Qaddiyadda Soomaaliland Iyo Aragtidii Abdulqani Beder Rooble Maxamed

0
671

ddddAaraar:

Qaddiyad ama ummad marka la weerarayo ee jiritaankooda iyo hankooda jiritaan duullaanka lagu yahay waxa lagaga bilaabaa in taariikhdooda la dhooqeeyo lana marin habaabiyo iyadoo su’aalo, waydiimo habowsan iyo tashuush lagu furayo si looga shakisiiyo halkii ay ka unkanayd iyo guntii ay ka tolnayd. Taasi maaha mid cusub laakiin waa mid hore la isugu dayay oo dowladdii keli taliska ahayd ay hore isugu dayday in taariikh kasta oo dalkan iyo dadkiisu lahaa la dambabaso mid hor leh oo hadafkooda u adeegayana lagu ababiyo jiilka soo kacaya.

In kasta oo Somaliland ay 25 jirsatay haddana ma dhaliil la’a oo dhankii la taabtaba dhaliilo waa loogu tegayaa waase arrimo u baahan in sidooda loo taabto oo looga hadlo iyadoo hadafkuna uu yahay sidii dawo loogu heli lahaa ee nabarkaasi aanu mustaqbalka dhow u sii jiri lahayn. Anigaygan shakhsiga ahi kumanaan dhaliilood oo qaarkood jiritaanka dalkaba dhaawac ku keeni karaan baan ogahay oo aan sheegaa waxaanse ogahay in dadaalka aniga iyo inta ila midka ahi ay ugu jirtaa uu horseedi dooni is beddel dhanka wanaagga ah oo ku yimaadda dhaliilahaa. Somaliland oo keliya maaha ee xukun kasta oo caalamka jira ama dowlad kasta oo jirtaa dhaliilo way leedahay haba loo kala badnaadee. Xataa khilaafooyinkii Muslimiinta ee soo kala dambeeyay marka laga yimaaddo afartii khulafaa’u Raashidiinta wixii ka dambeeyay oo dhan mid aan dhaliil lahayni ma jirin ilaa kuwii Cusmaaniyiinta ee ugu dambeeyay cagta la mariyay. Haddaba qofka arrimahan Somaliland ka hadlayaa siyaabo badan buu uga hadli karaa. Tusaale ahaan waxa uu soo qaadan karaa Musuqmaasuqa oo inta si wanaagsan looga faalloodo laga soo saari lahaa talooyin iyo qorshayaal wax lagaga qabto iyada oo aan SNM, shirkii Burco iyo Jiritaanka Somaliland midna aan weerar lagu qaadin su’aalna aan la gelin masiirka umadda. Laakiin iyada oo aan laba saafin dhibka jira in laga hadlo haddii markiiba laga soo bilaabo aasaaskii umadda, waxay u muuqataa uun in inta kele tahay hagoog ee halka lagu socdaa ay tahay meelo aad u fogfog. Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxa soo baxayay dhawaaqyo isasoo taraya oo dadka qaar ugu muuqda qaar iska yimid aanse ahayn ee u muuqda qaar nidaaamsan oo taxadar leh uga soo baxaya shakhsiyaad mihnado kala duwan ku jira fagaarayaal kala duwana ka dhawaaqaya laakiin warankoodu meel qudha uu haysto. Waxa ka mid ah in go’aankii 18 May su’aal iyo shaki la geliyo oo la yidhaahdo reer baa iska leh, waxa weerar afka ah lagu soo qaaday isusoo baxa maalinta 18 May, waxa warbaahinta qaar qoraysay dhawaan waraaqo iyagana lagu qaybinayay dariiqyada caasimadda oo nidaamka dowladnimo ee Somaliland shaki lagu gelinayay, taasna weliba ku dar Video Youtube iyo Baraha Internet ka qaarkood la soo geliyay oo lagu falanqaynayo geeddi socodka Somaliland oo si gurracan dadka loogu turjumayo. Aniga oo malaa ku dheeraaday aan u soo dego oo aan mid mid wax uga idhaahdo qoraal uu saaka Cabdulqani Beder soo dhigay bartiisa Facebook oo aniga marka intaa hore ee aan soo sheegay lagu daro si gaar ah ii taabatay jeclaadayna inaan wax ka idhaahdo inta aan dad badan oo aan aqoonta dalkooda ay u leeyihiin sii ridnayni aanay ku dagmin  La Soco………

