Qalalaase Weli Ka Taagan Ukraine Iyo Masuul La Toogtay

0
613

Picture5Mid ka mid ah mas'uuliyiintii ugu sarraysay dowladdii xilka laga tuuray ee dalka Ukraine ayaa lagu toogtay magaalada caasimadda ee Kiev.

Andriy Klyuev ayaa ahaa madaxii shaqaalaha ee madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych.

Waxaa hore loo sheegay inuu la baxsaday madaxweynihii hore marka uu ka baxayay caasimadda Kiev.

Afhayeen u hadlay Klyuev ayaa sheegay inay rasaas ku dhacday isagoo ku soo noqonayay caasimadda Kiev. Qalalaasaha dalkaas waxaa ku kala qeybsamay Ruushka iyo Midowga Yurub.

Ruushka ayaa sare u qaaday cambaaraynta ka dhanka ah dowladda cusub ee KMG Ukraine ee ay taageeraan reer galbeedka.

Xiisad ayaa ka kacsan dalka Ukraine kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych.

Ra'iisalwasaaraha Ruushka Dimitry Medvedev ayaa sheegay in dowladda cusub ay xukunka ku qabsatay "gadood hubaysan".

Wasiirka arrimaha gudaha ee KMG Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegay in dowladda ay jartay warqaddii lagu soo xidhi lahaa madaxweynihii hore Yanukovych.

Baarlamaanka Ukraine ayaa dhowr maalmood ka hor u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Yanukovych.

Ilaa haatan lama oga halka uu ku sugan yahay madaxweynihii hore.

Qalalaasaha Ukraine ayaa billawday kaddib markii madaxweynaha xilka laga tuuray uu diiday inuu xidhiidh dhow la yeesha Midowga Yurub oo uu doorbiday inuu ku baddesho Ruushka.

Ra'iisalwasaaraha Ruushka ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ku qaldan yahay inuu aqoonsado maammulka cusub ee KMG.

Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero dhaqaale siiyo dalka Ukraine si loo soo celiyo xasiloonidii dhaqaale ee dalkaasi.

Afhayeenka aqalka cad, Jay Carney, ayaa sheegay in deeqda dhaqaale ay Ukraine u suuragelin doonto inay horumariso qeybaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Faransiiska ayaa isaguna sheegay in madaxweyne Francois Hollande uu muujiyay inuu ka walwalsan yahay muhiimmadda ah in awoodda Ukraine si nabad gelyo ah loo wareejiyo, xilli uu telefoon kula hadlayay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Labada madaxweyne ayaa wadahadlay iyadoo madaxa arimaha dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ay ku sugan tahay magaalada Kiev, halkaas oo ay ku leedahay wadahadallo looga xaajoonayo sidii taageero siyaasadeed loo siin lahaa hogaamiyayaasha cusub ee Ukraine.