Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Ta’ Deegaanka Oo Cidhiidhi Ku Jirta, Qodobada Caqabada Ku Noqon Kara Iyo Dareenka Beesha Caalamka

42
3333

Hargeysa(Geeska)-Doorashada golaha wakiilada iyo ta’ deeganka oo la qoondeeyay inay qabsoomaan March 2019, ayaa u muuqda inaanay ku qabsoomi Karin wakhtigaas loogu tallo galay.

Doorashooyinkan, ayaa waxa wakhtiga loo muddeeyay ka hadhay  7 bilood, waxaana weli qabyo ah arrimo badan oo ay ahayd inay dhammadaan intaan lagu dhawaan wakhtiga doorashada.

Inkatoo aanay guddiga doorashada iyo xisbiyada midkoodna weli ku dhawaaqin in dib u dhac ku yimid doorashooyinkaas, ayaa haddana waxa muuqda ifaafale muujinaya caqabado dhawr ah oo sababaya inaanay doorashooyinkaasi qabsoomin.

Qodobada muuqda ee aan weli xalka laga gaadhin waxa ka mid ah qaddiyada saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo ay qaar ka mid ah bulshada gobalada dalku si adag uga soo horjeedaan in doorashadan lagu talo qaababkii hore ee saamiga gobalada dalka.

Khilaafka xisbiga Waddani iyo guddiga doorashooyinka qaranka ayaa isna ah qodob caqabad ku ah diyaar garow doorasho oo la sameeyo. Xisbiga Waddani ayaa bishii March ku dhawaaqay inaanay ku kalsoonayn guddiga doorashada, waxaanay ku taliyeen in la kala diro, laakiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiga Waddani ku gacan saydhay soo jeedintaas, mana muuqdo weli wax xal ah oo laga gaadhay tabashada xisbiga Waddani ee guddiga doorashada.

Wadamada reer galbeedka ee bixiya qaybta ugu muhiimsan ee dhaqaalaha doorashooyinka ku baxaya, ayay warar soo baxay waxay sheegayaan inay walaac badan ka qabaan haddii uu dib u dhac ku yimaado doorashooyinkan.

Waxa suurto gal ah inay wadamadani soo saaraan baaqyo ay u dirayaan dawladda Somaliland iyo dhinacyada kale ee ay doorashadu khusayso.

Xildhibaanada golaha wakiilada oo kuraasta ku fadhiyay 13 sannadood ayaa sharci ahaan waxay ahayd inay fadhiyaan 5 sanno. Xildhibaanada goleyaasha deegaanka ee dalka oo ay iyana ahayd inay doorashadoodu qabsoonto sannadkii 2017 ayaa kuraasta fadhiya hal sanno oo muddo dhaaf ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here