oo aan shaki ugu abuurmin. 1- Waan isku deyey anigoo yar inaan SNM raaco oo qoriga qaato, waase layga reebay oo la ii diiday caruurnimo awgeed, waxa dagaaladii lala galay maamulkii Siyaad Barre iga soo gaadhay dhib aan soo gaadhin kuwii xamar joogay, ama aan aduunkaba joogin sanadihii dhibaatada 1882-1991, dhibaatadaasi waxay saameysay ehelkaygii oo waalidkay ugu horreeyo, mustaqbalkaygii iyo noloshaydii, haddana inaan runta sheegaa kuwo aan xanuunkaasi gaadhin ayey dhibaysaa! 2- Caamadu runta ma jecla, dadka dhalin yarada ah ee mustaqbalka hiigsanaya waxa wanaagsan inay aragtidooda runta ku dhisaan, ku tiri kuteenkana ka gudbaan. Labadaa qodob ee hore waa gogol xaadh uu Cabdiqani si farsahaxan leh ugu dhigay si uu u kasbado dhegaha dhalinyarada iyo cidda uu markaa rabo inay erayadiisu galaan. Mar haddii aanad SNM ku biirin oo aanad dagaalka gelin khasab maaha inaad sheegto inaad geli gaadhay oo dad badan oo keleba way geli gaadheen hadana taasi kamay dhigin inay galeen iyo in tixgelin gaar ah lagu siiyo inay geli gaadheen. Dhibaataduna waa mid soo gaadhay dhamaan dadka reer Somaliland waana tii keentay inay ka dagaallamaan isla markaana go’aan ka qaataan midowgii lagu fashilmay ee 1960 kii. Arrinta labaad ee caamaduna waa mid loogu gogol xaadhayo in cidii arrinkan ka dhiidhidaa caamo tahay Cabdiqanina uu ku sheeganayo inuu isagu (hadda waa isaga oo keli ahi) uu runta arrinkan ka sheegayo inta kele oo dhamina ku tidhi kuteen tahay. Laakiin yaynaan halkaa kaga noqon ee aynu eegno waxa uu soo wado Cabdiqani. 3- Ciidamadii SNM marnaba uma dagaalamin mabda'a goosashada, qaddiyaddaasna iyaga iyo shacabku toona uma dhiman, haddaanad ogeyn dib u wareyso adeer, wixii laga dagaalamay ee loo dagaalamay, waxa laga dagaalamay dulmigii, waxaana loo dagaalamay in xukunkii dhiigyo cabka ahaa kursiga laga tuuro, magacu wuxuu ahaa Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement), haddaan ku idhaahdo hal qof mabda'a gooni isu taagga soomaaliland uma dhiman inaad la yaabto maaha, inaadse hubsataa waa raganimo. Marka aad daraasad noocan oo kele ah soo dhigayso oo weliba sida aan la socdo dugsiga uu Cabdiqani madaxda ka yahay ee Beder na lagu dhigto Xog-raadinta iyo xog-ururinta sida loo sameeyo waxa fiicnayd malaa in uu soo bandhigo research uu arrinkaa ka sameeyay ama cid kele ka samaysay oo uu soo xiganayo. Waa run oo SNM waxa ay ka dagaallamasay dulmigii iyo in xukunkii dhiigyacabka ahaa la iska dul qaado laakiin su’aashu waxa ay tahay xilligaa dagaalkaasi socday ma ahayd xilli ku habboon in inta SNM fadhiisato ay ku dhawaaqdo in Somaliland madaxbanaanideedii