh doorka aqoonta casriga ahi ka ciyaarto nafaqaynta maanka. lyadoo ujeedada laga leeyahay halganka aqoon urursigu ay tahay horumarinta sida aadamigu u noolaanayo. Taasna dedaal baa lagu gaadhay ay weheliso ururintii wixii aadamuhu aqoon soo dhaxlay.

Marka laysku soo xooriyo aqoonta casriga ah nuxurkeedu waa laba weji. Ta hare in qofku xirfad barto, inuu noqdo dhakhtar, injineer, bir tume, wastaad iyo rinjiile iwm. lyo takaloo ah in garaadkiisu kordho (more intellectual), oo uu noqdo qof ka aragti dheer ka caadiga ah, waayo feejignaantiisa ayaa saraysa. Tan danbe qayb libaax ayay ka qaadataa kobcinta maskaxda, waana qofka oo si macquul (rational) ah u fekera. U gu danbeyntana wuxuu gaadhayaa heer umaddu ku soo hirato. Goobaha waxbarashada ee la qaabeeyay ujeedada suganna leh sida jaamacadaha waxaa isugu urura dad aqoon xambaarsan. cid kasta oo marti u noqotaana waxay kala tagtaa inta ay ka maasho miidaas. Muhiimaduna waxaa weeye in aqoon korodhsigaagu ugu horeynba adiga ku anfaco, hadday noqon lahayd sidaad mujtamaca uta dhaqmaysid iyo sidaad noloshaada u habayn lahayd.

Runtii mutacalim kastaa ma hanto guushaas, in badana waxaynu aragnaa mid aragtidiisu ka hoosayso ka caadiga ah. sababtuna waxa weeye aragtidiisa oo aan qiimayn karin wax dhaafsiisan inta muuqata. Tusaale ahaan, waayihii kala duwanaa ee aynu soo dhaafnay dadka caadiga ahi waxay marwalba ka eegayeen muraayadda qabiilka, la yaabse waxay noqonaysaa marka kii waxbartayna uu sidaas wax u qiimeeyo. Sababtuna waxaa weeye qofkaas oo ay ka maqan tahay garashadii ku doogsan lahayd sirta qarsoon ee ka danbeysay waayahaas.

Sida caadiga ah wax kastoo dhaca sabab baa ka danbeysa, amaba qaar badan oo isku hoos jira. Qiimayntuna ay ku xidhan tahay hadba miiisaanka aad saarto, haddii aad ula leexato mid aad la jeceshahay, waa suuro gal inay is buuxin waayaan. Waayo aad bay u hooseysay waqdhacda (low probability) aad ku tibatay. Waxay ku fiican tahay inaad xadhiga u sii daysid, adoo isku dayaya inaad ku qanacdo madax banaanida dhacdada. In badan way ku soo dhacdaa suureheena in arimuhu u dhacaan sida aynu doonayno, taasise waa yididiilada dareenkeena oo dhacdooyinku, ka madax banaan yihiin. Ogsoonowna in dhacdo waliba marti u tahay maankeeda.

Waxaan uga socdaa in arin isku mid ah dhawr qof midba wax ka fahmi karo. Tusaale aynu u qaadano nin eedaynaya mid kale, waayo wuxuu ka hadlay dagaaladii sokeeye ee Somaliland. Golaha oo ka koobnaa dadka wax bartay aad bay ugu adkayd in arimahaas ay ka wada hadlaan. Mid kalena wuxuu soo jeediyay in arimaha noocan ah laysku fara saarayo soo hadal qaadkooda.Waayo? Dee waayadeed! Qof wuxuu odhon karaa qabiilooyin baynu nahay, aragtideenuna kama duwana tii dhaqanka ahayd. Haddii arimuhu sidaas u murgi karaan meeday aqoontii aynu baranay? Xagee bay salaadu ka xidhmi la'dahay?

Sidaas oo kale ayaa laba nin oo aragtidoodu kala ahayd wixii dhacay yaan fagaarayaasha lagu soo qaadin iyo ka kale oo leh si furan ha looga doodo wixii dhacay iyo cidda khaladka yeelanaysaba, ay fooda is dareen. Ka hare wuxuu ku eedaynayaa kan danbe inuu qabiileyste yahay, waayo, wixii dadka caadiga ahi ku hadli jireen ayuu golayaashii aqoonta keenay. Soo jeedinta su’aashan garanay in dad dhaqameedku ka eegaan wejiga qabiilka, doodooduna barkan tahay naf, dhaawac, xoolo la kala qaaday, iyo milgo xumo maxaa dhacay?

Laakiin marka aynu ku noolahay xaqiiqo sidan u unkan maxay noqonaysaa doorka dadka aqoonta is bidayaa? lawaabtii eedeeyuhu waxay isugu biyo shubatay ha laga aamuso, xalna ma aha. Runtii taasi ma aha dawga maanka aqoontu hogaamiso oo ina faraya in dhibaato iyo dhacdo kasta la qaadaa dhigo gunteeda la gaadho, loona helo xal waara.

Comments are closed.