Qaladaadka Ka Dhaca Mihnadlaha Caafimaad Iyo Sababaha Ugu Badan Ee Keena

0
661

Picture1Hargeysa (Geeska)- Caafimaadku waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Rabbi addoomihiisa ku gallado, kalana xisaabtamo waxa ay uga faa’idaysteen. In kasta oo ay diinteenna Islaamku sheegtay in cudur kastaa uu leeyahay dawo, marka geerida laga reebo, haddana dawadaasi waxa ay ku imanaysaa in aynu raadsanno mihnadlaha caafimaad ee aqoonta u leh xaaladda aynu ka cabanayno.

Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku qeexday caafimaadku waa, “Bed-qabka jidheed, maskaxeed iyo bulsho” si aynu u dhowrnana waxaa qasab noqota in aynu dhowranno caafimaadkeena oo dhib kasta oo soo waajahda aynu dawo uga raadsanno mihnadlaha caafimaad ee khuseeya xaaladdaas. Waa arrin muhiim ah in aynu baranno sababaha keeni kara caafimaad darrada, waxa uu cudurku yahay iyo sida aynu isaga ilaalin karno, iyo tan ugu dambaysa oo ah in aynu baranno calaamadaha iyo shuruudaha laga rabo qofka ay tahay in aynu talada caafimaad weydiinno, xanuunka ina haleela dawadiisana ka raadsanno oo ah mihnadlaha caafimaadka, sida dhakhtarka, kal-kaaliyaha caafimaad, farmasiga, shaybaadhka iwm. Kuwaas oo dhammaantood ah cidda ugu habboon ee kaalin wax-ku-ool ah ka qaadan kara kor u qaadista ama wax-yeellaynta caafimaadka fardiga ah iyo kan bulshada labadaba.

Dhakhtarka ama Mihnadlaha caafimaad waa ruux caafimaadka cilmi ahaan u bartay  kuna shaqeeyey ugu yaraan hal sano, waxa aanu daweynta bukaanka u maraa hab-raaca ah, waraysi, shaybaadhid, xallilista (Lafa gur), daweyn iyo baxnaanin. Haddii aanu dhakhtarku nidaam cilmiyeysan u marin daweynta bukaankana waxaa ka dhasha dhibaatooyin caafimaad oo mararka qaarkood kaba sii weyn tii uu ruuxa marka hore ka cabanayey.

Qaladaadka mihnadlayaasha caafimaadka ka iman kara:

Faylasuufkii iyo Qoraagii weynaa ee Faransiiska ahaa Voltaire oo ka mid ahaa Faylasuufyadii calanka u siday aqoontii qarnigii 18aad, ayaa isaga oo ka hadlaya sida ay u fududahay in uu dhakhtarku isaga oo aqoon caafimaad leh haddana qaladaad galo, waxa uu yidhi, “Dakhaatiirtu waxa ay qoraan dawo ay wax yar ka garanayaan, si ay u daweeyaan cudur ay aqoon intaa ka sii yar u leeyihiin, waxa aanay siiyaan aadame aanay waxbaba ka garanayn” Waa ereyo qiimo badan ku fadhiya oo muujinaya sida ay marka horeba u adag tahay in dawada waxtarkeeda iyo wax yeelladeeda uu dhakhtarku sida saxda ah u wada garto, isuna barbar dhigo si uu go’aan uga gaadho in uu bukaankiisa u qoro iyo in kale, dhibta kale ee dhakhtarku waajahayo ayaa ah in aqoonta loo leeyahay xanuunada xataa kuwooda cilmi ahaan la baadhay ay tahay mid aad u yar, iyo dhibta kale oo ah in xanuunno aad u tiro badani ay leeyihiin calaamado aad isugu dhow marar badanna laga yaabo in uu dhakhtarku isku qaldi karo, dhibta saddexaad ee uu faylasuufku taabtay waa in barashada aadamuhu ay tahay hal-xidhaale ay adag tahay in si sugan loo fahmo qaabka abuurkiisa, iyo hawlaha shaqo ee xubnaha kala duwan, malaayiinta unug iyo waaxyaha jidhku u shaqeeyaan, taasina waxa ay sii adkaynaysaa shaqadii mihnadlaha caafimaadka.

Faa’idada ugu weyn ee xikmaddan faylasuufka ku jirtaana waa in loo baahan yahay in mihnadlaha caafimaadku uu marka uu xaalad caafimaad xallinayo uu maanka ku hayo culayska hawsha u taalla iyo baaxadda ay leedahay, waa in ay maankiisa ku jirtaa in heer kasta oo ay aqoontiisu gaadhsiisan tahay, haddana ay mar kasta ka hoosayso aqoonta ay u baahan tahay shaybaadhka uu samaynayo ama ku go’aan qaadanayo, dawada uu qorayo iyo guud ahaanba aadamaha uu daweynayo. Marka laga tago aqoonta iyo waayo aragnimada waajibka u ah shaqada uu hayana waa in uu sidoo kale niyadda ku hayaa in deggenaanshiyaha, hubsiimada, talo urursiga iyo ka baaraan degga xaaladdu ay yihiin tiirar muhiim ah oo kaabaya aqoontiisa mihnadeed.