la soo noqotay oo ay goosanayso ?? SNM se ma ahayd ciddii iyagu keligood go’aankaa gaadhi lahaa ee London ama Sucuudiga kaga dhawaaqi lahaa mise waxa uu ahaa qorshe dheer oo xukunka dhiigyacabka ah lagu tuurayay ka dibna arrinka masiirka Somaliland ay isaga imanayeen bulshada reer Somaliland si ay iyagu go’aan uga gaadhaan ?? Way joogaan madaxdii SNM, qaar ka mid ah aasaasayaashii ururku weli way nool yihiin, saraakiishii way joogaan midna Cabdiqani ma waydiiyay su’aalaahaa inta aanuu isagu go’aan ka gaadhin waxa ay SNM rabtay iyo hadafkeeda ku darso oo isagoo weliba sheegay inuu aad u da’ yaraa oo aanuu dagaalkana geli kari waayay da’diisa awgeed. Anigu ma lihi sidaasay ahayd iyo may ahayn laakiin waxaan kuu ogahay waraysi laga qaaday Siyaad Barre badhtamihii 80aad kii markii SNM halkeedu uu meesha adag marayay isaga oo khudbaddaa ku baaqaya in “Dalka aan la kala goyn” isla markaana si cad u sheegaya in SNM rabto in ay “dalka kala goyso”. Haddiiba aanay SNM waxaa shaqo ku lahayn ma waxaynu nidhaahnaa Siyaad Barre Awliyo ayuu ahaa oo qaybka ayuu sii ogaa mise wax kele oo biyo hoostood laga ogaa baa jiray ? Waraysi kele oo ay BBC du la yeelatay guddoomiyii SNM ee wakhtigii gudagalkii Burco iyo Hargeysa imikana ah Madaxweynaha Somaliland waxa uu weriyuhu waydiinayaa “Ma gobollada waqooyi uun baad xoraynaysaan, maxaase Soomaaliya inteeda kele idiinka qorshaysan?” Taas oo uu Siilaanyo markaa kaga jawaabay inay shacabka u taallo waxa ay yeelayaan iyo go’aankoodu laakiin imika muhiimaddu tahay in rajiimkan la rido oo meesha laga saaro. Dhinac kele haddii aynu ka eegno, SNM iyo shacabkuba waxa ay u dagaallamayeen waxa ay ahayd uun in ummaddu ay masiirkooda ka tashadaan hadii ay Soomaaliya sii ahaanayaan iyo haddii ay xorriyaddoodii la soo noqonayaanba waana taas ta ay kumanaanka qof ku shahiideen ee ay naftooda u hureen si ay inteena maanta nool fursad u siiyaan ay mustaqbalkooda kaga tashadaan oo ay go’aan uga gaadhaan. 4- Dagaalkii ka qarxay magaaladda Hargeysa 1994 kii, ee Cigaal hogaaminayey, dhinaca kalena Cabdiraxmaan tuur Xamar wax uga soo yeedhinayey, wuxuu ahaa dagaal SOKEEYE, ma ahayn dagaal u dhexeeya difaaca qaddiyadda Soomaaliland iyo Federaal, waxa uu ahaa difaac dano gaar ah iyo kursi shaadh qabiil la huwiyey lagu difaacayo, sidaas oo kale dagaalkii SNM ee beesha dhexe hogaaminaysay beelaha kale ee soomaaliland na diidanaayeen, wuxuu ahaa dagaal SOKEEYE, oo rag madax ahi qaab qabiil ugu daneysanayeen, ogow afarta madaxweyne ee Soomaaliland soo maray si siman ayey labada saf ugu kala jireen 2/2. Horta wixii Soomaaliya dalkii la idku odhan jiray ka dhacay 1981 ilaa 1991 waxa uu ahaa dagaal sokeeye oo SNM iyo intii dagaallamasay shisheeye may ahayne jabhad dalkeedii ka dhex dagaallamaysa ahay ahayd xagga horena waan kaga hadlay. Wixii intaa ka dambeeyay oo go’aankii Burco ka dambeeyay wixii dhacay waxa ay ahaayeen loona aqoonsaday dagaal sokeeye oo Somaliland