Qalab Kugu Dhiirrigelina In Aad Sida Ugu Dhaqsaha Badan Shaqadaada U Qabsato Niyadda Aad U Haysaana Fiicnaato

0
1105

Sidneey (Geeska)- Culimida Sayniska ayaa hal-abuuray qalab cusub oo maskaxda dhiirrigelinaya, si qofku uu shaqadiisa u qaban karo, isaga oo weliba ay ku jirto firfricooni dheeraad ah ama in uu wanaajiyo awoodda fikir ee maskaxda qofka iyo in uu laban laabo kartida ay u leedahay xusuusta, iyo in ay si dhib yar u barato wax kasta oo ku cusub si weliba laba-laab ka dhaqso badan sida uu marka hore u baran karayey.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda ee Alcarabiya, ayaa intaas ku daraysa in haddii khubaradan reer Ustareeliya ku guulaystaan dhammaystirka soo saarista qalabkan tiknoolajiyadda ah ee maskaxda ku caawinaya in ay ku shaqayso xawaare aad uga badan sida marka uu qofku caadiga yahay u shaqayso, iyada oo hirarka magnetka ah ee ay soo deynayso maskaxdu ay noqdaan kuwo si firfircoon u shaqaynaya.

Qalabkan ayaa ka kooban muraayadda indhaha oo tayada samayskeedu ay 3D tahay, saynisyahannada gacanta ku haya hawshanina waxa ay sheegayaan in qalabkani uu akhriyi karo maskaxda isla markaana ku dhiirrigelinayo in u dhaqanto hadba sida uu qalabkani farayo.

Wejiga hore ee qalabkan oo ah muraayad la xidhanayo waxaa loo qaybin doonaa dad gaadhaya 250 Milyan oo u badan ciyaartoyga kala duwan si tijaabada koowaad looga dhigo iyaga, kadibna suuqa iibka lagu soo daayo.