Qaladaadka caafimaadku waxa ay yimaaddaan marka mihnadlaha caafimaadku uu maro jid aan ku habboonayn daryeelka caafimaad ee uu bixinayo ama uu si qaldan u fuliyo, ama uu isku dayo in uu wax ka qabto xaalad aan ahayn tii uu ku tababarnaa, ama aqoonta buuxda u lahaa. Haddiise marka horeba uu hawsha caafimaad ku jiro isaga oo aan aqoonteedii lahayn, taasi waxa ay noqonaysaa in uu u badheedhay dhagar aan la cafiyi karin oo u baahan in lagala xisaabtamo, xataa haddii aanay weli gacantiisa cidi ku wax yeelloobin.

Qaladaadka mihnadlaha caafimaad ee aan aqoonta lahayn:

Mihnadle kasta oo caafimaad oo aan lahayn aqoon ku filan hawsha caafimaad ee uu qabanayo, waxaa qasab ah in uu sameeyo qaladaad, in kasta oo ay kala khatar badan yihiin haddana mar kasta dhibaato ku filan gaadhsiinaya bukaanka. Haddaba qaladaadka ugu badan ee ka dhaca dhakhtarka, rugta caafimaadka iyo guud ahaanba mihnadlayaasha caafimaad ee aan ku tababarnayn ama aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u lahayn caafimaadka waxaa ka mid ah:

– Qalad Caafimaad: Waa qaladaadka laga hor-tegi kari lahaa ee ka dhaca Dhakhtarka, Cisbitaalka, Farmasiga iyo kalkaaliyaha caafimaad, khatarta caafimaad darrana ku keena bukaanka:

Qaladka caafimaad waxa uu dhacaa marka uu mihnadlaha caafimaad adeegga caafimaad ee uu bixinayo uu u maro hab aan ku habboonayn, sida aqoon darro dhinaca shaybaadhka ah, daryeel xumo, ama dawada bukaanka la siinayo oo aan la hubsan iwm.

Sababaha keena qaladaadka caafimaad waxaa ka mid ah:

1. Is faham la’aan dhinaca afka (Luuqadda) ah oo u dhaxaysa dhakhtarka iyo bukaanka.

2. Si qaldan oo loo fayl gareeyo dhukumantiga ay ku qoran tahay xaaladda bukaanku.

3. Warbixinta caafimaad ee bukaanka ama/iyo warqadda dawo qaadashada ee dhakhtarku qorayo oo lagu qoro far aan la akhiriyi karin ama lagu qaldamayo.

4. Kal-kaaliyeyaasha caafimaad oo aan tiro ahaan ama tayo ahaan ku filnayn daryeelka bukaanka cisbitaalka u yaalla.

5. Farmasiga oo qalda dawada bukaanka, sida dawooyinka isku magaca dhow oo uu isku qaldo iyo farta dhakhtarka oo uu qalad ka fahmo.

7. Qalabka shaybaadhka oo aan tayo lahayn ama cidda ku shaqaynaysaa aanay aqoontii saxda ahayd u lahayn. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in boqolkiiba 50 qalabka caafimaad ee yaalla dalalka dunida saddexaad aan sidii loogu tala galay looga faa’idaysan, sababtuna ay tahay mihnadlayaasha ku shaqaynaya ama farsamo-yaqaannada qalabka dayactiraya oo aan lahayn aqoontii looga baahnaa. Taas oo keenta in shaybaadhku aanu inta badan keenin fahamkii uu dhakhtarku cudurka ku beegsan lahaa.

8. Dawada oo aan ahayn tii ku habboonayd xanuunka ama xaaladaha kale ee caafimaad ee qofku ay diidayaan iyo sidoo kale dawada oo ka awood hoosaysa intii saxda ahayd ama awooddeedu aad uga badan tahay intii loo baahnaa.

9. Dhakhtarka oo qalda shaybaadhka, tusaale ahaan baadhitaanno caafimaad oo la sameeyey ayaa muujinaya in ay dhaceen xaalado ah in dhakhtarro doonayey in ay bukaanka ka baadhaan cudur-sidaha HIV ay si qaldan warqadda shaybaadhka ugu qoreen in laga baadho HTLV oo ah cudur-side aad ugu dhow oo isagu kansarka keena, taas oo markii laga waayey ay bukaankii u sheegeen in aanu qabin HIV iyada oo ay runtu tahay in uu qabo.

10. Waxaa iyaguna jira qaladaad bukaanka ka yimaadda. La soco qayb kale iyo toddobaadka dambe…