Qabiilooyin Lafaha Awoowyadooda Geeriyooda Ka Dhigta Mindiyo .. Sababtuna Waa Tan

35
3454

Jayapura (Geeska)- Qaar ka mid ah dagaalyahannada qabiilooyinka dalka New Guinea ayaa dhaqan u leh in xilliga dagaallada ay adeegsadaan mindiyo ka samaysan lafo. Waxa kale oo ay mindiyaha ka samaystaan lafaha shimbiraha noocyadooda aan duulin, sida gorayada oo sababta ugu weyn ee aanay u duuli karin ay tahay culayskeeda, maadaama oo uu miisaankeedu 60 kiiloogaraam, waxa kale oo uu qabiilkani mindayah dagaalka ka tuntaa lafaha dadkoodii hore ee dhintay, gaar ahaan aabayaasha iyo awoowyada.

Baadhis cilmiyeed oo ay dhowaan baahisay majaladda ‘Royal Society Open Science’ ayaa lagu ogaaday in qabiilooyinkani ay xilliga dagaalka is hormarin jiriin dagaalyahanno xul ah oo sita qalabka dagaalka ee ka samaysan lafaha awoowyadood. Waxa ay baadhistu caddaysay in qabiilooyinkani ay lafaha kala baxaan maydadka aabayaashooda ama xitaa halyeeyada kale ee taariikhda geesinimo ku lahaa qabiilka.

Paul Rusco oo ku xeeldheer cilmiga barashada habdhaqanka bani’aadamka, taariikhdiisa iyo bulshooyinka, kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan ka qaybqaatay ayaa arrintan ku macneeyey in ay tahay dadkan oo aaminsan in ay quwad iyo xoojin ruuxi ah ka helaan awoowyadooda hore, lafaha ay sitaanna noqdaan awood daahsaan oo u suurtagelisa in ay u dagaalamaan sidii geesiyadaasi u dagaalami jireen. Waxa ay aaminsanyihiin in la falgalka aad la falgasho qaybo maytidan ka mid ahi ay keenayso in ruuxdoodu ku lammaanaato oo ay kula dagaal galaan.

Bishii sagaalaad ee sannadkii 1909 kii, ayaa caalmi ku xeeldheer cilmiga raadraaca iyo barashada dhaqannada bulsho iyo sooyaalka dadka oo lagu magacaabo Albert Boyle Lewis waxa uu booqasho ku tegey woqooyiga dalka New Guinea, waxa aanu soo qaaday sawirra qormadan la socda ee ‘a’ iyo ‘b’ ku calaamadsantahay, kana muuqdaan dagaalyahannada oo ku labbisan dharkooda dhaqanka ah, mindiyaha ay lafaha ka sameeyeenna gacmaka ku sita.

Qabiilooyinkani mindiyaha lafaha awoowyadood ka samaysan uma isticmaalaan dagaallada oo keliya, balse waxa ay sida oo kale ka dhigtaan qalab xarrago oo dhudhunkooda gacanta ay ku xidhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here