dhexdeeda ka dhacay. Ilaa taa maanta Bariga ka socotaa wejiga ay doonto ha lahaato ee maadaama dad reer Somaliland ahi ay qori sitaan waa dagaal sokeeye uun intii ku dhimatayna Ilaahay ha u naxariisto waxaanan Ilaahay ka baryayaa inaan cid dambe inagaga dhiman. Laakiin waxa aad ogaataa dhinac kasta oo dagaallamayay Somaliland dhexdeeda haddana dad culimo u sheeganayay uun baa qolo walba ku lahaa waa Jihaad oo xagga dambe ka soo hurinayay. Waxa aan uga jeedaa dembigaa dhacay ninba meel buu kaga jiray haddii ay noqoto madax, saraakiil, wadaaddo iyo ganacsataba. Sheekooyin badan oo aan anigu u soo joogayna waan ka warrami doonaa marka loo baahdo. Waxaanse kuu ogahay in arrimahaas oo dhan ay dhinac socoto wax ka qabadkooda iyo dadaalka loogu jiro sidii loo soo af jari lahaa. Sidaa dagaalkii 1994 maanta looga soo doogay ayaa beri aan fogaynna arrimahan bariga looga bogsan doonaa oo ay taariikhda u geli doonaan in ay yihiin waxyaabihii ina soo maray ee ay tahay in aynu wax ku qaadano. 5- Colaado qabaa'il soomaaliyeed u dhexeeyaa ma jiraan, qabaa'ilka soomaaliyeedna ma dagaalansana, wuxuba waxay ahaayeen dano siyaasadeed oo qabqablayaal dagaal qabaa'ilkoodii ku daneysteen. Arrinkaa Marxuum Cigaal ayaa dhameeyay oo sheegay in dadku ay walaalo yihiin oo dagaalkuna uu mashruuc yahay ay dad lacag kaga soo qaataan dhinacyo kala duwan waana sii soo dedejisay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu joojiyay dhiiggii meelo badan oo Somaliland ah ka qubanayay. 6- Haddii qaddiyadda gooni isu taaggu tahay mid ka dhalatay shirkii beelaha Soomaaliland ee Burco 1991, weli ma is waydiisay dhabnimada in gooni isu taagga Soomaaliland ku salleysan yahay doonista shacabka?, wakhtigaas dadka miyaa afti laga qaaday oo wax la waydiiyey, jawaabtu waa maya ha yeeshee madaxda shirtay ayaa u talisay oo wax u goysay. Waxa aan moodayay Cabdiqani uu lahaa wax ha la iska waydiiyo arrimahan laakiin haddana waxa aan arkaa uu isagu go’aan ka gaadhay oo uu jawaabtiina isa siiyay. Laakiin bal tiisaba aan u raaco ee go’aannada doonista shacabka sidee baa lagu gaadhaa ?? Jawaabta uu isasiiyay waxa ay ka turjumaysaa halka uu Cabdiqani u socdo ee yoolkiisu yahay waayo wuu og yahay sharci ahaan iyo nidaam ahaanba haddii labeenta reeruhu meel isugu yimaaddaan go’aanka ay gaadhaan in uu yahay go’aan loo dhan yahay. Shirka Burco sida uu ku yimid iyo cidda timid haddii aan is idhaahdo ka hadal buugaag dhan baa laga qori karaa qofkii aan is yeelyeelanina wuu og yahay ee aan indhaha iska ridayn. Cabdiqani haddii uu soo sheego reer keliya oo ka maqnaa meeshaa anigaa xaal bixinaya. Xataa haddii tiisa aynu u raacno oo aynu nidhaahdo dadka xilligaa afti lagama qaadin, sow aftidaa lafteeda lama qaadin 2001 kii ?? Hadda isaga ayaa ilaaqdaa dalbaday oo shardi ka dhigay in aftidaa la qaado waanay dhacday. Go’aan shacbi waxa lagu gaadhaa in hoggaamiyayaasha ama horjoogayaasha qaybaha kala duwan ee bulshadu isu timaaddo si go’aan looga gaadho arrimaha masiiriga ah iyada oo aanay jirin cid banaanka uga baxday oo sheegtay ina aanay qayb ka ahayn. Shirkii Burco ee 1991 ma ahayn mid ay cidi ku dhawaaqday inay ka maqan tahay ama aanay qayb ka ahayn xilligaas. Xataa markii go’aanku uu soo baxay ka dib may jirin cid ka mid ah dadkii go’aankaa gaadhay oo sheegay inay khilaafsan yihiin (isla muddadaa lagu dhawaaqay). Muddo ka dib way jireen rag siyaasiyiin waaweyn ahaa iyagu iskood u tegey xamar uguna dhawaaqay inay Federalka rabaan laakiin iyaga laftoodu go’aankii Shirka Burco waxba kamay sheegin ee kooda uun bay ka hadleen. Waxa kele oo go’aan shacbi lagu gaadhaa in la qaado afti guud oo dadku u codeeyaan arrin masiiri ah, waana tii loogu codeeyay dastuurka Somaliland 2001 kii. Khasab maaha in qof wal oo dadka dalka deggan ahi uu codeeyo sida shuruucda caalamiga ahi dhigayaan laakiin waa in dadku isugu soo baxaan inay codkooda dhiibtaan halkaana lagu ogaado cidda u codaysay. Waan ogahay in Dhowr qof ay maalmahan dambe meelahaa ka sheegsheegaan inaan shirka Burco loo dhamayn laakiin iyaga uun baa ka maqnaa ama da’doodu ha yaraat ama si kele ha uga maqnaadeene laakiin waxa nuxurkiisu yahay uun in uu go’aan shacbi ahaa oo sidaa lagu guddoonsaday. 7- Shacabka Soomaaliland imisa qof ayaa u codeeyey gooni isu taagga? inta sidaas u codeysay boqolkiiba imisa ayey ka noqonayaan tirada shacabka guud ahaa, tirada imika coddeyn karta gaar ahaan, ma u malaynaysaa inay gaadhayaan 30%?, hadda kumaan waydiin tirada codeysay, ee la sheegay in 97% HAA tidhi. 8- Haddiiba tirada coddeysay wakhtigaas ay u codeyeen gooni isu taagga, dadka maanta jooga oo laga yaabo 70% inaanay wakhtigaas codeyn, sababo dhinaca da'da ahayd, ama amni, ama maqnaansho amaba si kale ay ugu suuro geli wayday goormay xaq u yeelanayaan inay doonistoodu shaqeyso, HAA iyo MAYA tay noqotaba, mise ilaa qiyaamaha aragtidii iyo doonistii dhowrkii boqol ee kun ee wakhtigaas duruuftiisa ku shaqeynayey ayaa loo afduubnaanayaa?. Cabdiqani wuu sii ogaa in xujadii shirkii Burco aanay mid buuran ahayn aftidana la qaaday haddana waxa uu u sii gudbay inuu aftidii isagu uu ina waydiiyay ma la qaaday hadana uu lafteedii haddana su’aal geliyo oo imikaa codaysay iyo sidee bay u dhacday uu hadal ka keeno. Laakiin tiisaba aynu u raacno ee sidee bay shuruucda caalamiga ahi u eegaan marka dastuur loo codaynayo iyo qiimaynta aqlabiyadda dadka codeeyay. Tusaale ahaan doorashadii ugu dambaysay 2015 ee dalka Ingiriiska tirad guud ee codaysay wax ay 60% tirada guud ee dalkaas oo weliba aad loogu hadal hayay inay ahayd tiradii ugu badnayd ee codayn u soo baxda. Sidaas ay tahay macnaheedu maana maadaama aan qof walba oo dalka ku nool (64 Milyan oo qof) aanuu codaynayn waxba kama jiraan. Qofku xor buu u yahay inuu wax doorto ama iska daayo ugu dambayntana natiijada intii codaysay uun ba sharci ahaan loogu hawlgelayaa. Markaa haddii gobollada qaar degmooyin ka mid ah aan laga codayn sababo amni dartood, ama meelaha qaar lagu kala tiro badnaa, haddana inta mar labaad afti tan oo kele ah la qabanayo 100 sannadood ka dibna ha noqotee waxa mar walba sharci ah uun natiijada ka soo baxday tii hore ee la qabtay. Waa marka aynaan is dhego marinayn ee aynu aqoonta iyo garaadka ku eegayno haddii kele kolba qof meel inta uu ka hadlo ha yidhaahdo anigu maan codayn iyo anigu maan joogin. Dhanka kele, doorashooyinkii kala dambeeyay ee la soo maray laga soo bilaabo aftidii dastuurka oo mid kelena dhawaan inagu soo fool leedahay waxa ay tusaysaa uun awoodda shacbiga Somaliland ay u leeyihiin taageerada dastuurkii ay u codeeyeen 2001 kii oo intan kelena ay ka sii farcamayeen uun. Mar kasta oo darasho madaxtooyo ama mid baarlamaan ama mid deegaanba la galo, gobollo iyo degmooyin hor leh oo aan hore uga qayb gelin ayaa ku soo kordha oo codkooda ka dhiibta cid iska indho tiri kartaana ma jirto. Ilaa afti dambe laga qabanaya taas hore uun baa sharciyan lagu shaqaynayaa. 9- Ogow, dan baynu wada leenahay dal baana inaga dhexeeya, si miyir ah arimaha maw rogrognaa si mustaqbal la hiigsan karo muuqaalkiisa loo hilaadin karo. Mustaqbalka aynu shalay higsanaynay waa kan aynu maanta ku wada noolnahay ee inoo suurageliyay inay daaraha ugu dhaadheerna dhisano baabuurta ugu quruxda badanna wadanno inaga oo nabadgelyo ku raaxaysanayna waana wax Ilaahay lagu mahadiyo. Inta hadhayna oo wada hawlgalo in la dhamaystiro oo gacmaha la isu qabsado. Ta la rogrogi karaana waa taas ee wax la iska waydiiyo sidee baynu musuqmaasuqa u tirtirnaa, sidee baynu dowladnimo wanaagsan u helnaa, sidee baynu carruurteena shaqooyin iyo waxbarasho tayo leh ugu abuurnaa, sidee baynu qoysaskeena dhaqaale ahaan ugu kaabnaa, iyo wixii la midka ah laakiin marnaba suurageli mayso in kolba qof yidhaahdo SNM kumaan jirine taariikhda dib u soo celiya ama shirkii Burco waan ka maqnaaye waxba kama jiraan. Arrimahaasi waa qaar dhamaaday waana wax la soo dhaafay ciddii markaa joogtayna ay go’aan geesinimo leh ka qaateen si aynu barwaaqadaa maanta aynu haysanno ugu noolaano. Inaga waxa inoo yaallaa waa dhamaystirka wixii ka qabya ah uun. Danta aynu wada leenahayna waa taas uun. 10- Tani igama aha mawqif siyaasadeed ee waa rogrogid aragtiyeed oo ii gaar ah, fadlan hadda waddaado iyo reero haysku rarin. Cabdiqani iskuma helayo in uu siyaasad ka hadlo iyo in uu marka ugu dambaysa yidhaahdo siyaasad igama aha. Siyaasad baynu ka hadalnay, wixii ka soo baxay shirkii Burco go’aan siyaasadeed buu ahaa oo ilaa maanta bulshada lagu dhaqo, halgankii SNM go’aan siyaasadeed buu ahaa oo ay qaateen ciddii markaa joogtay oo horseeday in go’aanno siyaasadeed oo masiiri ah la qaato geeska Afrika oo dhana wax ka bedeshay. Ilaahay baan ka baryayaa inay aragti adiga kuu gaar ah noqoto laakiin anigu waxa aan leeyahay uun dayaxa iyo wiilku isku beeganaa waa halkii ninkii e.

 

WABILLAAHI TAWFIIQ

Rooble Mohamed

Hargeisa, Somaliland